Guddiga Doorashada Galmudug oo shahaado guddonsiiyay xubno u tartamaya Aqalka Sare “SAWIRRO

Date:

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa maanta shahaadada diiwaangelinta xubnaha Aqalka Sare guddoonsiiyey musharaxiinta u tartameysa labada kursi ee ugu danbeysa doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Daahir Guuleed ayaa shahaadooyinka musharaxnimada guddoonsiiyey xubnaha kala ah xubnahaan oo kala ah Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Mudane Cawil Nuur Cali, Mudane  Cabdi Cusman Xareed iyo Mudane Mahad Aadan Guuleed..

Doorashada labadaan kursi ayaa la filayaa inay Dhuusamareeb ka dhacdo maalinta Sabtida ee soo socota oo taariikhdu ay ku beegan tahay 13-ka bishaan November 2021-ka, waxaana sidaas ku soo afjarmeysa doorashada xubnaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Marka ay soo gabo gabowda doorashada Golaha Aqalka Sare ayaa la filayaa in la guda galo doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xariga ka Jaray Xaruunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo si heer sare ah loo dhisay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha oo si rasmi ah u xarig jaraya dib u howlgelinta xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan...

Danjire Jaamac oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Dalka Burkina Faso

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire...