Qofkii badali lahaa madaxweynaha geeriyooday ee Sheikh Khalifa oo la magacaabay.

Date:

Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo muddo soo ahaa dhaxal-sugaha Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Sabtida maanta ah loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dalkaasi, sida ay warisay wakaaladda wararka ee dowladda, waxaana xilkan loo dhiibay maalin ka dib markii uu dhintay madaxweynihii dalkaasi Sheikh Khalifa.

Wakaaladda wararka ee WAM ayaa warisay in Sheikh Mohamed ay doorteen Golaha Sare ee Federaalka, waxaana uu noqon doonaa hoggaamiyaha dalkan hodanka ku ah saliidda ee sanadkii 1971-kii uu aabihiis aas-aasay.

Sheikh Mohamed, oo ku magac dheer ‘MBZ’ ayaa la kulmay xubnaha Golaha Sare ee Federaalka oo ka kooban madaxda toddobada imaaradood ee dalkaasi, xilli uu dalkaasi galay baroordiiq loo sameynayo walaalkii ay isku aabaha yihiin ee Sheikh Khalifa.

Magacaabistiisa oo ahayd mid si weyn loo filayay ayaa rasmi ka dhigeysa in uu hoggaamiyo dalkan saxaraha ah ee ay ku nool yihiin toban milyan oo qof, ka dib sanado badan oo uu talinayay sababo la xiriiraa xaalad caafimaad darro uu haysay madaxweynaha geeriyooday ee Sheikh Khalifa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...