Home Blog Page 701

Wasaaradda Caafimaadka Koofur Galbeed oo agab looga hortago COVID-19 kala wareegtay AMISOM+(SAWIRRO).

0

Daawadaan oo ka kobneyd nuucyo kala duwan oo loogu talagaley in lagula tacaalo Cudurka Safmarka ee COVID-19 iyo Cuduro kale ayaa waxaa Ciidanka AMISOM qeybta 3-aad ay maanta ku wareejiyeen Wasaaradda caafimaadka ee Koonfur Galbeed.

Goobta Wasaaraddu ay kula wareegeysey dawada ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Mudane Maxamed Cusmaan Jiidow, qaar Ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo saraakiil caafimaad oo ka tirsan hool-galka AMISOM.

Saraakiisha AMISOM ee dawada Wasaaradda ku wareejinayay oo goobta hadal ka jeediyey ayaa waxaa ay sheegeen in mar walba ày diyar uyihiin inay ka jawaabaan baahiyaha bulshada Soomaaliyeed tana ay ka mitahay waajibaadka ka saaran shacabka ay u adeegaan

Saharo Cabddiraxamaan Maxamed oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed Maxamed Cusmaan Jiidow ayaa si iskumid ah uga mahad celiyey ciidanka howl-galka AMISOM, waxaana ay balan qaadeen in ay gaarsiin doonaan goobihii looga talagaley.

Waaradda caafimaadka koonfur Galbeed ayaa dadaal dheer ugu jirtaa sidii adeegyo caafimaad loo gaarsiin lahaa bulshada koonfur Galbeed, tanina waxa ay qeyb ka tahay dadaallada Wasaaraddu ay ugu jirto in kor loo qaado bixinta adeegyada bulshada.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo sagootiyay ciidan tababar loogu qaaday Turkiga+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Muqdisho ka Sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gor Gor oo tababar ku soo qaadan doona dalka Turkiga.

Waxaana dhanka kale, wasiirka Difaaca uu soo dhaweeyay Saraakiil  iyo Saraakiil Xigeenno loo soo tababaray hoggaaminta ciidamada.

Soomaaliya ayaa waxay xiriir diblomaasiyadeed oo adag la leedahay Dowladda iyo Shacabka Turkiga, waxayna xukuumadda Ankara kaalin weyn ka qaadataa dhismaha iyo tayeynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

UK oo galeysa xayiraad cusub oo karoonaha la xiriirta kadib markii ay badatay tirada dadka uu cudarka soo ridanayo

0

16 bishaan December oo ku beegan arbacada waxaa qeybo ka mid dalka UK oo ay ku jirto magaalada caasumada ee London ka dhaqan galaya xayiraad cusub oo looga gaashaamanayo cudurka karoonaha oo dadka tarab tarab u soo ridanaya.

Isbuucii ugu danbeeyay oo kaliya waxaa xanuunka karoona UK ugu dhintay 2,984 qof halka uu haleelay 131,708 qof.

Xayiraadan cusub ayaa saameyn doonta goobaha dadku ku kulmaan sida maqaayadaha iyo meelaha lagu caweeyo.

Waxaa sidoo kale la xiri doonaa tukaamada aan iibin waxyaabaha daruuriga ah .

Guud ahaan UK waxaa cudurka Karoona ugu dhintay 64,170 qof waxaana uu ku dhacay 1.85 malyuun oo qof .

Waxaa isbuucii hore UK laga bilaabay talaalka feyraska karoonaha balse waxa ay saraakiisha caafimaadka sheegeen in talaalku si tartiib ah ku socdo halka faafinta cudurkana ay sii xoogeysaneyso loona baahan yahay in la hakiyo

Madaxweynaha Shiinaha oo ka hadlay xoojinta xiriirka 60 jirsaday ee Soomaaliya kala dhexeeyo.

0

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ku saabsan istiraatiijiyad horumarineed ee kaabayaal caalami si ay uga faa’iideystaan ​​dadka labada dal.

Mr Xi Jinping ayaa hadalkan ka sheegay isweydaarsiga dhambaallada hambalyada ah ee uu u diray dhigiisa Soomaaliya oo loogu dabaal degayay sanad-guurada 60-aad ee ah xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeya.

Munaasabad lagu weyneynayay xoojinta xiriirka 60 sano jirsaday ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, kaasi oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyey Galmudug+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxda Dowlad Gobolleedka Galmudug mas’uuliyiin iyo dadweyne kale.

Safarkan uu ku yimid Ra’iisul Wasaare Rooble magaalada Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayay Dowlad Gobolleedyada oo diirradda lagu saarayay wadashaqeynta iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inta uu joogo deegaannada Galmudug inuu latashiyo kala duwan la sameynayo madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loogu kaabo dowlad dhisidda iyo adkeynta isku xirka hay’adaha Federaalka iy dowlad gobolleedka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey, wuxuna sheegay in Xukuumaddiisu ahmiyadda koowaad siinayo sidii bulshada loogu dhaweyn lahaa dowladnimada.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo heshiisiiyay labo beel oo walaalo ah.

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Mukhtar Xuseen Afrax ayaa maanta isku keenay laba beelood oo wax kale tabanayay oo kuwada nool Gobolka Hiiraan.

Odayaasha labada beelood  oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay balan qaadeen in ay diyaar u yihiin in ay si nabad ah uga heshiiyaan colaadii iyo waxyaabihii labada beel kala dhexmaray dhawaanahan.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo waxgarad kale oo ka tirsan labada beelood ee walaalaha ah.

Hawshaan dib u heshiisiinta  lakala dhexdhigay beelaha walaalaha ah ee wada dagan Gobolka Hiiraan waxa ay qeyb ka tahay da’daallada nabadda iyo Dib u heshiisiinta oo dhawaanahan Wasiirku uu ka waday Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo colaad ku dhexmarayso deegaanno u dhaw degmadd Matabaan ee Gobolka Hiiraan, isagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyo colaadda wadahadal degdeg ahna la isgu yimaado sida ugu dhaqsiyaha badan.

Hay’adda duulista Itoobiya oo sheegtay in dib loo bilaabay duulimaadyadii diyaaradaha ee tegi jiray gobalka Tigray.

0

Hay’adda duulista dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dib loo bilaabay duulimaadyadii diyaaradaha ee tagi jiray gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Qoraal ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in 2:00pm waqtiga Itoobiya ee maanta ay duulimaadyadu fasax yihiin kaddib markii sida ay sheegeen laga guul gaaray howlgalkii sharci soo celinta.

Hay’adda duulista ayaa afartii November waxaa ay joojisay duulimadyada garoomada magaalooyinka Mekelle, Axum, shire iyo Humera kaddib markii uu bilowday dagaalkii u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa TPLF.

Ku dhawaad 40 cisho ayuu gobalka Tigray go’doon ka ahaa Itoobiya inteeda kale kaddib markii la joojiyay gaadiidka cirka iyo dhulkaba

Arintan ayaa imaaneysa maalin un kadib markii Ra’isulwasaaraha Itoobiya uu booqday magalaada Mekelle ee xarunta Tigray, isaga oo sheegay in isgaarsiinta la soo celiyay.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bakool oo si rasmi ah xilka ula wareegay+(SAWIRRO).

0

Munaasabadaan uu xilka kula wareegay maamulka cusub ee Gobolka Bakool dhawaan loo soo magacaabay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Golaha deegaanka degmada Xudur, odayaasha dhaqanka, waxqaradka, culimaa’udiin, haween, dhallinyaro, saraakiisha ciidamada, maamulka xilka wareejinayey, fanaaniin  iyo marti sharaf kale munaasabadda ka qeybgalay.

Ugu horeyn waxaa si kooban munaasabadda uga hadlay ku-simaha guddoomiyaha Degmada Xudur Mustaf Aadan, wuxuna balan qaaday in maamulka iyo shacabka reer Xudur ay la shaqeynayaan Guddoomiyaha cusub.

Qeybihii kala duwanaa ee munaasabadda ka hadlay iyo maamulada degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure ayaa u hambalyeeyey guddoomiyaha cusub iyo ku-xigeenadiisa, waxayna ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan amni xumada ka jirta deegaannada gobolka Bakool.

Intaa kaddib Guddoomiyihii hore ee gobolka Bakool Maxaned Cabdi Tol oo xilka wareejiyey oo hadalo dardaaran ah munaasabada ka jeediyey ayaa yiri “Reer Xudur waxaan idin kula dardaarmayaa in aad xoojisaan isku duumnida iyo lashaqeynta maamulka, laamaha amniga iyo ciidamada si aad yoolkiina u gaartaan oo nabad ugu noolaataan”.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bakool mudane Ibraahim Macalin Nuur Shiine oo u mahadceliyey maamulkii hore ayaa bulshada ka codsaday in ay la shaqeeyaan, shaqada ugu horeysana ay noqon doonto xoojinta amniga.

Ugu dambeyn munaasabadda waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Maxamed Abuukar Cabdi, ayaa umahceliyey maamulkii hore sida wanaagsan ay xilka u wareejiyeen, isgoo maamulka cusub ee gobolka Bakool u rajeeyey in ay wax ka qabtaan xaaladda amni ee gobolka Bakool ka taagan, iyagoo garabsanaya shacabka.

Horjoogayaashii Argagixisada u qaabilsanaa sameynta qaraxyada oo lagu qaarajiyay Jubbada Hoose.

0

Ciidamada Xooga dalka ayaa how-gal qorsheysan oo ay ka sameeyeen degmada jilib ee gobolka jubada dhexe ku dilay qaar ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyaadka Al-shaab uqaabilsanaan saameynta jaakadaha ay qaraxyada u isticmaalaan iyo suumamka laysku xero taasi oo ay ugu talagaleen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Kumaandooska sida gaarka ah utababaran ee danab ayaa degmada jilib ee Gobolka jubada dhexe ku dilay horjooge Muxsin Caliyoow oo ka soo jeeda Gobolka waqooyi bari Kenya iyo horjooge Maxamed Sheikh kuwaasi oo qaabilsanaa farsameynta jaakadaha iyo suumanka ay al-shabaab u Adeegsadaan isqarxinta iyo labo horjooge oo kale sida ay Idaacadda Ciidamadda qalabka sida usheegeen saraakiil ka tirsan kumaandooska xoogga dalka ee danab oo howl-galka hogaaminayay.

Saraakiisha danab ayaa intaasi ku daray duqeynta iyo howl-galka qorsheysan ee laga fuliyay jilib ujeedkooda inuu yahay ka hortaga qaraxyada ay ummadda Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan Al-shabaab.

10-kii bishaan December ayaa degmada jilib waxaa ka dhacay duqeeyn ay iska kaashadeen ciidanka kumaandooska xoogga dalka iyo howl-galka mareeykanka ee Africom duqeeyntaasi oo lagu bur-buriyay warshadii sameeynta qaraxyada ee Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen.