Home Blog Page 699

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal mudane Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Kulanka ay yeesheen labadaan mas’uul ayaa ahaa mid xog-isdhaafsi ah oo ku saabsan dardargelinta howlaha doorashada.

Wasaaradda Amniga XFS oo ka digtay bannaanbaxyo aan lagu wargelin laamaha Ammaanka.

0

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in bannaanbixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho aan lasoo ogeysiin hay’adaha amniga.

Wasiirka ayaa tilmaamay in aan xilligaan loo baahneyn rabshado iyo in la carqaladeeyo amniga dalka, isagoo xusay in dastuurku oggolyahay in dadku ay muujiyaan dareenkooda balse ay tahay in laamaha ammaanka lagu wargeliyo si loo ilaaliyo amniga dadka isu imaanaya, si aysan ugu soo dhex dhuuman argagaxisada Al-shabaab.

“Bannaanbax iyo cabasho waa wax la oggolyahay, dastuurkaa oggol,adduunyadaa oggol,caqligaa oggol,sharcigaa oggol,cid kastaa oggol,waa marka qof la ogyahay ujeedadiisa uu sheegay amniga uyimaado,markaas dowladda waxaa ka saaran in goobtuu tegi lahaa asoo nabdoon tago.Dowladnimadeynu waxey ku dhisantahay ra’yi ra’yi ka duwan lama diidana taas”ayuu yiri wasiir Xundubey.

Wasiirka amniga gudaha mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in amnigu yahay mid ay wada leeyihiin bulshadu oo u tahay in la wada ilaaliyo maaddaama aysan cid gooni ah laheyn,isagoo ka digay in bulshada loo adeegsado bannaanbaxyo aan lagu wargelin laama amniga.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Galmudug+(SAWIRRO).

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Galmudug. Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wasiirrada XFS ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarkiisa.

Shirkan ayaa  diirradda lagu saaray wadashaqeynta, iskaashiga dowladda federaalka iyo Dowladda Goboleedka Galmudug ee  arrmaha amniga,  dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga deegaannada Galmudug ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu ahmiyad weyn u leeyahay soo celinta kaabayaasha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee muhiimka u ah shacabka Galmudug, isla markaan uu si deg deg ah ku bilaaban doonno mashruucan lagu dhisayo Garoonka.

Eng. Rooble ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Galmudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinkii la haray deegaanka ee dib u riday horumarkii la sameyn lahaa.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee Galmudug in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska Garoonka Caasimadda Dhuusamareeb.”

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybta weyn ee ay ka qaadanayso dhismaha Garoonka, isagoo sheegay in mashruucani uu yahay mid saldhiggiisu yahay sidii Caasimadda Galmudug ay u heli lahayd garoon diyaaradeed oo u qalma.

Munaasabadda Dhagax dhigga Garoonka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxda Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Shir weynaha haweenka Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Muqdisho+(SAWIRRO).

0

Caqabadaha ku hor gudban ka qeybgalka haweenka ee doorashooyinka soo aadan iyo muhiimadda ay leedahay in la dhowro qoonddada dumarka ee kuraasta labada aqal ee baarlamaanka dalka ayaa lagu soo bandhigay shirweynaha haweenka Soomaaliyeed ee u qareemidda qoondada dumarka 30% ee  labada aqal ee BFS.

Shirka oo ku qabsoomay masraxa qaranka ayna goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha shacabka , ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo boqolaal kamid ah haween weynah Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobolada dalka oo wasaaradda haweenka ku casuuntay ka qeybgalka shirkan.

Dhammaan mas’uuliyiinta ka hadashay madasha oo ay kamid yihiin wasiiro, xildhibaano, guddoomiyaal iyo u ololeeyeyaasha xuquuqda dumarka Soomaliyeed  ayaa wadajir usoo dhaweeyeen dadaalada ay wado wasaaradda haweenka XFS ee ku aadan xaqiijinta qoonddada 30% ah ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin baarlamanka dalka.

Xaniifa Maxamed Ibraahim, wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in u jeedka shirkan loo qabtay ay tahay sidii loo ilaalin lahaa saamiga haweenka ay ku leeyihiin kuraasta golaha sharci dejinta dalka.

Mahdi Maxamed Guuleed ra’iisulwasaare ku xigeenka XFS ayaa tilmaamay in dowlada federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta xaqa hablaha Soomaaliyeed u leeyihiin ka qeybgalka siyaasada dalka.

Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan Guddoomiyaha golaha BFS oo wasaaradda haweenka ku bogaadiyay mas’uuliyadda ay iska saartay ilaalinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegay in guddoonka golaha shacabku garab taagan yihiin in haweenka fursad loo siiyo ka qeybgalka siyaasadda.

Shirka waxaa laga soo saaray war murtiyeed, qodobadii ku jireyna kamid ahaayeen in baarlamaanka 11-aad ee dhawaan la soo dooranayo 30% noqdaan haween.

In 50%  laga dhimo haweenka u sharaxan kuraasta labada aqal ee baarlamanka. In kuraasta loo qoondeeyay dumarka aysan kula tartamin ragga.

Shirkan wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah, oo wasaaraddu u qabato haweenka Soomaaliyeed, waxaana lagu casuumay dhammaan wasaaraddaha haweenka ee dowlad goboleedyada, ururada arrimaha haweenka u ololeeya.

Mas’uuliyiinta shirweynaha haweenka Soomaaliyeed ka qeybgashay waxaa kamid ahaa, ku guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka sare, Mowliid Xuseen Guhaad, wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye, xildhibaano ka tirsan labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka shaqada ee Xukuumadda Soomaaliya oo Dhuusamareeb kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Faarax oo ku sugan xarunta Dawlad-gobolleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug ,Yaxye Xiish Xuseen , Ku-xigeenkiisa Maxamed Nuur Diini iyo sarkaalka xiriirka Galmudug ee Baxnaano iyo mashruuca ka jawaabaya saameynta Ayaxa, Asma Saciid Cali.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa awoodda wada shaqeyn iyo isku dubaridka barnaamijyada Dawladda sida Barnaamijka caawimaada Qaran ee Baxnaano oo qeyb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.

Imtixaanka Garsoorayaasha Galmudug oo la daah furay+(SAWIRRO).

0

Madaxwayne ku-xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si wadajir ah u daah-furay Imtixaanka Garsoorayaasha Galmudug.

Munaasabaddan furitaanlka imtixaanaadka laamaha Garsoorka waxaa goobjoog ka ahaa xeer ilaaliyaha Guud, Wasiirada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Cadaaladda iyo Amniga, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo hawlwadeeno tirsan waaxda imtixaanaadka ee Garsoorka dalka iyo waaxyaha caddaaladda Galmudug.

Wasaaradda Caafimaadka Koofur Galbeed oo agab looga hortago COVID-19 kala wareegtay AMISOM+(SAWIRRO).

0

Daawadaan oo ka kobneyd nuucyo kala duwan oo loogu talagaley in lagula tacaalo Cudurka Safmarka ee COVID-19 iyo Cuduro kale ayaa waxaa Ciidanka AMISOM qeybta 3-aad ay maanta ku wareejiyeen Wasaaradda caafimaadka ee Koonfur Galbeed.

Goobta Wasaaraddu ay kula wareegeysey dawada ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Mudane Maxamed Cusmaan Jiidow, qaar Ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo saraakiil caafimaad oo ka tirsan hool-galka AMISOM.

Saraakiisha AMISOM ee dawada Wasaaradda ku wareejinayay oo goobta hadal ka jeediyey ayaa waxaa ay sheegeen in mar walba ày diyar uyihiin inay ka jawaabaan baahiyaha bulshada Soomaaliyeed tana ay ka mitahay waajibaadka ka saaran shacabka ay u adeegaan

Saharo Cabddiraxamaan Maxamed oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed Maxamed Cusmaan Jiidow ayaa si iskumid ah uga mahad celiyey ciidanka howl-galka AMISOM, waxaana ay balan qaadeen in ay gaarsiin doonaan goobihii looga talagaley.

Waaradda caafimaadka koonfur Galbeed ayaa dadaal dheer ugu jirtaa sidii adeegyo caafimaad loo gaarsiin lahaa bulshada koonfur Galbeed, tanina waxa ay qeyb ka tahay dadaallada Wasaaraddu ay ugu jirto in kor loo qaado bixinta adeegyada bulshada.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo sagootiyay ciidan tababar loogu qaaday Turkiga+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Muqdisho ka Sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gor Gor oo tababar ku soo qaadan doona dalka Turkiga.

Waxaana dhanka kale, wasiirka Difaaca uu soo dhaweeyay Saraakiil  iyo Saraakiil Xigeenno loo soo tababaray hoggaaminta ciidamada.

Soomaaliya ayaa waxay xiriir diblomaasiyadeed oo adag la leedahay Dowladda iyo Shacabka Turkiga, waxayna xukuumadda Ankara kaalin weyn ka qaadataa dhismaha iyo tayeynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

UK oo galeysa xayiraad cusub oo karoonaha la xiriirta kadib markii ay badatay tirada dadka uu cudarka soo ridanayo

0

16 bishaan December oo ku beegan arbacada waxaa qeybo ka mid dalka UK oo ay ku jirto magaalada caasumada ee London ka dhaqan galaya xayiraad cusub oo looga gaashaamanayo cudurka karoonaha oo dadka tarab tarab u soo ridanaya.

Isbuucii ugu danbeeyay oo kaliya waxaa xanuunka karoona UK ugu dhintay 2,984 qof halka uu haleelay 131,708 qof.

Xayiraadan cusub ayaa saameyn doonta goobaha dadku ku kulmaan sida maqaayadaha iyo meelaha lagu caweeyo.

Waxaa sidoo kale la xiri doonaa tukaamada aan iibin waxyaabaha daruuriga ah .

Guud ahaan UK waxaa cudurka Karoona ugu dhintay 64,170 qof waxaana uu ku dhacay 1.85 malyuun oo qof .

Waxaa isbuucii hore UK laga bilaabay talaalka feyraska karoonaha balse waxa ay saraakiisha caafimaadka sheegeen in talaalku si tartiib ah ku socdo halka faafinta cudurkana ay sii xoogeysaneyso loona baahan yahay in la hakiyo