RW Rooble oo madaxda DG ka codsaday in qabashada doorashada BF aysan la dhaafin bil

Date:

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu soo dhaweeyey iclaamintii doorashada 11 kursi oo laga soo dooranayo deegaanada Koonfur Galbeed, waxuuna Rooble tallaabadaas uga mahad celiyey Madaxweyne Lafta Gareen iyo guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa fariin u diray madaxda kale ee dowlad goboleedyada, isagoo sheegay inay hadii ay yihiin golaha wadatashiga qaran ay ku balameen in doorashada golaha shacabka lagu soo gabagabeeyo bil gudaheed, waxuuna ka dalbaday inay ilaaliyaan balantaas.

“Sida ay isku waafaqeen Golaha Wadatashiga Qaran kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ku yeesheen aaladda fogaan arraga 11-kii Nofeembar, doorashada Golaha Shacabka waa in lagu soo gabgabeeyaa muddo bil ah oo ka bilaabaneysa 20ka November kuna eg 20ka December, sidaa awgeed Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku boorrinayaa Dowlad Goboleedyada kale ee iyaguna ku jira diyaar garowga in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabaan si looga fogaado dib u dhac kale oo hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu dalbaday in qabashada doorashadaan ay noqoto mid xiriirsan oo aan kala go’ laheyn, “sidii dhacday doorashadii Aqalka sare oo waqti dheer qaadatay.”

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay garab istaagaan Guddiyada Doorashooyinka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, si doorashadu ay u noqoto mid hufan,daah-furan oo xalaal ah,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalak ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa caawa iclaamiyey doorashada11-ka kursi ee ugu horreysa doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ka soo gelaya deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee iclaamiyey doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ka horeysay Galmudug oo iclaamisay doorashada shan kursi, halka guddiga doorashada kuraasta Somaliland uu qabtay doorashada labadii kursi ee ugu horeysay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...