Guddoonka BFS oo faray sarakisha booliska iyo howlgalka ATMIS in ay iska kaashadaan in doorashada ay ku dhacdo si nabad ah.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxay maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS,Laamaha amniga dalka  iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya  ayaa saraakiisha faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabad ah oo xasiloon.

Shirkaan ayaa yimid iyadoo bandow caawa dhaqan galaya booliska soomaaliya ku soo rogeen magaalada muqdisho si loo adkeeyo amaanka doorashada berri ee ka dhaceysa tendhada afisyooni.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...