Home Blog Page 690

Wasiirka Shaqada JFS oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka Degmada Galdogob+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal shaqo ku jooga degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka.

Kulanka oo ka qabsoomay hoyga uu Galdogob ka degganyahay wasiirka , ayaa aad loogu dheeraaday arrimaha nabadeynta,horumarinta deegaanka  iyo xoojinta shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Bandiiradley iyo Galdogob,iyadoo odayaasha dhaqanka ay codsadeen si loo gaaro dhaqan-gelinta qodobbadii lagu heshiiyay inay muhiim tahay waji saddexaad ee shirkaa.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Wasiirka  uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid degmada Galdogob,wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo Horumarinta Bulshada, iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulanka uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka uga warbixiyay qorshaha socdaalka uu ku yimid degmada Galdogob iyo guud ahaan deegaannada Puntland , ayaa u sheegay inuu dadaal gelin doono dhaqangelinta dib u heshiisiinta bulshada , horumarinta iyo wax ka qabashada baahiyaha jira.

Wasiir Duraan, ayaa ku boggaadiyay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka hannaanka wanaagsan ee xasillinta iyo horumarinta deegaanka, ayaa kula dardaarmay  in ay laba jibbaaraan dadaallada sare u qaadidda midnimada,wadajirka iyo adkeynta ammaanka.

Kulanka uu Wasiirka la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka degmada Galdogob ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Galdogob, xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo xubno kale oo ka tirsan qeybaha bulshada.

(DAAWO) Soo laba kacleynta cudurka Covid 19 iyo saameynta uu ku yeeshay caruurta qoysaska barakacayaasha ah+Warbixin, (MUUQAAL).

0

Soo labo kacleynta COvid 19 iyo Saameynta Waxbarasho ee Caruurta Qoysaska tabarta daran.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka SNTV.

(DAAWO) BARNAAMIJKA FANKA IYO SUUGAANTA ©SNTV // 20 -11 -2020.

0

Halka ka Daawo Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta SNTV.

(DAAWO) WARKA KOOBAN ©SNTV // Axmed Cumar // 20.11.2020

0

Halkan ka Daawo Warka Kooban SNTV.

Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee Dalka Hindiya oo kor u dhaaftay 9 milyan.

0

Tan iyo markii uu safmarkani ka bilowday Hindiya Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee dalkaasi ayaa kor u dhaaftay  9 milyan sida ay sheegeen waaxda tiri koobka maanta oo jimca ah.

Si kastaba ha noqotee kiisaska cusub ee maalinlaha ah ee Hindiya waxaa laga dareemayay hoos u dhac toddobaadyadii ugu dameeyay iyadoo  hadda tirada guud ee kiisaska ay taagan tahay 0.6% tirada dadka Hindiya oo ah 1.3 bilyan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo warisay 45,882 oo infekshan cusub ah iyo 584 dhimasho 24-kii saac ee la soo dhaafay. Tirada dhimashada ee Hindiya tan iyo markii uu faafay cudurka ayaa ka badan 132,000.

Hindiya ayaa kaalinta labaad kaga jirta dadka uu saameeyay cudurka covid-19 halka sedexaad ay ku jirto brazil iyo Maxsiko oo kalinta afaraad fadhisa.

Ciidanka Azerbaijan oo gudaha ugalay Degmada Aghdam kadib hishiiskii xabad joojinta+(SAWIRRO).

0

Ciidanka Azerbaijan ayaa sheegay inay gudaha ugaleen degmada Aghdam, oo ah tii ugu horeysay seddexdii ay dib u celiso Armenia iyadoo qeyb ka ah heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka uu ka yahay  Ruushka si loo joojiyo dagaalka ka socda gobolka Nagorno-Karabakh.

“Cutubyo ka tirsan Ciidanka Azerbaijan ayaa gudaha galay gobolka Aghdam 20, Noofambar oo maanta sida ay shaacisay wasaaradda difaaca Azerbaijan waana degmo ku dhowaad 30 sano ka arriminayeen kooxaha gooni u goosadka ee Armenia.

Iyadoo qeyb ka ah heshiiskii nabadeed ee usbuucii la soo dhaafay, Armenia waxay ogolaatay inay dib u celiso qaar ka mid ah 15 illaa 20 boqolkiiba dhulkii Nagorno-Karabakh ee ay qabsatay Azerbaijan dagaalladii ugu dambeeyay, oo ay ku jirto magaalada taariikhiga ah ee Shusha.

Armenia waxay sidoo kale ku wareejin doontaa degmada Kalbajar ee u dhaxaysa Nagorno-Karabakh iyo Armenia sido kale 25 bishaan  iyo degmada Lachin ugu dambayn 1da bisha soo socota.

Is-weydaarsiga dhulku wuxuu markii hore ahaa inuu bilowdo Axadda, iyadoo Armenia ku nool degmada Kalbajar ay u carareen si wada-jir ah ka hor inta aan la gaarin xilliga rasmiga ah ee la wareegidda Azerbaijan.

Laakiin Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa dib u dhigay waqtigii loogu talagalay oo ah hal toddobaad isagoo tixgalinaya “bani’aadamnimada”.

Xiisadii u dhaxeysay wadamadii hore ee Midowgii Soofiyeeti ayaa gaartay meeshii ugu sareysay September 27, markii isku dhacyada Azerbaijan iyo ciidamada qowmiyada Armenia uu ka qarxay deegaanka Nagorno-Karabakh iyo deegaannada ku xeeran.

Nagorno-Karabakh waxay ku taal Azerbaijan laakiin waxaa sanado badan haystay qowmiyadaha Armenia.

Inta badan degmada Azerbaijan ee koonfur-galbeed ee Aghdam waxay ku jirtay gacanta kooxaha gooni u goosadka ah ee Armenia ilaa 1993. Dagaalkii Soofiyeeti ka hor, waxaa ku noolaa ilaa 130,000 qof – oo u badan qowmiyadaha Azerbaijan oo laga saaray guryahoodii.

Iskahorimaadkan oo socday muddo lix toddobaad ah ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1000 qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah oo labada dhinacba ka tirsan.

10-kii Nofeembar, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis ay garwadeen ka ahayd Ruushka oo lagu joojinayo dagaalka isla markaana looga shaqeeyo sidii xal buuxa loo gaari lahaa.

Dhaqaatiir ka socota Soomaali iyo Turki oo Muqdisho ka bilaabay Kulamo caafimaad oo aqoon kororsi ah.

0

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa maalinimadii shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay kulan aqoon kororsi ah oo ay ka soo qeyb galeen xirfadlayaal caafimaad oo isugu jira Somaali iyo Turki.

Safiirka Turkiga oo ka hadlay xafladdi furitaankaoo ka dhacday  Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Erdigaan ex Digfeer,ayaa  hambalyo u jeediyay qeybaha dhallinyarada caafimaadka ee ka qeygaalaya kulanaasi,wuxuuna kula dardaarmay in hibadooda aqoooneed ay ku dabaqaan adeegyada caafimaad ee ay u hayaan shacabka.

Intii ay munaasabaddu socotey, dhakhaatiirta da’da yar ee Soomaaliyeed waxay soo bandhigeen aqoonta ay u leeyihiin   xirfadaha caafimaad  iyo kaalinta ay ka qaadan karaan adeegyada lagama maarmanka u ah badbaadinta shacabka.

Turkiga waxa uu  si weyn uga qeyb qaatay hagaajinta nidaamyada caafimaad ee Soomaaliya sida dib u  dhiska isbitaalada, tababaridda ardayda caafimaadka iyo dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

sanadkii 2015-kiiMadaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Soomaali-Turki (ex Digfeer).

(DAAWO) WARKA HABEENIMO EE ©SNTV //AAMINO LADAN // 19-11-2020.

0

Halkaan ka Daawo Warka Habeenimo ee SNTV.

(DAAWO) BARNAMIJKA FALANQAYNTA ©SNTV // SUGAAL // 19-11-2020.

0

Halkaan ka Daawo Barnaamijka Falaqeynta.

(DAAWO) BARNAAMIJKA DHACDOOYINKA MAANTA ©SNTV // 19-11-2020.

0

Halkaan ka Daawo Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta.