DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay xoojinta amniga iyo wax ka qabashada dilal ka dhacay galkacyo oo xalay lagu qabtay Magalaada galkacyo..

Date:

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/dhexe Cali Muuse Maxamuud oo Ay wehliyeen Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Gaalkacyo oo xalay  Shir Jaraa’id ku Qabtay Saldhigga Degmada Gaalkacyo ayaa Faahfaahin ka bixiyay Fal Sababay Dhimashada Labo ruux oo shacab ah iyo Dhaawaca Hal kale oo ka dhacay Gaalkacyo.

Taliyaha Qeybta Ayaa Cambaareeyey Falkaas Foosha xun isagoo uTacsiyadeeyey ehalada Marxuumiinta Dhintay, wuxuuna Sheegey inay Gacanta ku hayaan Badi Dadkii falkaasi ku lugta lahaa, isla markaana ay ku dabajiraan inta dhiman.

Taliyaha Ayaa shacabka ugu baaqay inay ciidamada amniga la shaqeeyaan, wuxuuna intaas raaciyay inay gacan bira ku qaban doonaan amniga guud ee Gaalkacyo iyo Guud ahaan Gobolka Mudug.

Abdirisaaq maxamed ahmed Wariyaha warbahinta qaranka ayaa faah-faahin ka  bixinaya warkaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....