Home Blog Page 691

Soomaliya Iyo Hey’adda IMF oo heshiis cusub kala saxiixday.

0

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF Ayaa kala saxiixday heshiis muhiim u ah geeddi Socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad,Qoraal uu soo saaray wasiirka Wasaarada maaliyada Soomaaliya Abdirahman Ducaale Bayle ayuu sidaan ku sheegay.

DEG:DEG-Maleeshiyaad hubeysan oo saakay gaalkacyo ku dilay dad shacab ah.

Labo qof ayaa dhimatay halka mid kalana uu ku Dhaawacmay kadib markii Maleeshiyo Hubeysan Ay Rasaas ku Fureeen gaari ay Saarnayeen Dad Shacab ah.

Raisulwasaare Rooble oo ka hadlay dabkii baabi’iyey goobo ganacsi oo ku yaal iskoyska Banadir.

Raisulwasaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Rooble ayaa waxa uu ka hadlay dabkii xalay Ka Kacay Suuqa Banaadir kaas oo hanti badan ku Basbeeshay.

Gudoomiyaha Golaha shacabka oo shacabka soomaliyed ugu baaqay in la garab istaago walaalihii ku hanti beelay dabkii xalay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wuxuu xalay ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagayaa tiiraanyada iyo walaaciisa ku aaddan qasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii xalay ka kacay suuqa Banaadir ee magaalada Muqdisho.

SAWIRRO:Khasaaro badan oo ka dhashay Dabkii xalay ka kacay suuqa Banaadir.

Waxaa xalay xilli danbe lagu guulaystay Daminta Dab xoogan oo xalay ka kacay Goobo ganacsi oo Ku yaal suuqa Banaadir ee degmada Hodon ee Gobolka Banadir .

Gudoomiyaha aqalka sare oo caawa la kulmay Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud.

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu caawa hambalyo iyo salaan ugu tagay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan sheekh Maxamuud.

Labada masuul waxayna isla qaateen in si wadajir ah loo dardargaliyo howlaha hortabinta leh ee hor yaalla Dowladda.

SAWIRO:Dab xoogan oo caawa kakacay suuqa Banaadir.

Dab xoog leh ayaa ka kacay goobo ganacsi oo kuyaala isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma jirto faahfaahin kasoo baxday dabka iyo khasaaraha uu gaystay,wallow qasaaro badan la soo warinaayo.

Kuwani waa sawirro laga soo qaaday goobta dabka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo gaaray magaalada Abu Dhabi.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galayo tacsida madaxweynihii geeriyooday ee dalka Imaaraaadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan gaarsiinayaa dhambaal hambalyo iyo salaan ah oo uu uga sido madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi ku soo dhaweeyay wasiirka caddaaladda ee dalka Imaaraadka Carabta Mudane Cabdalla Alnuceymi.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa booqashadii Imaaraadka ku wehliya Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Alcadaala iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo amar ku bixiyey in Soomaaliya lagu wareejiyo lacag dhan $9.5 Milyan oo dollar.

0

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa amar ku bixiyey in Soomaaliya lagu wareejiyo lacag dhan $9.5 Milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo maanta Saxiixay Xeer Nidaamiyaha Labaad ee Sharciga Shirkadaha.

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ay wehelinayaa Agaasimaha guud Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, agaasime waaxeedyada iyo la-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa maanta si rasmi ah u saxeexay Xeer Nidaamiyaha labaad ee lagu dhaqan-gelinaayo sharciga shirkadaha Soomaaliya(Sharci Lambar 18 oo soo baxay 2019).

Xeer nidaamiyahan labaad oo Wasaaraddu ka shaqeynaysay muddooyinkii u dambeeyey isla-mar-ahaantaana soo maray marxalado kala duwan, ayaa lagu saleeyey siddii uu u dabooli lahaa baahiyaha dhinaca habraaca ee la xidhiidha wax-ka-beddelka shirkadaha iyo weli ba dhammeystirka ama dhaqan-gelinta habka onlaynka ah ee lagu dalbado diiwaan-gelinta shirkadaha kuwaasi oo qeyb weyn ka qaadanaya horumarinta ganacsiga iyo dhiiri-gelinta maal-gashiga dalka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ka dib markii uu saxeexay faah-faahin ka bixiyey xeer nidaamiyahan labaad, ayaa tilmaamay in uu fursad u noqon doono ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaaniibta ah isla-mar-ahaantaana uu u fududeyn doono hawlahooda ganacsi.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaraddu, waxa uu halkaas shahaado sharafyo ku guddoonsiiyey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada Wasaaradda oo qeyb-weyn ka qaatay diyaarintii iyo daah-furista lagu sameeyey Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysamada Shirkadaha Ganacsiga Soomaaliya kaas oo noqday barnaamij guulaystay oo wax weyn ka taray fududeyntii ganacsiga dalka isla-mar-ahaantaana uu qofka ganacsadaha ahi shirkaddiisa diiwaan-gashan karo isaga oo ku sugan xafiiskiisa shaqo ama gurigiisa ba.