Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo sheegey in uu xanuunka la qeybsanayo ganacsatadii dhibaatadu ka soo gaartay dabkii xalay ka kacay suuqa Banaadir.

Date:

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xanuunka la qeybsaday dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dabkii xalay ka kacay goobaha ganacsi ee isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yirri “Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in musiibada dabka tahay dhibaato u baahan in wadajir looga shaqeeyo maareynteeda, waxaana uu tilmaamay in ay ka shaqaynayaan sidii xal loogu heli lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...