DHAGEYSO:Madaxweynaha jubbland oo sheegay in la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka gedo ka xayirnaa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland .

Date:

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo shalay dib ugu laabtay magalaada Kismaayo ayaa soo dhaweeyay isbadalka Cusub ee dalka ka hirgalay isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shantii sano ee lasoo dhaafay dalka soo hogaaminayay isla markana aqbalay natiijada doorashada.

 

Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay isla markana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayd ee ay soo qabteen.

 

Madaxweynaha cusub ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Madaxweynahu Alle uga baryay inuu la garab galo shaqada culus ee hortaala isagoo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Dowlada cusub garab istaagan si shaqooyinka horyaala ay u fuliso iyadoo haysta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maanta laga bilaabo la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayirnaa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo isla markana aanay jirin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya.

 

Hadalka Ahmed madoobe ayaa yimid xilli qilaaf muddo ka taagnaa gobolka Gedo kaas oo salka ku hayey arimo maamul.

 

YOONIS DURAAN ALI ayaa faah-faahin ka  bixinaya warkaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...