Home Blog Page 683

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulan kula qaatay Aaladda Foggaan arag qaar kamid ah Wasiirada Maaliyadda Afrika “SAWIRRO”

0

Maanta waxa aan ka qeybgalay shir aad iyo aad muhiim u ah oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Afrika iyo Maamulaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF. Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay guddiga dhaqaalaha UN-ka ee Afrika.

Waxa aan ka doodnay sidii looga soo kaban lahaa saameynta dhaqaale ee xanuunka safmarka ee COVID-19, Qaarad ahaan iyo dal ahaan.

Hey’adda IMF waxa ay ka taageereysaa saameynta iyo dhibaatada dhaqaalaha dalal badan oo ay Soomaaliya ku jirto.

Ganacsato Soomaaliyeed oo $10,000 ugu deeqday dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda

0

Midowga ganacstada Soomaaliyeed ee qalabka dhismaha ee dalka Uganda iyo Koonfurta Suudaan ayaa maanta deeq lacageed oo ay kaga qeyb-qaadanayaan dhismaha Safaradda Soomaaliya ee dalka Uganda waxay ku wareejiyeen Safaradda Soomaliya ee dalka Uganda.

Deeqdaas lacageed ee maanta lagu wareejiyey safaaradda Uganda waxay gaareysay 10,000 oo dollarka Maraykanka ah.

Xaflad kooban oo ay deeqda lacageed ku wareejinayeen ganacsatada ayaa ka dhacday magalada Kampala, waxaana ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Amb. Cali Maxamed Maxamuud iyo la-taliyaha 2-aad ee Safaradda Cali Khadar.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Amb. Cali Cagabaruur oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa uga mahadceliyay ganacsatada deeqda lacageed oo soo gaarsiiyen Safaradda, taas oo wax badan ka tari doonta dib u dhiska Safaradda oo maraya meel muhiim ah.

Maamulka G/Banaadir iyo Wasaarada Diinta oo wadajir xariga ugu jaray dhismaha cusub ee maxkamada D/Xamarweyne

0

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) iyo Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cismaan Baari oo ay wehliyaan Culimo ka socday Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa si wadajir ah xariga ugu jaray Dhismaha Cusub ee Maxkamada Degmada Xamarweyne.

Sidoo kale Mas’uuliyiintaan ayaa xariga ka jaray Dhismooyin kale oo lagu soo kordhiyay Xarunta Degmada Xamarweyne oo ay ka mid yihiin Masjid iyo Xafiisyo Bixinaya Adeeg Arrimo Bulsho, si Shacabka ku dhaqan Degmada Xamarweyne ay u helaan Adeegyada Aas-aasiga ah.

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir ayaa sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii Bulshada ku dhaqan Caasimada ay xaafadahooda ugu heli lahaayeen Adeegyada Aas-aasiga ah oo ay u baahanyihiin, Adeega Garsoorkuna uu qeyb ka yahay waxyaabaha daruuriyaadka u ah Bulshada, si ay u helaan Cadaalad iyo Garsoor.

Daadejinta Adeegyada kala Gedisan ayaa waxa uu qeyb ka yahay Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir.

R/Wasaare Rooble oo u hambalyo u diray 6-da Senotar ee maanta loo doortay Afisyooni

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u hambalyeey lixda Sanoter Aqalka Sare ee doorashadooda Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland) ee kala ah;

  1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi
  2. Saalax Axmed Jaamac
  3. Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar
  4. Cismaan Abokor Dubbe
  5. Layla Axmed Ismaaciil
  6. Bilaal idiris Cabdullaahi

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay doorashada iyo ergada doorashada.

“Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen, Waxaan rajeynayaa in doorashadu noogu dhammaato si nabdoon oo hufan”.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo war ka soo saaray shirka COMESA oo uu ka qeyb galay

0

Wasiirka wasaaradda cadaalada Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta ka qeyb-galay shirkii 24-aad ee Wasiirada Cadaaladda iyo Xeer Ilaaliyayaasha waddamada ku bahoobay Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) oo ay Soomaaliya xubin ka tahay, laguna qabtay aaladda fogaan aragga ee Zoomka.

“Waxaan uga warbixiyey horumarada ay Soomaaliya ku talaabsatay dhanka Cadaaladda iyo Garsoorka, sida dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka, Guddiga Qaran ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ku biirista Sharciyada Caalamiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa (UN, AU, Arab League) imw,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri wasiir Jaamac.

Qoraalka wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan sidoo kale la wadaagnay qorshaha istaraatiijiyadda shanta sano ee aan diyaarinay mudadii aan xafiiska joognay iyo caqabadaha heysta guud ahaan bahda Cadaaladda dalkeenna.”

RW Rooble oo Khudbad muhiim ah ka jeediyey munaasabadii Afisyooni (Daawo)

0

Maanta waxaa Muqdisho ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo waxaa la dhageysanayaa hadal jeedinta musharaxiinta 11-ka kursi ee Somaliland ku meteli doonta golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, hadal-jeedinta kadib, waxaa bilaabaneysa doorashada 11-ka kursi oo horay loogu qorsheeyey inay socoto mudo seddax maalmood ah.

Furitaanka munaasabadda hadal-jedinta Musharaxiinta waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay, waxuu fariin u diray madaxda dowlad goboleedyada, waxuu soo hadal qaaday khilaafaadka jira iyo sida looga gudbi karo, waxuuna mar kale ku celiyey in cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil Faarax aysan xukuumadiisu gorgortan ka geli doonin.

Ra’iisul wasaare Rooble waxuu umadda u sheegay in wax-weyn aan loo qaadan khilaafaadka jira ee dhegahooda ku soo dhacaya, waxuu ku celiyey inuu u taagan yahay cadaaladda, waxuuna soo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil, isagoo sheegay in kuwii dhibka u geystay ay daba-gal ku heyso maxamadda militeriga Soomaaliya.

Sidoo kale dhinacyada isdooranaya iyo guud ahaa madaxda Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul wasaaruhu xasuusiyey inay shacabkooda u cadaalad falaan, maadaama qof kasta uusan ogeyn goorta iilka la dhigi doono.

Dhanka kale Madaxda dowlad goboleedyada inta ay ku hartay kuraasta aan la dooran ee Aqalka Sare, sida Jubbaland, Galmudug iyo HirShabeelle ayuu ka dalbaday in deg deg ay u soo gudbiyaan xubnaha ku dhiman, si markii la dhameystiro doorashada xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga durba loo doorto guddoonka Aqalka Sare dalka.

Hadii ay taasi hir-gasho Aqalka Sare waxa uu noqonayaa hey’ada ugu horeysa ee dastuuri ah oo dhismaheeda la dhameystiro, waxuuna golahaan kolkaas xukuumadda ka saacidi karaa dhismaha hey’adaha kale ee doorashada aadaya.

Ra’iisul wasaare Rooble waxuu dadka reer waqooyi ku amaanay is doorashada iyo cadaaladda, isagoo ergada, guddiga doorashada, musharaxiinta iyo odayaasha reer Somaliland ee Afisyooni isku doonaya ka dalbaday inay cadaalad iyo calool furnaan ay wax ku qeybsadaan, tusaale lagu daydana u noqdaan dadka kale ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaare Rooble waxuu rijeynayaa in todobaadkaan la soo gabangabey doono doorashada Aqalka Sare ee dalka, isla markana deg deg loo guda geli doono doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-da

Deegaanada doowlad goboleedyada dalka kol hore ayey ka bilaabatay doorashada senatorrada Aqalka Sare ee Soomaaliya, Puntland oo noqtay dowlad goboleedkii ugu horeeyey ee soo dhameytiray xubnaha Aqalka Sare ee laga sugayey, waxay soo doortay 11-Senator. Koonfur Galbeed oo ku xigtay ayaa Iyana soo dhameystirtay 8-da xubnood ee laga soo doorto deegaanadaas, Galmudug waxay soo gudbisay 6-Senator waxaana ku dhiman 2-xubnood, HirShabeelle ayaa soo dooratay 6-kale waxaana ku hartay 2-xubnood, halka Jubbaland ay soo dooratay 4-Senator, afar kalena ay weli ku dhimantay.

Tirada guud ee golaha Aqalka Sare ee 54-Senator, 35 xubnood ayaa hadda dooran, waxaana dhiman 19-xubnood oo 11 ka mid ah haatan doorashdooda loo fadhiyo xarunta ciidamada cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni.

Hoos ka daawo

Sawirro: Wasiirka Beeraha XFS oo dhagax-dhigay dib u dhis lagu sameynayo xarumihii wasaarada

0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa dhagax dhigay mashruuca wejiga Seddexaad ee dhisamaha xaruunta dhexe ee wasaaradda Beeraha ee degmada Hodan

Dhagax dhiga Mashruucan oo noqonaya wejiga Sedexaad waxaa dib loogu dhisi doonaa laguna dayactiri doonaa qeybihii ugu dambeeyay ee dhismaha Xaruunta dhaxe ee Wasaaradda Beeraha, iyadoo goobaha la dhagax dhigayna laga dhisi doono Maqaaxi lagu qaxweeyo, Baqaaro lagu xareeyo agabka Wasaaradda iyo goobo kale oo muhiim ah.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Beeraha Axmed Cilmi Waasuge ayaa sheegay In Barnaamijkan oo qeyb ka ah Mashruuca Taabagelinta dhaqaalaha waara iyo adkeysiga aafooyinka in uu maalgelinayo Bangiga horumarinta Africa oo soo marsiiyay Urur Goboleedka IGAD iyadoo ay fulineyso hey’adda Save the Cildren.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid Oo dhagax dhigay dhimaha mashruuca ayaa xusay In marka la dhameeyo  in ay  wasaarada kusoo kordhin doonaan horumar iyo hufnaan shaqo.

Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo kaashanaya FAO ayaa horey ugu guuleystay dhismaha wejiga kowaad iyo kan Labaad ee xaruunta dhexe  ee wasaaradda Beeraha oo ay hada ku shaqeeyaan madaxda iyo shaqaalaha , waxaana la filayaa in marka lasoo gabagabeeyo goobaha hada la dhagax dhigay in ay wasaarada kusoo kordhiyaan hufnaan shaqo iyo bilic. “In badan oo naga mid ah waxay doonayaan jawaabo ku saabsan waxa dhacay iyo sababta dhacdadan foosha xun,” ayuu yiri Damberg, sida ay kasoo xigatay TT.

Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay dalka Sweden

Qarax xoog badan oo ka dhacay dhisme apartment ah oo ku yaalla magaalada Goteborg ee dalka Sweden, kaasi oo booliska ay rumeysan yihiin inuu ka dhashay walxaha qarxa, ayaa dhaawacay ugu yaraan 20 qof, ayada oo boqolaal kalena lasoo daad-gureeyey.

Afhayeen u hadashay isbitaalka Sahlgrenska University Hospital, Ingrid Frederiksson ayaa sheegtay in 16 qof la dhigay isbitaalka ugu weyn magaalada Goteborg.

Afar qof oo ka mid ah – oo saddex ay yihiin haween da’ ah, iyo nin da’diisu tahay kontameeyo – ayaa laga daweynayaa dhaawacyo halis ah, sida ay sheegtay Ingrid Frederiksson.

Afhayeen u hadlay booliska, Thomas Fuxborg ayaa sheegay in illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta dhalisay qaraxa, balse wuxuu taleefishinka TV4 u sheegay in dambi-baarayaasha ay rumeysan yihiin inuu ahaa ku talo-gal.

Fuxborg ayaa sheegay in dambi-baarayaasha ay eegayaan haddii qaar ka mid ah dadka deganaa dhismaha lagu beegsaday qaraxa.

“Waxaan tuhunsannahay in qof uu walxo qarxa uu dhigay dhismaha. Taas waa wixii aan maqalnay markii nalasoo wacay,” ayuu yiri Fuxborg.

Qaraxa ayaa abaare 5:00 am ka dhacay degmada Annedal ee bartamaha Goteborg, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Sweden. Dab ayaa ku faafay dhimsaha, waxaana weli socday damintiisa iyo gurmadka illaa 9:00 am.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Sweden Mikael Damberg ayaa wakaaladda wararka Sweden ee TT u sheegay ‘inay aad u xumeyd” inay arkaan burburka ka dhashay qaraxa.

Maxay ka wadahadleen madaxweyne Deni iyo safiirka UK?

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Danjire Kate Foster.

Kulanka ayaa looga hadlay Nidaamka dimuqraadiyadda ee Puntland ka jira, xaaladda Covid-19 iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha socda oo doorashooyinku ugu horeeyaan.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay madaxweyne Deni la wadaagtay hambalyo ku aadan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxayna muujisay in doorashadda hal qof iyo codka ah ee Puntland ka dhacaysa ay rajo wanaagsan gelineyso guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

Wafdi ka socda QM oo gaaray Dhuusamareeb, kulamana ka bilaabay

0

Waxaa maanta Magalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug  gaaray wafdi ka socda hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee WHO, kuwaas oo u tegay indha-indheynta adeegyada Caafimaadka, gaar ahaan ogaanshaha waxyaabaha ka fulay mashaariicda loogu talagaley la tacaalida iyo ka hortagidda Xanuunka COVID-19.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Dr.Asmus Hammerich, Agaasimaha Cudurada aan la isu gudbin iyo Caafimaadka Dhimirka Hey’adda Caafimaadka Aduunka Xafiiskeeda Qaahira ayaa ugu horeyn Kormeeray Isbitaalka Xanaano oo ka mid ah xarumaha bixiya adeegyada ugu badan ee Caafimaadka Magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna si gaar ah maamulka isbitaalka su’aalo uga waydiiyeen isbadalada la sameeyay tan iyo markii WHO bilaawday ka jawaabida baahiyaha ka jira Isbitaalkan

Kormeerkan oo ay ku wehliyeen Wafdiga WHO, Xubno ka socday wasaradda Caafimaadka dowladda Federaalka iyo Agaasimaha Guud ee wasaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayay si gaar ay ugu indha-indheeyeen qaybaha isbitaalka ee laga hirgaliyay Mashruuca Solar System-ka kaasi oo bukaano badan ka caawiyey in ay helaan oxygen kufilan, isla markaana suura-galiyey in adeegyada isbitaalku bixiyo noqdaan kuwo joogta ah.

Mas’uuliyiinta WHO oo ugu dambeyn la geeyay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay wasiirka Caafimaadka Galmudug, Cabdiwali Cabdulahi Jaamac iyo  madaxda Xafiisyada Wasaaradda oo goobta kusoo bandhigey warbixin dhameystiran oo ku saabsan guulaha laga gaarey maareynta COVID19 iyo gaabisyada jira oo ay wasaraddu ka dalbatey WHO in ay ka soo jawaabto dalabaadyada hore loogu diray.

Madaxda WHO oo intii kulankan uu socday ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay ayaa tilmaamey in ujeedka safarkoodan yahay qiimeynta howlaha socda iyo in laga jawaabo dhamaanba gaabisyada jira ee u baahan in la iska kaah-shado dhameystirkooda, iyagoo  si gaar ah u bogaadiyay hannaanka wacyigalinta iyo heerka qaadashada talaalka COVID19 ee Galmudug oo ay xuseen in juhdiga lagu bixiyay yahay mid muuqda.