Home Blog Page 682

(DAAWO) WARKA KOOBAN.SNTV 24.11. 2020.

0

Halkan ka Daawo Warka Kooban SNTV.

(DAAWO) BARNAAMIJKA FALANQEYNTA ©SNTV // SUGAAL // 23-11-2020.

0

Halkaan ka Daawo Barnaamijka Falanqeynta SNTV.

Ciidanka Puntland oo u gurmad u fidiyay dadka barakacayaasha ah ee ku nool Boosaaso ka dib saameeynta roobabkii Gobolkaasi.

0

Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa Ka daad gureeyay qoysas barakacayaal ah Kamamkii ay daganayeen kadib markii ay soo galeen daadad xoogan oo uu sababay roob xoogan oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka da’ay gudaha Magaalada Boosaaso waxaana la dajiyey goobo ku meel gaar ah oo uu maamulka Gobalka bari u diyaariyey.

Roob xoog leh oo ilaa shalay Bosaaso ka dayey ayaa saamayn ku yeeshay dadka danyarta ah oo Barakacayaashu ka mid yihiin iyadoona Maamulka Dagmada Boosaaso Xaqiijiyeen in 12kun oo qoysi ku guryo beeleen roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay inta badan dagmooyinka Gobalka Bari.

waxaa isa soo taraya qasaaraha kala duwan ee ka dhashay Duufaanta GATI oo ku dhufatay xeebaha waqooyi bari Soomaaliya.

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed Magaalada Durban ee K/Afrika iyo Mas’uulin kasocotay Safaaradda Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay magaalada Durban.

0

Mas’uulinta Safaaradda oo uu hogaaminayo Danjiraha oo ay wehliyaan Uqeybsanayaasha Ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa socdaal ku tagay magaalada Durban,waxeyna kulamo la qaateen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida.

Kulankan ayaa kasoo qeybgalay  Ganacsato,Waxgarad,Aqoonyihanno iyo Arday waxa ka barata Jaamacadaha Gobolkaas,ayaa si weyn u soo dhaweysay Mas’uulinta waxa ayna ka codsadeen in ay Safaaraddu ka warqabto ganacsatada Gobolka KZN oo ah ka mid ah Gobolada ganacsatada Soomaalida boobka loogu geysto.

Uqeybsanayaasha Ganacsiga iyo Waxbarashada,Abdirahman Maxamed Xaaji Xasan iyo Cabdi Xalane Xirsi ayaa sheegay inuu safarkooda la xiriiro ka warqabka Jaaliyadda qaar ka mid ah Gobolada Soomaalidu u badantahay,waxaana horay ay Mas’uulintan safaro noocani ku tageen qaar ka mid ah Gobolada Soomaalida u badantahay ee K/Afrika.

Danjire Maxamed Cali Mire ( Nabadoon ) ayaa sheegay in safarkooda la xiriiro ka warqabka Jaaliyadda Durban iyo wacyagalinta dilalka oo bata xilliyada sanad dhamaadka iyo waliba sidii adeegga Safaaradda loo gaarsiin lahaa Gobolka KZN.

WD:C/qaadir Axad Dhaqane,Durban

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Ammaanka QM uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya Baydhabo.

0

Ra’iisul Wasaare Rooble oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in howlaha doorashooyinku marayaan meel wanaagsan, guddiyadii loo xulayna ay howlo wanaagsan hayaan.

Qoondada haweenka ee 30% ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in la xaqiijin doono doorashada dhacaysa, waxa uuna yiri” Way naga go’an tahay in aan ilaalinno qoondada haweenka ee 30%, xeer hoosaadkii baarlamaanku dhawaan ansixiyay ayaa si cad u qeexaya in ujeeddada loo socdaa tahay in matalaadda haweenku gaarto 50%”.

Dhanka amniga ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka soo hoynayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

Ra’iisul Wasaarre Rooble ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay horumarrada ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca dhaqaalaha iyo dakhli ururinta, taas oo uu sheegay horumar wanaagsani ka jiro.

Mar uu ka hadlayay dhinaca xorriyatul qowlka iyo saxaafadda waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu garawsan tahay kaalinta muhiimka ah ee saxaafaddu ku leedahay geeddi socodka qaran dhiska, isagoo intaa ku daray in la ansixiyay xeerka saxaafadda oo warfidiyeenka u dammaanad qaadaya in ay xorriyad ku shaqeeyaan.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu intaa ku daray in dowladdu dib u habeyn ku sameysay habka xiriirka warbaahinta ee xafiisyada muhiimka ah, si ay saxafiyiintu u helaan xogo ku saabsan qorsheyaasha iyo howlaha dowladdu hayso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka uga warbixiyay xaaladda xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladdu kula tacaaleyso.

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Golaha Ammaanka QM uga warbixiyay xaalada guud ee Soomaaliya.

0

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya ka siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

James Swan ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadatay hanaanka doorasho oo is ogol ah sanadka 2021, kaasi oo ay ah mid ay tageereen qeybaha bulshada, isla markaana ay ku wada heshiiyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo ay ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Mr James ayaa amaanay dareenka isku tanaasulka ah oo ay heshiiska ku gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Si aan sare u qaado wada hadalka Soomaaliya, waxaan bilaabay dhawaanahan booqasho xiriir ah oo aan ku tegayay Caasimadaha Mamaul Goboledyada, waxaana igu wehliya Wakiilada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya, sidoo kale waxaan ogahay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu bilaabay booqashada maamul Goboleedyada, uuna sii wado wada hadalka uu la leeyahay Madaxda Mamaul Goboleedyada, arrintan oo ah talalabo aan soo dhaweynayo” ayuu yiri James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in sanadka soo socda ay noqon doonto sanad kala guur ah, kaasi oo Soomaaliya ay hogaamin doonto mas’uuliyadda arrimaha ammaankeeda.

Mr Swan ayaa amaanay dadaalka ay wadaan cidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo si geesinimoleh ay ku soo celinayaan Nabadda iyo xasiloonida.

Dhanka arrimaha Beni’aadannimada waxa uu sheegay in weli ay baahidu taagantahay, dalkana ay heystaan saddex arrimood oo waa weyn oo kala ah COVID-19, fatahaadaha iyo Ayaxa.

Mr Swan ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo qorshaha wada shaqeynta shanta sano ee ay kala saxiixdeen dowladda Federaaka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

James ayaa uga mahadceliyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taageerada uu siinayo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

 

Shirka Qaran ee talabixinta dhaqanka oo laga furay Muqdisho+(SAWIRRO).

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka Qaran ee ka talabixinta Dhaqanka iyo Sameeynta qorshe diiradeed lagu ilaalinayo, laguna horumarinayo Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf, Agaasimaha Tacliinta Sare mudane Ismaanciil Yuusuf Cismaan, Agaasimaha Agaasinka Waxbarashada Gobalka Banaadir, Cabdiqani Waayeel uqeybsanaha waxbarashada ahna Wakiilka Wasaaradda Waxbarashada ee (UNESCO) Aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Fadraalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa sheegay inay lagama maarmaantahay in dhaqanka la baro dhallinyarda Soomaaliyeed, Ummadd walba waxay leedahay dhaqan iyo hiddo u gaar ah.

Wasaaradda Caafimaadka oo maro kaneeco ka qaybisay qaar ka mid ah gobollada dalka+(SAWIRRO).

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada qeybteeda xakamaynta Duumada ayaa waxay howlo kormeer u joogaan Gobollada dalka si ay ugu kuur galaan xaaladaha kaneeco ee deegaanada iyo u diyaargaroobidda habka ugu haboon ee looga hortagi karo cudurka keenacada keento ee duumada.

Kaneecada ayaa marka lagaaro xilli roobaadka aad uga dilaacda gobollada dalka, iyadoo soo ridata qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dadaal ugu jirta sidii looga hortagi lahaa qatarta cudurka ka dhasha kaneecada, waxayna qaar ka mid ah gobollada dalka ka bilawday olale lagu xakameeynayo saameenta cudurka.

Wasaaradda ayaa u qeebisay mara kaneeco bulshada ku dhaqaan gobollada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo Baydhabo ka dhagax-dhigay Mashaariic Horumarineed+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo Xaafadda Barwaaqo ee magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu xoogga saareyso dhismaha kaabayaasha adeeggyada bulshada.

Saddexda mashruuc ee Ra’iisul Wasaaruhu ka dhagax dhigay Xaafadda Barwaaqo ayaa kala ah Dhismaha Machadka daraasaadka Islaamka, Xarunta Xannaanada carruurta iyo Isbitaal, si deegaanku u noqdo mid laga helayo dhammaan adeegyadii isaasiga ahaa.

“Maanta waxaan dhagaxdhignay xarumo muhiim u ah bulshada deegaanka Barwaaqo, tanoo qeyb ka ah Maamul daadajinta iyo in shacabka loo dhaweeyo adeegyada aasaasiga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlayay shacabka deegaanka ayaa kula dardaarmay in maamulka lagala shaqeeyo dib u dhiska, isla markaana ay doorkooda ka qaataan wax walba oo horumarkooda kor u qaadaya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku wehliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kala heerar kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Baydhabo ka furay Mashruuc horumarineed+(SAWIRRO).

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xarigga ka jaray mashuuriic horumarineed oo dhinacyo badan, taasoo ay hay’adda Qatar Charity ka hirgalisay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Mashaariicdan ayaa ka kooban Iskuul hoose, dhexe iyo sare, xarun qaabilsan Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, Foorno laga quudiiyo dadka danyarta ah iyo qeyb ganacsi iyo ceel biyo nadiif ah siiya dadka xaafadaha laga hirgaliyay mashruuca.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar fulinta mashaariicdan kala duwan ee waxtar ka u leh bulshada, gaar ahaan taakuleynta dadka danyarta ah ee awoodin helidda mashaariicda loo sameeyey.

“Mashaariicdan aan maanta xariga ka jarnay waxay isugu jiraan goobo Waxbarasho, Caafimaad, Ceel biyood iyo goobo lagu quudiyo danyarta, waxaan uga mahadcelinayaa dowladda Qatar taageeradeeda ku qotonta baahiyaha bulshada, ka dowlad ahaana waa naga go’an tahay gacan siinta bulshada”.

Munaasabadda furitaanka Mashaariicdan ayaa waxaa ka qeybgalay Danjiraha Dowladda Qatar Hassan Hamza Asad Hashem Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Wasirro iyo masuuliyiin heer federaal iyo heer gobol.