Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Koonfur Galbeed oo maanta Baydhabo ku qabatay shir looga hadlayey Abaaraha.

Date:

Wasaarada Arimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta qabatay shirka isku dabaridka arimaha gargaarka oo looga hadlayay xaalada guud ee biniaadinimo iyo abaaraha ka jira deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka oo ay kasoo qayb galeen hay’daha ka howl-gala Koonfur Galbeed ayaa waxaa hay’adahan kaga war bixiyeen waxqabadkooda iyo caqabadaha jira ee ku aadan ka jawaabida abaaraha saameeyay dadka ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasaarada iyo hay’adaha kasoo qeyb galay waxay diirada saareen sidii loo dardar gelin lahaa gurmadka abaaraha ee socda.

Wasaarada waxay u mahad celinaysaa dhamaan hay’adihii kasoo qeyb galay shirka bilaha ah oo ay wasaaradu qabato si ay isugu dabarido howlaha gargaarka ee ka socda deegaanda Koo fur Galbeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...