Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga oo ka qeyb galay shir looga hadlayey waxbarashada dhallinyarta iyo xirfadsiintooda,

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga Mudane Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa ka qeyb galay shir goboleed heerkiisu aad u sarreeyay oo looga hadlayay waxbarashada dhallinyarta, xirfadsiintooda, ka qeyb galinta arrimaha bulshada iyo u carbinta shaqo sharaf leh, shirkaas oo ka dhacay magaalada Cammaan ee dalka Joordan.

Agaasimuhu waxa uu u soo bandhigay madaxda ka soo qeyb gashay shirkaas Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarta Soomaaliyeed iyo Qorshe Hawleedka loogu talo galay in ay hagaan maal-galinta qaranka ee dhallinyarta Soomaaliyeed muddada afarta sanno ah ee soo socota (2022 – 2026). Intii uu shirku socday Agaasimuhu waxaa uu shir doceedyo la yeeshay madaxda kala ah:

1. Mudane Maxamed Cali Nabulshi, Wasiirka Dhalinyarta ee dalka Joordan
2. Mudane Ashraf Sobhy, Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha ee dalka Masar
3. Marwo Hibo Muumin, Wasiirka Dhalinyarta iyo Dhaqanka ee dalka Jabuuti
4. Mudane Dr. Misha’al Alshaheen, Wasiirka Arrimaha Dhalinyarta ee dalka Kuwayt
5. Marwo Lu’ay Shabaneh, Isu-duwaha UNFPA ee Waddamada Carabta

Kulamadaas, waxaa aay dhammaan madaxdu si adag u ballan qaadeen in ay Dawladda Soomaaliya ka taageerayaan hirgalinta Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarta isla markaana ay u qoondayn doonaan taageero wax ku ool ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...