Gudoomiyihii guddiga doorashada ee heer Federaal, Ee Xalay uu kala diray Ra’iisalwasaaraha dalka Mudane Mohamed Hussein Rooble Muuse Geelle Yuusuf, ayaa soodhaweeyey kala diristii ay xukuumada kala dirtay guddiyadi doorashada Dad baneed.
SAWIRRO:Madaxweyne Biden iyo xaaskiisa oo booqday dugsigii weerarku ka dhacay Ee gobolka Texas.
Madaxweynaha Dowadda Maraykanka Joe Biden iyo xaaskiisa Jill ayaa booqday magaalada Uvalde ee gobolka Texas si ay beer nugeyl ugu muujiyaan xigtadii iyo dadkii ka badbaaday toogasho-wadareedkii u dambeysay ee dalka Maraykanka ka dhacda. Dhacdadaas oo toddobaadkii hore dhacay ayaa waxa ku dhintay 19 caruur iskuuley ah iyo labo macallin.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo aqbalay kala diristii Raisulwasare Rooble.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT waxa uu uga mahadcelinaynaa Ra’iisulwaasaraha JFS Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble magacaabistiisii guddiyo aqoon durugsan u leh maamulka doorashada, si dhabar adayg leh oo hufnaani ku dheehantahay ku maamulay doorashadu intii ay socotay.
Agaasimaha guud ee Waasarada Gargaarka KGS ‘’ Waxaan wadnaa qorashayaal Aan gurmad ku gaarsiineyno Degmooyinka Go’adoonka ee Koonfurgalbeed.
Wasaarada gargaarka iyo maareeynta masiiboyinka KGS Sooomaaliya ayaa wadda qoryaashaal gargaar gurmad ah lagu gaarsiinayo degmooyinka Burhakaba, Wallaweyn,Qoryooley, Marka, Afgooye, iyo degmooyinka ka tirsan gobalka bakool.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeybalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, taas oo ka dhacday xarunta hay’adda.
Raisulwasare Rooble oo kala diray Guddiyaddii doorashada dadban.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray Guddiyaddii doorashada dadban , isagoo uga mahadcelyay sidii wanaagsanayd ee ay u gudteen Waajibaadkoodii.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya .
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa Xafiiskiisa Aqalka Sare ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudan Fei Shengchao.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la yeeshay Safiirka Qatar ee Muqdisho.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Qatar ee Muqdisho, Amb. Hassan bin Hamza Hashem.
Madaxda Ugu Sareysa Qaranka oo maanta Salaada Janaasada ku tukaday Marxuum Shirwac oo Muqdisho ku geeriyooday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mohamed Hussein Rooble, Guddoomiyaha Aqalka Sare Abdi Xaashi Abdullahi, Mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa masjidka Isbahaysiga salaadda Janaasada kula tukaday Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.
