Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo aqbalay kala diristii Raisulwasare Rooble.

Date:

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT waxa uu uga mahadcelinaynaa Ra’iisulwaasaraha JFS Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble magacaabistiisii guddiyo aqoon durugsan u leh maamulka doorashada, si dhabar adayg leh oo hufnaani ku dheehantahay ku maamulay doorashadu intii ay socotay. Sidoo kale hagistiisii iyo iyo garab istaaggii uu muujiyey waqtiyadii adkaa ee doorashada oo aan la’aantiis la dhaqaajin kareen laga gudbi kareen culeysyo badan oo soo food saaray doorashada Dalka.

Guddigu wuxuu sidoo kale uga mahadnaqayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyeyaashii doorashada sidii wanagaasaneyd ee ay u garab istaageen una dhiirrigeliyeen mudadii ay doorashadu socotay.

Guddigu wuxuu ugu danbeyn u mahadcelinayaa dhammaan guddiyada doorashada Heerarkooda kala-geddisan sidii kartida lahayd ee ay ugu hagar baxeen shaqadii loo igmaday ee caqabadaha kala duwan huwanayd oo isugu jiray mid dhaqaale, mid mid siyaasadeed, kuwo amni intaba.

Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumaddaba in Alle u fududeeyo waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, dalkana ku hoggaamiyaan si hufan oo keeni karta xasillooni, horumar iyo barwaaqo, si nidaamkeenna dowladnimo u noqdo mid hana qaada.

Gabogabadii waxaan Soomaaliya u rajeynaynaa inay abuurto hannaan doorasho uu shacabka u dhaweynaya dhabbaha rasmiga ah ee ay ku dooran karaan cidda ku metalaysa golashaasha dowladda heerarkeeda kala duwan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...