Home Blog Page 679

Iiraan oo reer Yurub ka dalbatay in ay dhex dhaxaadiyaan heshiiskii ay Washington horay ula gaartay.

0

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iiraan Maxamed Jawaad Dariif ayaa cadeeyay sida wadankiisa ay uga go’an tahay ilaalinta iyo dhaqan galinta heshiiskii Nukliyeerka, isaga oo soo jeediyay in dhanka Yurub ay gacan ka geystaan ​​abaabulka ku laabashada heshiiska Mareykanka iyo Iiraan.

Dariif wuxuu sheegay in dalkiisa uu leeyahay siyaasad uu ku ilaaliyo heshiiska nukliyeerka, isaga oo carabka ku adkeeyay in Washington ay si dhab ah wax uga qabato dhaqan galinta heshiiskan.

Wasiirka arrimaha dibedda Iiraan wuxuu caddeeyay in haddii qof uu xaq u leeyahay inuu dejiyo shuruudo lagu fulinayo heshiiska nukliyeerka, iyada  oo la tixgelinaayo shuruudaha ay Washington ka dhawaajisay  ee ku saabsan ku laabashada heshiiska nukliyeerka.

Maxamed Jawaad oo wareysi siiyay CNN ayaa ka dhawaajiyay in dhankooda ay diyaar u yahiin  ku noqoshada heshiiska u dhexeeya Washington iyo Dehraan ee ku saabsan nukliyeerka.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Anthony Blinken wuxuu sheegay in Iiraan ay wax yar ujirto soo saarida walxaha loo adeegsado soo saarista hubka nukliyeerka, hadii ay sii wado inaysan u hogaansamin heshiiskii Nukliyeerka.

Blinken wuxuu intaas ku daray  war saxaafadeed uu soo saaray  in Mareykanka uu diyaar u yahay in uu ka laabto heshiiskii Nukliyeerka haddii Iiraan, ay u hogaansami wayso heshiiskii Nukliyeerka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa soo bandhigay meydadka maleyshiyaadkii xalay hoobiyaasha ku tuuray magaalada Dhuusamareeb+(SAWIRRO).

0

Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo goordhow warbaahinta kula hadley duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa xaqiijiyay in ay dileen 3-xubnood oo ka tirsanaa argagixisada Al-shabaab oo uu kujiro horjoogihii kooxda u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Waxaa la soo bandhigey meydka horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir, waxaa kale oo goobta la keenay dhaawaca nin kale iyo afar qori oo ay Ciidamadu ka furteen Maleeshiyaadkan oo ahaa kuwii xalay hoobiyaasha kusoo tuuray xaafado ka mid ah Magaalada.

Howlgalkaan oo ay fuliyeen Ciidamada xoogga Qeybta 21-aad Guutada 15-aad iyo Ciidanka Gor-Gor ayaa lagu soo af-jarey Kooxdaan oo Al-shabaab u qaabilsaneyd arbushida deegaanada hoostaga #Dhuusamareeb oo muddooyinkaan ay ku dhuumaaleysanayeen.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray degmada Berdaale+(SAWIRRO).

0

Wafdi ka kooban Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliye ku-xigeenka Ciiidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Mas’uuliyiinta halkaasi gaaray ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka caddaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga , Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan ayaa mucaawinno hordhac u noqonayo kaalmo gargaar oo ay dowladda federaalku u qorsheysay gaarsiiyay dadka ku dhibaateysan degmada Berdaale iyo degaannada ku xeeran.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka koofur galbeed oo is-kaashana ayaa indhowaalaba howlo gar-gaar ka waday qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool.

Shirka madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo maanta ka furmayo Magaalada Samareeb.

0

Magaalada Samareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta lagu wadaa inuu ka furmo Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Shirka oo uu ku baaqay Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa  looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixinayso sidii ay u dhici lahayd doorashada Madaxweynenimo ee Soomaaliya iyadoo si arinkaas uu u dhaco u qabatay dhowr shir oo looga arinsanayo arimaha doorashooyinka dalka.

Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab & Daacish fuliyay+(SAWIRRO).

0

Ciidamada  PSF-ta Puntland ayaa howlgal ka fuliyay deegaanka Dolqooxle ee Buuraha Cali Madow oo hoostaga tuulada Afurur ee gobolka Bari.

Howlgalka oo dhacay isniintii shalay ayaa yimid ka dib markii ciidanka PST-ta Puntland ay heleen xog sheegeysa in ay Buuraleyda aagaas ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in Ciidamada  PSF-ta ay sii wadi doonaan howlgalada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish.

Waxayna shacabka Puntland ay ka codsadeen in ay ciidanka ku garab istaagaan ka hortagga cadowga ku howlan gumaadka iyo waxyeeleynta Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiyey kulan Hordhac u ah shirka Wadatashiga SAMAREEB+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee caawa ay wada qaateen kulankan dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Qaban-qaabada iyo diyaargarowga shirka wadatashiga DF iyo M/goboleeyada oo laga dareemayo Samareeb.

0

Magaalada Samareeb ee xarunta maamulka Galmuug waxaa ka socanaya Qabanqaabada iyo diyaargarowga Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Amniga magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka.

Shacabka iyo Maamulka Galmudug oo isku duuban ayaa u diyaargarowbay sidiii shirkaas si habsami ah ugu dhici lahaa magaalada Samareeb.

Shirkan wadatashiga ah oo socon doona inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021 ayaa waxaa intiisa badan saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in baahi weyn loo qabo in la guda galo qabsoomidda Doorasho lagu heshiiyay.

Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug oo deegaano cusub kala wareegay Al-Shabaab+(SAWIRRO).

0

Daraawiishta Galmudug iyo Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa sheegay inay la wareegeen Deegaano ay dhawaan iskaga carareen Maleeshiyaadka Al-shabaab kuwaas oo ku yaala Koonfurta Gobolka Mudug

Saraakiisha  Ciidanka ayaa  tilmaamay in Maleeshiyaadka Al shabaab iskaga baxeen Deegaanka CAAD oo ahaa Saldhiga labaad ee malayshiyadu ku lahaayeen Koonfurta Gobolka Mudug

Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo 21-aad ee Xoogga Dalka ayaa maalmihii u dambeeyay Koonfurta Gobolka mudug ka waday Guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Argagaxisada ah ee Al-shabaab looga saarayo Gobolka Mudug, kasoo oo guulo la taaban karo laga gaaray.

Wasiirka Amniga Galmudug Ahmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa booqosho dhiiro galin ah ugu tagay Ciidanka ku howlan Baacsiga Al-shabaab kuwaas oo ku ammaanay Ciidanka shaqada ay Dalka u haayaan.

Afgembi ka dhacay dalka Myanmar iyo militariga oo xiray haweeneydii hoggaaminaysay.

0

Wararka ka imaanaya dalka Myanmar ayaa sheegay in Inqilaab Millateri uu saaka ka dhacay dalkaasi Myanmar, ciidamada oo ka cabanaya in doorashooyinkii dalkaas lagu shubtay ayaana xukunka xoog kula wareegey saaka arootii.

Hoggaamiyihii waddankaas Aung San Suu Kyi, madaxweynihii Mr- Win Myint iyo shaqsiyaad kale oo sarsare oo katirsan xisbiga xukuma dalkaas ayey millaterigu xabsiga dhigeen.

Dowladaha caalamka oo uu ku jiro Mareykanka ayaa cambaareeyey afgambiga Myanmar, horey ayaa QM waxaa ay war uga soo saartay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagnaa dalkaasi oo doorashada ka dhacday la sheegay in lagu shubtay.

Hay’adaha amniga oo faah faahiyay howlkii lagu soo afjaray weerarkii xalay iyo khasaaraha ka dhashey.

0

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan xalay weerarkii kooxaha argagixisada ay ka geysteen gelinkii dambe ee shalay maleeshiyaadka arggagixisada ee Al-shabaab.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta lahadlay kadib soo afjarista weerarka ayaa faah faahiyay khasaaraha ka dhashey iyo howlalkii ay ciidamada ammaanku ay ku soo afjareen weerarkaasi.

Wuxuu sheegay in ilaa 9 qof ay ku dhinteen in ilaa 10 kale in ka badana ay ku dhaawacmeen,weerarkaasi,4 kamid ah dadka dhintay ayaa ahaa arggagixisadii weerarka soo qaaday,midkii is qarxiyay iyo 3 kale oo howlgalkaasi lagu khaarijiyay,sidoo kale dadka dhintay waxaa kamid ahaa Generaal Maxamed Nuur Galaal iyo shacab kale  oo halkaasi ku sugnaa.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa mudadii uu howlgalkaasi socday ku guuleystay in ay soo bad baadiyaan dad isugu jiray mas’uuliyiin,ganacsato iyo shacab kale,iyagoo ka hortagay qorshaha maleeshiyaadka Alshabaab oo ahaa in ay laayaan dhamaan dadka shacabka ah.

Dhaawacyada ayaa lagu dabiibayaa isbitaalada magaalada Muqdisho,waxaana suuro gal ah in khasaaraha uu intaasi ka bato,sida uu sheegay  afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed.