Home Blog Page 679

Sawirro: Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta oo tababar u soo xiray 10 Weriye

Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle ayaa soo xiray tababar maalmahaan u socday qaar ka mid ah howlwadeena warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Tababarkaas oo ku saabsanaa barashada habeynta iyo naqshadeynta muuqaallada warbaahinta Qaranka ayaa socday mudo shan maalmood ah waxaana ka faa’iideystay 10 ka mid ah shaqaalaha warbaahinta Qaranka, gaan ahaan waaxyaha warbaahin Danabeedka (Social Media).

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Wasaaradda Warfaafinta oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyey dhalinyaradaas waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxiin Ciise Cadow, Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika), Agaasimaha Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame.

Madasha munaasabada ayaa lagu gudoonsiiyay ka qeyb galayaasha tababarka shahaadooyin ay ku muteysteen qaadashada tababarkan.

 

Wasiirro, saraakiil ciidan iyo guddiga doorashada Puntland oo ka shiray amniga doorashada

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta shir gudoomiyay kulan diiradda lagu saaray amniga doorashooyinka dawladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, kuwaas oo loo balansan in dhawaan la qabto.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gudiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha maamulka Puntland.

Sidoo kale shirka waxaa qeyb ka ahaa saraakiil sare oo amni, kuwaas oo ay ka mid yihiin la-taliyaha dhanka ammaanka ee Madaxweyne Deni, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Agaasimaha Waaxda Amniga, Hay’adda Sirdoonka Puntland iyo saraakiil kale.

Qoraal ay wasaaradda amniga Puntland kasoo saartay shirkaas ayaa lagu sheegay in is-faham iyo guul uu ku soo dhamaaday, isla markaana lagu gaaray go’aamo lagu sugayo amni doorashooyinka dowladaha hoose ee dhawaan la qabanayo.

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Pakistan oo tacsi udirtay shacabka reer Pakistan

0

Safaaradda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee dalka Pakistan waxa ay murugada iyo tiiraanyada la qeybsanaysaa dowladda iyo shacabka aan walalaha nahay ee reer Pakistan geeridii ku timid Allaha u naraxiisto marxuum Dr. Abdul Qadir Khan, oo maantay ku geeriyooday dalka Pakistan . Dr Abdul Qadir waxuu ahaa aas aasihii quwada nuclear-ka ay maanta haysato dowladda Islaamiga ah ee Pakistan. Ahna qof dalkaan aad looga ciseeyo. Waxaan leenahay Allah u naxariisto ehelkii iyo dhamaan dadkii uu ka baxayna samir iyo iman Allaha ka siiyo ameen.

Madaxweyne Qoor Qoor oo lakulmay Taliyaha ciidanka AMISOM

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha ciidanka AMISOM iyo saraakiil uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga.

Kulanka kadib, Saraakiisha ayaa Kormeer ku tagay goobaha loo asteeyey iney ka dhacdo Dorashooyinka xildhibaannada ee Magaalada Caasimadda ah ee Dhusamareeb.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo kormeeray wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood “SAWIRRO”

0

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo uu ka socdo dib-dayactir lagu sameynayno.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u kuurgalay sida shaqadu u socoto waxaana uu warbixin ka dhegaystay Injineerada iyo maamulka shirkada gacanta ku haysa wadada, wuxuu boggaadiyay shaqada socota isagoo kula dar-daarmay in lasii dardargeliyo.

Kormeerka waxaa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame,  Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada DGPL, Labada Guddoomiye ee Gobollada Sool iyo Nugaal, Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka qaadis iyo Magacaabis sameeyay

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Sabeelle Cali Guudlaawe Xuseen  ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga  Khaliiif Warsame Waasuge isagoo xilkaas u Magacaabay Cabdisalaan Cabdullahi Xaashi (Angola

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa Guddooniye kuxigeenka Hay’adda Qaxootiga Maamulka Hir-Shabeelle loogu Magacaabay Abuukar Xasan Muuse.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Madaxweynaha Hir-Shabeelle

Duqa Muqdisho oo kormeeray wadada Jaziira oo dhawaan dib-u-dhis lagu sameeyn doono “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray waddada Jaziira oo dhawaan maamulka Gobolka Banaadir ka bilaabi doono mashruuc dib-u-dhis loogu sameynayo waddadaas oo halbowle u ah isku socodka gadiidka iyo dadweynaha.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la kulmay Injineerada howsha dhismaha qaabilsan, kuwaasi oo Duqa Muqdisho u sharxay hannaanka dhismaha Waddada deeganka Jaziira aado.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlan dadaallada dib u habeynaa loogu sameynayo Waddooyinka Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ka dhagaystay Guddiyada Doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Gobollada Woqooyi (SEIT), taas oo ku saabsan halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ku matalaya Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiyada kala duwan kula dar daarmay inay dardargeliyaan howlaha horyaala oo ay ugu horeysa soo xulista ergooyinka iyo bilaabidda doorashada Golaha Shacabka.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la soo dhameystiro inta ka dhiman kuraasta Golaha Aqalka Sare, si loo guda galo doorashada kuraasta golaha Shacabka.

 

Guddoomiyaha Degmada Dayniile oo kormeer amni xaqiijin ah ku tegay deegaanno hoostaga Degmada

0

Guddoomiyaha Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir ayaa kormeer uu ugu kuurgelayay Nabadgelyada deegaannada Showriga, Googooye, Ceeljaale iyo Basro oo hoostaga Dayniile, halkaasi oo dhaawan Maamulka ka xoreeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Mudane Maxamed Abuukar Jacfar ayaa tilmaamay in ujeedka kormeerkiisa ay la xiriirto qiimeynta xaaladda amni ee deegaannada hoostaga Degmada Dayniile, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale kormeeray waddo hor marta xarunta Degmada, halkaasi oo la saarayo laami carsi ah, waxaana uu indha indheeyay hannaanka dib u dhiska laamiga.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo miino baaris ah ka sameeyay deegaanno hoostaga Afgooye

0

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo miino baaris ah ka sameeyay inta u dhaxeysa deegaannada Sabiid, Caanoole iyo Mareerey oo hoos-yimaada degmada Afgoye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa waxay halkaasi ka soo saareen dhowr miino oo argagixisada Al-Shabaab ay u geliyeen waddada dadka shacabka ah, waxana sidoo kale isla goobta lagu bur buriyay miinooyin kale.

Marar badan ayay dad shacab ah kula qaraxday miinooyin ay maleeshiyada Al-Shabaab geliyeen inta u dhaxeysa deegaannada Sabiid iyo mareerey oo hoostaga Degmada Afgooye.