Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya .

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.

Waxaa sidoo kale Ergeyga iyo Safiirka kulanka ku wehlinayay Yusuf Bakhiit oo ah madaxa Afrika u qaabilsan Hey’adda King Salman ee Gargaarka bani’aadannimada.

Ergayga iyo Danjire Muwalad, waxa ay ka wada hadleen xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudigu u noqon lahayd hoggaanka gurmad lagu taakulaynayo dadka ay abaaraha waxyeelaysay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...