Home Blog Page 677

Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle oo lawareegtay isbitaal qalabeysan+(SAWIRRO).

0

Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lawareegtay isbitaal qalabeysan oo ay dhistay hay.adda  Save kaasi oo laga hirgaliyay magaalada Beledweyne .

Qorane Maxamuud Indhoy oo katirsan Wasaaradda caafimaadka  Hirshabeelle ayaa umahad celiyay hay.adda save sida ay ugu qeyb qaadaneyso  hormarinta adeegyada caafimadka Hirshabeelle.

Qaar kamid ah bulshada magaalada Beledweyne oo ka qeyb galay munaasabada isbitaalka lagu warejinayay ayaa ka mhadceliyay dhinacooda  isbitaalka  laga hergaliyay Beledweyne.

Maxamed Abuukar Cabdule Madaxa hay.adda Save ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay sii wadi doonto  caawinta isbitaalka  maanta ay ku warejiyeen maamulka Hirshabeele  si uu u guto waajibaadka loo aas aasay.

Ciidanka AMISOM oo agab caafimaad ugu deeqay qaar ka mid ah barakacyaasha Muqdisho+(SAWIRRO).

0

Ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa agab loogu talo galay ka hortaga xanuunka Karoona iyo nadaafada ugu deeqay qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ee ku nool xeryaha ku yaala magaalada Muqdisho

Ciidanka oo xusayay sanad guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka qaranka Uganda ayaa sidoo kale qeyb ka qaatay nadiifinta qeybo ka mid ah degmada Xamar jajab iyaga oo kaashanaya dadka deegaanka iyo maamulka degmada.

Col. John Winston Mugarura oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Uganda ee AMISOM ayaa sheegay in qalabka ay dadka barakacayaasha u qeybiyeen uu ka caawin doono ka hortaga xanuunka COVID -19.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Maxamed Cabdi Maxamed ayaa ugu mahadceliyay ciidanka Uganda deeqda, isagoo sheegay in ay wax badan u tari doonto dadka barakacayaasha.

Madaxweyne Farmaajo Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Midowga Afrika Iyo Ku-Xigeenkiisa.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Moussa Faki iyo Ku-xigeenkiisa Marwo Dr. Monique Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay Hoggaanka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Hoggaamiyeyaasha Qaaraddu ay wadajir uga shaqeeyaan qorshaha heer Qaaradeed ee ku aaddan Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha, hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda, la dagaallanka argagixisada iyo saboolnimada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso doorka ay ka qaadaneyso adkenta nabadda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka iskaashi ee ku dhisan wax wada qabsi iyo daris wanaag.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Moussa Faki doorka uu ka qaatay dadaallada ciribtirka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika.

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhac iyo barakicin ugu geystay dad shacab ah Gobolka Shabeellaha Hoose+(SAWIRRO).

0

In ka badan kun iyo shan boqol qoys oo maleeshiyaadka argagaxisada Al-shabaab ay ka dhaceen xoolahii iyo beerahii islamarkaana ay ka soo barakiciyeen dadkii deganaa afartan tuulo hoos tagta degmada Marka ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa soo gaaray tuuulada Buufow Bacaad ee degmada Marka.

Dadkan soo barakacay oo u badan caruur iyo haween ayaan haysan hoy ay ka galaan dhaxanta iyo kuleylka waxaana ka muuqata daruufo adag oo dhinaca nolosha ah waxaana maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka qaateen xoolahii iyo dhul beereedkii ay tacbanayeen waxaana hada ay la il daranyihiin cuduro sida maleeriyada shuban biyoodka iyo cuduro kale oo ay u dheertahay gaajo iyo macluul iyadoo u geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka caruur badan.

Qaar ka mid ah dadkii soo barakacay ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay u geysteen maleeshiyaadka Al-shabaab waxeyna ka codsadeen dowladda Koofur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya hay,adaha gar gaarka in ay la so gaaraan gargaar.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa mar walba waxey dhac dil handadaad u geystaan shacabka Soomalaiyeed iyo horay qoysas sidaanoo kale ay u soo barakiciyeen Al-shabaab ay soo gaareen degmada Marka ee gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidanka Xoogga dalka oo cagta mariyay fariisimo maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Gedo+(SAWIRRO).

0

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhibaateynayeen dadka xoola dhaqatada ah.

Ciidanka ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanada Shaataloow iyo Kheydar kuwaas oo argagixisada Al-Shabaab si dhuumaaleysi ah dadka rayidka ah ugu dhibaateynayeen.

Dagaal kooban oo deegaanadaas ka dhacay ayaa ciidanka Xoogga waxay ku bur buriyeen dhammaan isbaarooyinkii u yaalay maleeshiyada Al-Shabaab, halkaas oo ay maalmihii u dambeeyay ku dhibaateynayeen shacabka isaga kala goosha degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled Xaawo.

Taliye Bakaal Kooke oo ka mid ah Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkan ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab laga sifeeyay deegaanada Shaataloow iyo Kheydar oo muddooyinkii dambe dadka shacabka ay ku qabeen dhibaato xooggan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa falalkooda gurracan ku soo koobay in ay carqaladeeyaan dadka rayidka ah, kuwaas oo iyagaba hardan ugu jira helida nolol maalmeedkooda.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa gunta dhiisha isaga dhigay sidii ay argagixisada Al-Shabaab uga difaaci lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda danta yar.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo war kasoo saaray shirkii Samareeb 4.

0

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay is afgaran waagii uu ku soo dhamaaday shirkii Samareeb, wuxuuse muujinayaa in ay jirto rejo wanaagsan oo weli lagu xallin karo is mariwaaga taagan, wuxuuna dhinacyada ugu baaqayaa in aysan quusan, una istaagaan masuuliyadda ka saaran dalka, ayna hirgeliyaan heshiiskii doorasho ee 17 Sebteembar 2020, heshiiskaas oo baarlamaankuna ku meel mariyey hindise sharciyeed qeexaya sida lagu soo dooranayo xubnaha Barlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddigu wuxuu u soo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed in ay muhiim u tahay xilligaan in laga wada shaqeeyo isu keenidda dhinacyada hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlaha Xubnaha ka ah. Wuxuuna guddigu ku boorrinayaa culimada, hoggaanka dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda in ay lagama maarmaan tahay in ay qaataan doorkooda soo jireenka ah ee xalinta khilaafyada lagu xalinayey hab dhaqameedka, kaasi oo ahaa wakhti dheer xalka rasmiga ah ee ay Soomaalidu dhexdeeda isku xalliso.

Guddigu wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan dhinacyadii isku hawlay xallinta khilaafka, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeedinayaa shacabka iyo maamulka Galmudug oo xil iyo si geesinimo leh dhabarka ugu ritay hawsha adag ee shirarkii Samareeb 1 ilaa 4.

Guddigu wuxuu sidoo kale u mahad celinayaa beesha calaamka oo garab taagan Soomaaliya, kuna gacan siinaysa sidii ay dhibaatooyinkooda u xalisan lahaayeen, ayna ku caawiyaan dowlad dhisidda iyo xal ay gaaraan.

Ugu dambeyntii guddigu, wuxuu xasuusinayaa hogaamiyayaasha in mas’uuliyadda qabsoomidda doorashooyinku ay si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran iyo si ay u gaaraan xal degdeg ah, lagama maarmaanna ay tahay in ay ka shaqeeyaan isu keenidda iyo maslaxada guud ee wadanka.

Haddaba, si wadanku marxaladda uu ku jiro uga gudbo, waxaa uu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay tahay xalka keli ahi fulinta heshiiskii doorashada ee la gaaray 17 Sebteembar 2020, Isla markaana guddigu u diyaarsanyahay qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo ka dhaca dalka.

Dibad baxyo looga soo horjeedo afgenigii ka dhacay Myanmar oo qeba ka mid ah dalkaas ka socda.

0

Boqolaal mudaaharadayaal ah  ayaa isagu soo baxay magaalada Yangon oo ah magaalada ugu weyn dalka Myanmar maanta oo sabti ah, kuwaas oo diidan afgenbigii military ee ka dahcay dalkaas isbuuci lasoo dhaafay.

Dibad baxayaasha ayaa dalbanaaya in ciidamadu faraha kala baxaan xukunka dalka, lana sii daayo hogaamiyaashi la xiray.

Shaqaalaha dhowr wasaaradood ayaa  joojiyay shaqaooyinkii ay hayeen, waxayna qaarkood ku biireen isku soo baxyada ka socda magaalooyinka kala duwan ee Myanmar.

Ciimada militriga ee afgebniga sameeyay ayaa soo dhisay xukuumad uu hoggaamiyo taliyaha ciidamdaa, waxayna ku eedeyeen xukuumaddii  hore inay is daba marin ku sameysay doorashadii dalka ka dhacday bishii November ee sanadkii tegay.

Qaar ka mid ah dowladaha caalamak ayaa canbaareeyay tilaabada ay qaadeen ciidamada Myanmar, waxayna ka dalbadeen in xukunka dib loogu soo celiyo gacanta siyaasiyiinata madaniga ah,  lana soo dayo mas’uuliyiinti la xiray.

Maamulka Puntland oo soo bandhigay Ciidamo cusub oo sugaya Amniga Gobolka Bari.

0

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ay wehliyeen qaar kmid ah Saraakiisha Gobolka Bari ayaa Magaalada Bosaaso ku soo Dhoweeyay Ciidamo loogu talo galay sugida Amniga Gobolka Bari.

Ciidamadaan ayaa dhawaan tababar loogu soo xiray Xerada Ciidamada Xorgoblle ee Magaalada Qardho, waxaana ay bedeli doonaan Ciidamada ka howlgalla Gobolka Bari oo iyana tababar dhawaan loo furi doono.

Taliye Xuseen oo Ciidamada la hadlay ayaa sheegay in dadka ku nool Gobolka Bari ay yihiin kuwo si wanaagsan ula Shaqeynaya Ciidamada, diyaarna u ah in la sugo amnigooda.

ugu damneeymtii Taliyaha ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo Ciidamada inay dardar geliyan howlaha sugida Amniga degmooyinka iyo guud ahaan degaannada gobolka Bari.

Anthony Blinken ” Shiinaha waxaan kula xisaabtami doonna khatar kasta oo ka jirta Badweynta Taiwan”.

0

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Anthony Blinken ayaa ku booriyay xukuumadda Beijing in ay ixtiraamto xuquuqda Uighurs, Tibet  iyo Hong Kong.

Xariirkii ugu horreeyay ayaa dhexmaray  saraakiisha labadan dal tan iyo markii uu xukunka qabtay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

“Waxaan Shiinaha kala xisaabtami doonnaa khatar kasta oo waxyeleeysa xasiloonida, gaar ahaan Badweynta Taiwan,” ayuu Blinken ku yiri Yang Jiechi mar uu khadka taleefanka kula hadlayey.

Mareykanka ayaa  sidoo kale ugu baaqday Shiinaha inay ku soo biirto beesha caalamka ee cambaareysay afgambigii ka dhacay  Myanmar.

Mareykanka wuxuu sii wadi doonaa halganka uu ugu jiro xuquuqda aadanaha iyo kor u qaadida dimoqraadiyadda Caalamka, oo ay qeyb ka yahiin Tibet iyo Hong Kong,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Mareykanka wuxuu cadaadis saarayaa arrimaha ganacsiga Shiinaha, isaga oo ku eedeeyay dhibateeynta Muslimiinta laga tirada badan yahay iyo Hong Kong.

Eedeymaha uu Mareykanka u soo jeediyay Shiinaha waxa ka mid ah  losoo faafinta cudurka Corona oo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay baaritaan ku hayso.

 

Xanuun halis ah oo ka dillaacay Dowlad deegaanka Soomaalida.

0

Sida ay ku dhawaaqday Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, xannuun loga shakisanyahay in uu yahay Dengue ayaa ka dillaacay qeeybo ka mid ah Dowlad degaanka Soomaalida.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 207 xaaldood oo loo maleynayo in uu xannuunkaasi yahay ayaa laga helay gobollada Dollo iyo Liibaan ee degaanka Soomaalida.

Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay baaritaano ay sameyeen lagu xaqiijiyay jiritaanka cudurkan, waxyana intaasi ku dartay in baaritaannadan lagu sameynayo shaybaar ku yaalla Hawassa.

Xanuunkan Dengue oo ah xanuun asal ahaan ay gudbiso Kaniicada ayaa  horay uga dillaacay sannadihii  isla deegaanka intii u dhaxeysay sanadahii 2017 iyo 2018.