Agaasimaha guud ee Waasarada Gargaarka KGS ‘’ Waxaan wadnaa qorashayaal Aan gurmad ku gaarsiineyno Degmooyinka Go’adoonka ee Koonfurgalbeed.

Date:

Wasaarada gargaarka iyo maareeynta masiiboyinka KGS Sooomaaliya ayaa wadda qoryaashaal gargaar gurmad ah lagu gaarsiinayo degmooyinka Burhakaba, Wallaweyn,Qoryooley, Marka, Afgooye, iyo degmooyinka ka tirsan gobalka bakool.

Agaasimaha guud ee wasaarada gargaarka Iyo maareeynta masiibooyinka Dowlad gobaleedka KG Diini Xaaji Abdinur oo Wareysi gaar ah siyey Radio muqdisho ayaa sheegey in iyadoo la dardargelinayo gurmadka dadka abaarahu ay sameeyaan ayaa waxaan raashin gurmad ah gaarsiiney degmooyinka go’adoonka ah, Xudur, waajid, Diinsoor, Qansax dheere, baydhabo waxaan raashiinkaas inoogu deeqey dowladda Sucuudiga hay’addeeda u qaabilsan dhinaca gargaarka.

Diini Xaaji abdinuur agaasimaha gargarka KG ayaa ugu dameyn u mahadceliyay hay’addaha iyo dhamaan dadka muxsiniinta ah e ka qeyb qaadanaya u gurmasha dadka abaaraha sameeyn isagoona ku baaqey in ay laba jibaaraan dadaalkooda, si gaar ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaalbilsan arrimaha gargaarka Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Uga Codsadey in meelaha ugu horeeya ee gurmadka uu ka sameynayo ay qeyb ka noqto dowlad gobaleedka Koonfurgalbeed Soomaalia.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...