Ciidmada Xoogga Dalka oo deegaanka Janaale ku soo bandhigay Xubin katirsan Al-shabaab.

Date:

Taliska ururrada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degaanka Janaale ayaa soo bandhigay Cusmaan Xasan Hiraab oo muddo ka barbar dagaalamayay kooxda Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, Cusmaan ayaa isku soo dhiibay ciidanka.

 

Ninkaan oo kamid ah dhalinyarada ay qaladay kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka soo dagaalamay gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Hoose oo ugu dambeyntii uu iska soo dhiibay.

 

Gaashaanle Nuuradiin Xuseen Macalin oo ah taliyaha ururka 83-aad, guutada 14October iyo L/xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo ah taliyaha ururka 84-aad ee isla guutada 14-ka October oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa Cusmaan Hiraab si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Janaale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka wadatashigu waa furanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay gogosha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha...

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo booqasho...

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Ganacsiga XFS Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan...