Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo caawa Tacsi u diray Sheekh Cali Warsame oo maanta lagu aasay magaalada Burco.

Date:

DHAMBAAL TACSI.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Cali Warsame oo maanta lagu aasay magaalada Burco.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Marxuum Sheekh Cali Warsame uu ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka, isaga oo dadaal weyn ku bixiyey waxbaridda ubadka Soomaaliyeed

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Cali Warsame oo maanta lagu aasay magaalada Burco. Marxuumku waxa uu ahaa daaci weyn oo waqti badan geliyey fidinta diinta islaamka iyo waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...