Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Sarakaal sare oo katirsan Argagixisada Al-shabaab.

Date:

Ciidanka Kumaandooska Danab Gàar Ahaan Ururka 5aad Guutada 16’aad CXDS Iyo Kuwa Nabadsugida Maamulka Jubaland Ayaa Howlgalo lagu baacsanyo Argagixisada Ka waday malmahan Deeganada Dhaca Dhinaca Galbeedka Magaalada Kismaanyo Ee Gobolka Jubada Hoose.

 

Deegaanadan Oo Kala Ah Shabac ,Gaawo Gabdhoodle,Beerxaani,Qudus Iyo Kaanjaroon oo ay  Argagixisadu ka wadeen falal ay ku  dhibataynayaan  Dadka Shacabka ee ku dhaqan degaanadan.

Hawlgalku Intuu Socday ayaa Ciidanka waxa u suuro gashay in Gacanta Ku dhigaan Horjoogihii Argagixisada u qaabilsana Deganadan Oo lagu Magacaabo Maxamed cabdi Mukhtaar Magaciisa Afgarashada ee Ay Argagixisadu Taqaana waa (Sakhraawi) waxayna Khaarajiyeen 4 Dhagarqabe  Oo ahaa ilaalada Horjoogaha,waxana sidoo kale Cagta Lamariyay Goobihii ay Baada Shacabka Uga Qaadanjireen Sida warbaahinta Qaranka u u Xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab Taliye Carab Dheeg Axmed .

 

Hawlgalka ayaa Qayb ka ah Hawlgalada Guud  ee Ciidanka XDS  ku baacsanayo Argagixisada alshabaab & Daacish.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...