Home Blog Page 676

Golaha Ammaanka oo soo dhaweeyay shirka uu madaxweyne Farmaajo iclaamiyay.

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu yeeray hoggaamiyaasha Soomaaliya in ay si dhaqso leh dib ugu bilaabaan wada hadalada si loo diyaariyo doorashooyin cusub, iyagoo rajeynaya in la xaliyo xiisad cusub oo ka dhalata khilaafka doorashooyinka.

Qaraarka ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen, 15-ka wadan ee Golaha Amnigu waxay ka codsadeen Soomaalida inay “si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadalkooda oo ay u wada shaqeeyaan, iyagoo eegaya danaha dadka Soomaaliyeed.”

Go’aankan ayaa ku dhiiri galiyay hogaamiyaasha in ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan qabanqaabada qabashada doorashooyin loo dhan yahay iyadoo la doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.

Dowlad Britain ayaa ku baaqday kulanka albaabada u xiran maalin kadib markii dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo dowladaha federaalka ay ka baaqdeen waqtigii loogu talagalay ee ahaa in lagu sii wado codeynta doorashada madaxweynaha xiga.

Golaha Amnigu wuxuu kaloo cambaareeyay weerarada ka soo cusboonaaday kooxda Shabab waxayna mar kale xaqiijiyeen inay taageersan yihiin midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Golaha Amniga ayaa mar kale kulmi doona 22-ka Febraayo si ay u cusbooneysiiyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo wakhtigiisa dhammaanayo bishan Febraayo.

Xukuumadda oo fududeynaysa qabsoomidda Shirka Doorashooyinka ee Garoowe

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee  ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaas oo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHIR ISUGU YEERAY MADAXDA DOWLAD GOBOLEEDYADA IYO GOBOLKA BANAADIR

0

Muqdisho, Febaraayo 09, 2021: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.

Xildhibaanada golaha shacabka oo ansixiyay wax ka bedelka sharciga waxbarashada dalka.

0

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ansixiyay wax ka bedelka sharciga waxbarashada dalka ee heerka 1 aad, 2 aad iyo tacliinta sare, 170 mudane oo kulanka maanta ka qeybgalay ayaa ogolaaday sharcigan.

Wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya, mudane Cabdulaahi Abuukar Xaaji, ayaa mudanayaasha uga mahad celiyay ansixinta wax ka bedelka sharciga waxbarashada dalka.

Sidoo kale, xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo qeybiyay wax qabadka xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo kormeeray taliska ciidanka Badda+(SAWIRRO).

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa maanta kormeeray taliska ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna Saraakiisha ciidanka ka dhageystay heerarka kala duwan uu soo maray ciidanka Badda iyo howlaha horyaala.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa xarunta ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ku soo dhoweeyay Taliyaha ciidanka Admiral Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Badda.

Admiral Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga uga warbixiyay howaha hortebinta u leh taliska.

Wuxuu sheegay Wasiir Cabdifataax Qaasim in ciidankeenu uu ka muuqdo mooraal, rajo iyo yididiilo aad u sareeyo, wuxuuna ku bogaaday howsha adag ee ay Qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca waxaa ku wehlinayay taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga dalka, taliyaha ciidanka cirka iyo Saraakiil kale.

Dowladda Federaalka ayaa xil weyn iska saartay tababarka, tayeynta iyo xuquuqda asaasiga ee ciidanka qalabka sida,islamarkaana marnaba gaabis ku iman.

War-Saxaafadeed ku saabsan Natiijadii Shirarkii Dhuusamareeb ee 1-6 Febraayo.

0

Muqdisho, 8 Febraayo 2021 – Saaxiibada beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember. Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Waxaan si xiiso leh u dhageysanay hadal-jeedintii Madaxweynaha ee Golaha Shacabka 6dii Febraayo, waxaana si gaar hoosta uga xariiqnay sida uu u doonayo inuu sii wado wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, wadahadalladaas oo ujeedadoodu tahay in la isla garto wadiiqo lagu heshiiyey oo loo maro qabashada doorashooyinka. Waxaan si xoog leh u taageersannahay wadahadal dheeri ah oo ku qabsooma jawi deggan oo wax lagu dhisayo. Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay ka amba-qaadaan dhinacyada wanaagsan ee doodda Dhuusamareeb, ayna sii wadaan wada-shaqeynta, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo danta qaranka.

Wasiir Beyle oo kulan miro dhal ah la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo ay ugu horeyaan Wasiir Ku-xigeenka, Wasiiru-Dowlaha,  & mas’uuliyiin sare oo dhinaca waxbarashada qaabilsan

“Waxa aan maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo ay ugu horeyaan Wasiiru-Dowlaha, Wasiir Ku-xigeenka iyo saraakiil sare oo dhinaca waxbarashada qaabilsan.

Wuxuu sheegay Wasiir Beyle in ay ka wada hadleen baahiyaha dhinaca waxbarashada ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay in maalgelin joogta ah la siiyo hannaanka Waxbarashada,maadaama Waxbarashadu ay tahay iftiinka Dadkeenna iyo horumarka bulshada.

Golaha shacabka ee BJF oo ku kulmaya Muqdisho.

0

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku yeelanaya xarunta golaha.

Kulanka maanta ayaa looga hadlayaa labo qodob oo kala ah Akrinta saddexaad ee wax ka bedelka sharciga Waxbarshada Heerka 1-aad iyo 2-aad iyo tacliinta sare, iyo qodobka labaad oo ah Warbixinta ku saabsan waxqabadka 100-ka maalmood ee Xukuumadda Federaalka oo loo qeybinayo xildhibaanada si ay u soo akhriyaan.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 9-ka bisha Febraayo 2021 oo beri ku began hortagaya Xildhibaanada golaha shacabka si uu uga hor jeediyo warbixinta waxqabadka 100-ka maalmood ee Xukuumaddiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa booqasho ku tegaaya qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka.

0

Wasiirka arrimaha dibada ee Turkiga Mowluud Jaawiish Oglo ayaa bilaabaya beri oo talaado booqasho uu ku maraayo wadamada Kuwayt, Qatar iyo Cumaan.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in booqashada wasiirku socon doonto ilaa 11 bishaan February.

Wasiirka ayaa la kulmi doona wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalkaas isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka Turkiga iyo wadamada Khaliijka iyo xaaladda gobalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmi doona ganacsatada Turkida ee ku nool wadamada Khaliijka.

Ciidamada amniga oo howlgal ka sameeyay magaalada Jowhar.

0

Ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hrshabeelle Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta amniga magaalada.

Muddada uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, guryaha iyo dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee magaalada ka dhaca.

Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska magaalada Jowhar Labo Xidigle Xasan Cabdulle Dhaqane ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay labo ruux oo la tuhmay, kuwaas oo hadda lagu haayo saldhiga booliska magaalada.

Taliyaha waxa uu sidoo kale u mahadcliyay shacabka ku nool caasimadda Hirshabeelle oo la sheqeeyay inta ay howlgalka wadeen ciidamada.