Madaxweynaha 10aad ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran oo uu Horkacayo kuwaas oo ay ku Jiraan Xildhibaano,Wasiiro,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka iyo Saraakiil Katirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa gaaray Haatan Magaalada baydhabo ee Gobolka Baay.
DAAWO:Toos, Baydhabo; Bulshada Koofur-gableed oo oo aragtiyadooda ka dhiibanaya Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyaddu maanta ku tagayo magaalada Baydhabo.
Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada oo bogaadiyay, gargaarka ay dawladda Qatar keentay dalka oo maanta la qaybiyey.
SAWIRRO:Qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn looga dareemayo Magaalada Baydhabo.
Qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn looga dareemaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo jewi roob, xasillooni iyo deggenaan ah kusoo dhoweynaysa Madaxweynaha oo saacadaha soo socda ku wajahan Magaaladaas.
SAWIRRO:Imtixaaankii dugsiyada dhaxe ee Galmudug Ee Gobolka Mudug oo maanta lasoo gaba-gabeeyay.
Muqdisho-31-5-2022 – Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Maamulka Galmudug oo ay wehliyeen Agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale ayaa maanta soo xiray imtixaanaadkii dugsiyada dhaxe ee Galmudug ee ka bilowday deegaanada galmudug Sabtidii tudabaadkan.
DHAGEYSO:Booliska Soomaaliya oo muqdisho ku qabtay kooxo Burcad ah.
Muqdisho-31-5-2022 – Ciidamada Booliska Soomaaliya Ayaa xalay howlgalo dad farabadan lagu soo qabqabtay Waxa ay ka sameeyen Xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo dadka kunool ay ka cabanayeen maalmihii aan soo dhaafnay Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanayay bulshada halkaas ku nool.
DHAGEYSO:Ciidamada amaanka Magaalada Dhuusa-mareeb oo howlgalo lagu sugayo amaanka ka sameeyay xaafadaha magaaladaasi.
Muqdisho-31-5-2022-Ciidamada amaanka Galmudug gaar ahaan Booliiska iyo Nabadsugida ayaa xalay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay ka sameeyeen Xafadaha Magaalada Dhuusamareeb iyo Wadooyinka Soo gala.
DAAWO:Intabadan goobaha ganacsi ee gubta waxaa yaalla oo dabku halakeeyaa lacago kaash ah iyadoo dunida casri isku bedeshay ,Haddaba sidee looga gudbi karaa.
Muqdisho-31-5-2022-Intabadan goobaha ganacsi ee gubta waxaa yaalla oo dabku halakeeyaa lacago kaash ah iyadoo dunida casri isku bededhay “Haddaba sidee looga gudbi karaa arintaan .
DAAWO:Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS, Cumar Cali Rooble, ayaa dalka sacuudiga kula kulmay dhigiisa dalkaasi.
Muqdisho-31-5-2022-Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS iyo Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Caraabiya oo shir ku yeeshay magaaladda barakeysan Ee Makkah Al Mukarama ayaa ka hadlay u diyaar garoowga xajka.
Madaxweyne Hassan Sheikh oo maanta Baydhabo ku wajahan iyo Ammaanka Magaaladaas oo la adkeeyey.
Muqdisho-31-5-2022-Maanta waxaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo uu gaaro Madaxweynaha 10aad ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran uu Horkacayo kuwaas oo ay ku Jiraan Xildhibaano,Wasiiro iyo Saraakiil Katirsan Madaxtooyada Qaranka.
