Home Blog Page 669

Finland oo go’aansatay inay ku biirto NATO

Finland ayaa Axadda maanta ah xaqiijisay in ay dooneyso in ay xubin ka nqoto gaashaanbuurta ANTO, tani oo dib u habeyn ku sameyneysa dheelitirka awoodda ee Yurub kadib tobanaan sano oo aysan ku jirin isbahaysiyo militaryi.

Madaxweyne Sauli Niinisto ayaa isaga oo Helsinki ku sugan ugu yeeray tallaabadan mid taariikhi ah. “waa cusub ayaa baryay,” ayuu yiri kahor inta uusan u gudbin mooshinkaasi in uu baarlamaanku ansixiyo.

 

Tallaabada Finland, oo la filayo inay soo raacdo Sweden oo ay deris yihiin, ayaa ka careysiisay Kremlin-ka oo sheegay in aysan jirin sabab ay dalalka gobolka Nordic u cabsadaan, wuxuuna ballan qaaday jawaab.

Russia ayaa sahayda korontada ka jaratay Finland, oo ay wadaagaan xuduud dhan 1,300 kilometer taasi oo keentay in maamulayaasha dalkaasi ay weydiistaan Sweden taageero.

Dhawaaqa Finland ayaa yimid xilli ay sirdoonka reer galbeedku sheegeen in militariga Ruushka ay khasaare xooggan ka soo gaartay dagaalka Ukraine.

DEG DEG: Tartankii Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya oo bilaabatay.

Waxaa gordhaw ka bilaabatay  Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho doorashadda xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartami doonaan ilaa dhowr musharrax kuwaas Oo gaaraya ilaa 39 musharax.

Ilaa 36 Musharrax ayaa u diiwaangashay inay ku tartaman doorashada Madaxweynaha, waxaana Maanta si weyn loo adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho, iyada oo hakad la geliyay isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga intaba.

Dhamaan musharixiinta xilka madaxweynaha soomaaliya ayaa howlgalka ku sugan.

TOOS: DAAWO doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo bilaabatay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayaan in ka badan 30-musharax.

Amniga Teendhada Afisyooni oo ay doorashada ka dhaceyso iyo guud ahaan magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana gabi ahaanba la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

HALKAN KA DAAWO DOORASHADA

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codeyn doona, waxaana sidoo kale goobjoog ka noqon doona goobta doorashada korjoogto lagu casuumay oo isugu jira Soomaali iyo xubno ka socda Beesha caalamka.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxwaynaha Mudane Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa farriin u diray Bulshada iyo daneeyayaasha Doorashada, wuxuuna ka codsaday dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee saameynayo bandowga in ay u dul-qaataan.

TOOS: DAAWO doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhaw bilaabanaysa

0

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayaan in ka badan 30-musharax.

Amniga Teendhada Afisyooni oo ay doorashada ka dhaceyso iyo guud ahaan magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana gabi ahaanba la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Halkan ka daawo doorashada

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codeyn doona, waxaana sidoo kale goobjoog ka noqon doona goobta doorashada korjoogto lagu casuumay oo isugu jira Soomaali iyo xubno ka socda Beesha caalamka.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxwaynaha Mudane Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa farriin u diray Bulshada iyo daneeyayaasha Doorashada, wuxuuna ka codsaday dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee saameynayo bandowga in ay u dul-qaataan.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ugu hambalyeeyey dhallinyarada Soomaaliyeed Maalinta SYL ee 15 May

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka May oo ku beegan aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in looga baahanyahey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ku deydaan halyeeyadii SYL ee dalka ka dulqaaday heeryadii gumeystaha shisheeye, dhexdana u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.
“Xuska 15-ka May ee sanad kan ayaa ku soo beegmay maalin muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo la dooranayo Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay u soo duceeyaan dalka, in Allah u dooro hoggaan wanaagsan.

MADAXWEYNE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo taallada halgameyaashii SYL kaga qayb galay munaasabad lagu xusayey 79 guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururka Dhallinyaradii SYL, aya taallada halgameyaasha dhigay ubax lagu maamuusayey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee xorriyadda, midnimada iyo dowlad-dhiska dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabaddan qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku boorriyey in dhallinyaradu ay wax ka bartaan sooyaalkii halgan ee geesiyaashii SYL, sidoo kalena uu jiilba, jiilka ka dambeeya dhaxalsiiyo, maamuuskooda, taariikhdooda, halgankooda iyo dhaxalkii waddaniyadeed ee ay inooga tageen.
“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dalkeenna iyo kan guud ee ummada Soomaaliyeed. Waxa ay ku sifaysnaayeen, midnimo, dhabar adayg, waddaniyad iyo ka fogaanta qabyaaladda, taas ayaana sabab u noqotay in ay xaqiijiyaan hiigsigii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in ay ka xoroobaan gumaystaha, noqdaanna dal madax bannaan oo karaamo iyo sharaf ku dhex leh dunida”
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada iyo wadajirkooda, oo ah mabaadi’dii saldhigga u ahaa aasaaskii SYL.
Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada SYL waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Agaasimaha Guuud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise.

Madaxweynaha Puntland Siciiid Deni oo hambalyeeyay 15 May 2022 oo ku beegan aas,aaskii ururka SYL

0

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciiid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyeeyay 15 May 2022 oo ku beegan as’aaskii ururka gobannima-doonka Soomaaliyeed ee SYL kaas oo la aas-aasay sanadkii 1943di.

Qoraal uu soo saaray madaxweyne Siciid Deni ayuu ku sheegay in maanta laga bilaabo uu laba-jibbaarmayo maamuuska 15 May waayo? buu yiri “waxaa dalku sugaya isbedel Soomaaliya gaarsiiya meel ay istaahisho”

Musharrax Siciid Deni ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay dhalinyarada sannadkan kamid noqday labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

 

“Waxaan si gaar ah hambalyo ugu diraya Xildhibaanada dhallinyarada ah ee ku jira labada Aqal ee Baarlamaanka JFS. waxaa maanta hortaalla fursad taariikhi ah oo ay dalka ugu gudbin karaan Doorasho qof iyo cod ah”

Shil Sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay duleedka Magalaada Qardho .

0

Inta la xaqiijiyey Laba Dhalinyaro ah oo lagu kala Magacaabi jiray Axmed Maxamed Ciise iyo Axmed Cabdinuur (Jii) ayaa ku geeriyooday shilgaari oo saaka ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Qardho iyo Garoowe ee maamulka  Puntland.

Waa shilkii Saddexaad oo todobaad gudihiis ka dhaca degaannada Puntland, kaas oo geysta dhimasho iyo dhaawac.

Bilihii u danbeeyey shilalka ka dhaca deegaanada Puntland ayaa aad kordhay waxaana ay geystaan shilalkaan qasaaro badan.

Diyaaradihii imaan jiray garoonka Aadan Cade oo maanta hakad ku jira iyo sababta oo la shaaciyey.

0

Mareeyaha Garoonka Diyaradaha Muqdisho ayaa sheegay in hakad lagaliyey  dhamaan Dulimaadyada garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho maanta oo axad ah kadib markii Booliska somaaliya bandow ku so rogeen magalaada Muqdisho.

Maareeye Cabdinasir Maxamuud Gureey ayaa xusay in tallaabadan loo qaaday Sabab la xiriirta Doorashada Madaxwaynaha oo maanta qabsoomaysa, garoonkuna uu xiranaan doono mudada lagu gudajiro howlaha doorashada.

Saraakiil katirsan ahlusunna oo xalay isku dhiibay ciidamada dowladda iyo kuwa galmudug.

0

Gudoomiyaha Degmadda Guriceel ee maamulka galmudug  Faarax Fataate ayaa Warbaahinta Radio Muqdisho u xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsanaa Ahlusunna oo wata Gaadiid dagaal ay  xalay isku soo dhiibeen dhankooda.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Saraakiisha Ciidamadan hoggaminayay ay kamid yihiin Cabdullahi Cabdi Raage, Abdul Rooble iyo xubno kale kuwaa oo watay 4 tikniko ah iyo Ciidamo gaaraya 60 Askari.

Masuuliyiinta Dowladda waxa ay sheegeen in wadahdal kadib laisku fahmay isa soo dhiibista Ciidamadda iyo Gaadiid dagaal ee ay wateen,taas oo keentay kadib markii kooxdaan lagu jabiyey weerer ay jimcihii ay ku soo qaadeen magaalada dhusamareb ee caasimada galmudug.