Home Blog Page 669

Abaanduulle Qorax” Ciidanka waa in ay dardar geliyaan sugida amniga degmada Baardheere,”

0

Abaanduullaha Guutada 10aad Col. Cismaan Sheikh Cabdi Qorax ayaa Kormeeray Saldhiga Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo, isagoo u kuurgalayay xaaladda amni ee degmada iyo shaqada muhiimka ah ee ay Bulshada Ciidanka Bulshada u hayaan.

Gaashaanle Cabdi Sheikh Xasan Cilmi oo ugu horeyn ka hadlay soo dhoweynta Abaandullaha Guutada 10-aad Cismaan Sheikh Cabdi Qorax ayaa sheegay in ay ciidanka mar kasta heegan ugu jiraan badbaadinta shacabka naftooda iyo maalkooda,islamarkaana si weyn uga shaqeynayaan amniga gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Abaanduule Qorax ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay dardar geliyaan sugida amniga iyo in la iska kaashado sidii loo ciribtiri lahaa cadowga Shacabka dhibaatada ku haya.

Xaaladda amni ee degmada Baardheere ayaa ah mid wanaagsan, waxaana ka howlgala ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuw nabad sugida iyo ciidanka Xoogga dalka oo dagaal adag kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu maanta ruqsadda Mobile Money (License) guddoonsiiyey shirkadda Hormuud Telecom. Waa markii ugu horeysay oo Bangiga Dhexe bixiyo ruqsad noocaan ah.

0

Adeeggan waxaa isticmaala in ka badan 70% shacabka Soomaaliyeed. Lacagta dhexmarta adeegga Mobile Money bil kasta waxa lagu qiyaasay $2.7 bilyan, sida ay qortay warbixinta Bangiga Aduunku ee sanadkii 2018.

Bixinta Ruqsadda adeega lacaguhu waxay muhiimad gaar ah u leedahay sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka waddanka iyo ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo leeyahayba.

Munaasabadda lagu bixinayey Ruqsadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Maalgelinta iyo Horumorinta Dhaqaalaha iyo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada Dowladda Federaalka, Agaasimaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Agaasimaha Hay’adda Warbixinta Maaliyadda, Guddoonka Ururka Bankiyada iyo Xoghaya ururka Xawaaladaha.
#CBS2021

Golaha amaanka ee qaramada midoobe oo cunaqabateyn saaray sadax hor jooge oo ka tirsan argagaxisada shabaab.

0

 

Golaha amaanka ee qaramada midoobe ayaa si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro sadax xubnood oo ka tirsan kooxda shabaab

Xubnahan argagaxisada ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hogaamiyaha shabaab,Macalin Ayman iyo Mahad Karataay.

Dowlada Soomaaliya oo kaa shaneysa dalka Mareykanka ayaa arintan ka dalbatay golaha amaanka

Talaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasaarada arimaha dibadda ee Mareykanka

Erica Barks-Ruggles  oo ah saraak sare oo ka tirsan xafiiska arimaha heyadaha caalamiga ee wasaarada arimaha dibadda Mareykanka ayaa arintan ku tilmaantay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in talaalka covid-19 uu dalka soo gaarayo bilowga bisha soo socota

0

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukumadda federaalka Soomaaliya Dr,s Fowyso Abiikar Nuur oo marti ku aheyd barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa warbaahintab qaranka ayaa sheegtay in todobaadka 2-aad ee bilawga bisha soo socota dalka uu soo gaari doono talaalka covid-19 kaasi oo ay soo saartay dowladda UK isla markaana laga isticmaalay wadama badan oo kala tirsan qaaradaha dunida.

Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegay in helida talaalkaan ay soomaaliya ka caawineyso hay’adda Caafimaadka aduunka WHO oo soomaaliya ay xubin ku leedahay.

“Waxaan fileynaa in bilawga bisha soo socota uu dalka soo gaaro talaalka covid-19 oo ay naga caawineyso hay’adda caafimaadka aduunka WHO ayay tire wasiir Fowsiyo.

Dhinaca wasiirka caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegay in safiirka shiinaha ufadhiya Soomaaliya uu kala shaqeynayo helida talaal kale ay soo saartay dowladdiisa kaasi oo isna laga isticmaalay dalal badan.

“Qorshaha helida talaalka Covid-19 waxaan soo bilaawnay dhextaalka sanadkii tagay ee 2020 waxaana ka mid nahay dalal badan oo aan awoodin qarashka ku baxaya.

Tan iyo markii dalka laga diwaan geliyaya kiiskii ugu horeeyay covid-19 waxaa uu haleeyay  6,687 waxaa ka bogsootay 3,784 iyadoo tirada dadka ugeeriyooday ay gaartay 223.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta oo xalay wadajir loo soo saaray.

0

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan xasilloonida amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo dhabbaha loo xaarayo dhaqan-gelinta Heshiiska doorashooyinka iyo talo soojeedintii Guddiga Farsamada Doorashada Federaal ee ka soo baxday Shirkii Baydhabo.

Akhriso Khudbadihii laga jeediyay shirkii dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta

0

 

Wasiirka amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in Wasaaradda ay dhaqan gelin doonto heshiiska iyo is afgaradka lagu gaaray shirka wadatashiga ah ee caawa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la yeeshay Midowga Musharaxiinta, kaasi oo diiradda lagu saaray qodobo ay ka midyihiin arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Wasiirka amniga ayaa xusay in Xukuumadda ay markasta ka go’antahay inay wada hadal la yeelato cidkasta oo qabto tabasho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in caawa bulshada Soomaaliyeed ay u tahay talaabo guul ah, isla markaana wixii hadda ka dambeeya loo istaagi doono sidii wada jir loola dagaalami lahaa cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Madaxweyaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo shirka caawa guusha ku soo dhamaaday oo ay Alle uga mahadcelinayaan in caawa la isku afgartay waxkasta oo tabasho laga qabay, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in dalka ay ka dhici doonto doorasho xaq iyo xalaal ah oo raali la isaga wada yahay, ayna sii socon doonaan kulamada nuucaani oo kale ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay falkii dhacay 19-kii February, isagoo mahadcelin u jeediyay cidkasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda shirka, ayna sii socon doonaan kulamada lagu sii amba qaadayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu baaqay in cidkasta oo ka maqan arrimaha ku saabsan in dalka ay ka dhacdo doorasho ay ka soo qeyb galaan shirka.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah murashixiinta ayaa sheegay in Midowga Musharixiinta ay ka go’antahay hirgelinta waxyaabaha lagu heshiiyay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo madasha ka hadlay ayaa xusay in 19-kii February ay ahayd dhacdo xanuun badan, balse kulamo kale oo gaar ah laga yeelan doono, isagoo daboolka ka qaaday in wixii maanta ka dambeeya ay sii socon doonaan shirarka looga hadlayo misiirka dalka.

Madaxweynihii hore ee Galmudug mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa hoosta ka xariiqay in wada hadalka ay yeesheen Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Murashixiinta ay horseedi doonto in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isagoo xusay in labada dhinac ay muujiyeen isu tanaasul.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud aya sheegay in hadafka ugu weyn ee la hiigsanayo ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho, isagoo bogaadiyay qofkasta oo ra’yi qaba ama tabasho laga dhageysto lagana qanciyo.

Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna Guddomiyaha Midowga Murashixiinta Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay dadkii ka soo shaqeeyay qabsoomidda shirka, waxaana uu intaa ku daray in dowladnimada ay aas aas u tahay sharci iyo wada hadal.

“Nidaamka dimoqraadiga ah ee aan maanta ku shaqeynayno waa nidaam curdun ah, dadka Soomaaliyeed waa inay daremaan taas, waxaan aamisnaahay in ilalainta sharciga ay tahay mid dastuuri ah, qofkastana uu arrintas gacan ka geysto, dhamaanteen aan wada ilaalino sharciga”. Ayuu yiri Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shirka soo xiray ayaa sheegay in heshiis is afgarad ah la gaaray caawa, isla markaana ay Ummadda Soomaaliyeed u tahay habeen taariikhi ah.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay waan idin maqanahay, waa noo muhiim xoriyatul qowlka, mudaaharaad waa waajib dastuuri ah oo qokasta oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay, waxaa kaloo waajib ah in laga wada shaqeeyo sugidda amniga, shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay nagu garab istaagaan sidi uu dalkan uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadalkiisa ku daray in dowladda ay ka go’antahay qabsoomidda doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Midowga murashixiinta ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dalka uu ku jiro xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah, maadaama uu soo labo kacleeyay xanuunka COVID-19, qofkastana looga baahanyahay in uu ka qeyb qaato sidii loo yareyn lahaa faafidda cudurka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA UGAAS XASAN UGAAS KHALIIF

0

Muqdisho, Febaraayo 23, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo caawa uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ugaasku uu ahaa hurmuud dhaqan oo lagu soo hiran jiray, door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Ugaasku waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ” Heshiiskii 17-kii September waa heshiis taagan oo u baahan in la fuliyo”.

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb: Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa warbaahinta Dowladda uga warramay Kulankii gaarka ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay uga hadleen xaaladda Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sheegay in shirka si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha Doorashada iyo bini-adanimada Soomaaliya, isagoo jeediyay warbixin dhinacyo badan taabaneysaty.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa xoojiyay in ay muhiim tahay hirgelinta heshiiskii 17-kii September, taas oo horseedeysa in la gaaro doorasho loo dhan yahay.

“ Arrinkan markii ugu horeysay ma ahan meelo kala duwan baan kaga soo hadalnay heshkiiskii 17-kii September waa heshiis taagan una baahan in la fuliyo,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon lahaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha Qaranka.

Waxa uu shegya inay ku dadaalayaan sidii ay labada mamaul ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

Maamulka Cisbitaalka Samareeb oo la wareegay Agab caafimaad+(SAWIRRO).

0

Agabkan Caafimaad oo ka kooban ilaa afar Mishiin oo ah kuwa neefta siiya bukaanada ay ku adkaato in ay helaan Oxygen ku filan, kana yimid ganacsato kasoo jeeda Galmudug oo ku deeqay in lagu caawiyo bukaanada wajahaya qatarta Caafimaad ee ka jirta qaar ka mid ah Isbitaalada Gobolka Galgaduud , loona soo wakiishey wareejintooda, Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Galmudug Mudane Axmed Mirre Faafaale ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Maamulka Isbitaalka weyn ee Magaalada Samareeb gaar ahaan qaybtiisa la tacaalida Xaaladaha Covid-19.

Dr. Axmed Mahdi, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka oo u mahad celiyay Ganacsatada ku deeqday mishiinadan ayaa tilmaamey in baahida Isbitaalka ka jirto ay tahay mid baaxad leh oo u baahan in lagala qayb qaato sidii loo dabooli lahaa.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa tilaabadan lagu soo iibiyey Afartan Mishiin oo qayb ka ahaa gurmad ay sameeyeen ganacsato kasoo jeedo deegaanada Galmudug, ku sheegay in ay tahay mid kusoo aadey xili baahi weyn loo qabay helitaanka agabkan.

Agabkan caafimaad  oo xiligan ka mid ah kuwa dalku ugu baahida badan yahay ayaa caawin doona bukaanada uu soo rito Xanuunka Covid-19 oo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ay shaacisey in ay sii kordhayaan dadka laga helay saacadihii ugu dambeeyay.

Liibiya: Inka badan 150 Muhaajiriin Tahriibayaal oo laga badbaadiyay kooxo Burcad ah.

0

Ciidamada Amaanka Liibaya ayaa weerar qarsoodi ah oo ay ku qaadeen xabsi qarsoodi ah oo ku yaala koonfur-bari dalkaaasi liibiya ayaa ku guuleystay in badbaadiyaan 156 ruux oo ay 15-ka mid ah yihiin haweenka .

Howlgalkan oo ka dhacay magaalada Kufra ayaa dhacay 16-kii Febraayo kadib markii mid ka mid ah tahribyaasha uu xabsiga ka baxsaday isbuucii lasoo dhaafay iyadoo loo wareejinayo goob kale oo la doonayay in la xiro .

Qofkaan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka ka dib wareysi ay la yeesheen iyo sidoo kale baaritaanno dheeraad ah ay ku sameeyeen axadii lasoo dhaafay .

Sidoo kale Ciidamada amaanka ayaa qabtay ugu yaraan lix tahriibiyaal kale waxaana loo gudbiyay dacwad oogayaasha hase ahaatee mas’uuliyiinta Liibiya waxay sheegeen inay weerareen xabsi qarsoodi ah tahriibyaasha magaalo ku taal koonfur-bari oo ay isticmaali jireen kooxaha ka shaqeeya arrimaha tahriibkan iyadoo muhaajiriinta ay dhibaatooyin farabadan kala kulmi jireen.

Muhaajiriinta la soo badbaadiyay oo u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Eriteriya iyo Suudaan waxaana la dejiyay goobo amaan ah waxaana la siiyay raashin, dhar iyo bustayaal

Liibiya waxay gashay fowdo ka dib kacdoonkii 2011 ee lagu riday laguna dilay hogaamiyihii mudada dheer Muammar Gaddafi. Waddanku wuxuu u kala jabay dowlad caalami ah oo la aqoonsan yahay oo fadhigeedu yahay caasimadda, Tripoli, iyo kooxo kale ee kasoo horjeedo.