DAAWO:Madaxweyne Qoor-Qoor oo xalay Guddoomiyey shirka Golaha Wasiirada maamulkaasi oo Wasaarada Arimaha Gudaha ay kusoo gudbisay labo Hindise Sharciyeed.

Date:

MUQDISHO-JUUN-6-6-2022-:Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug, iyadoona Wasaaradda Arimaha Guduaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa soo jeedisay laba hindise sharciyeed si golaha ay uga doodaan, una ansixiyaan.

Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed ee hoos ku xusan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug.

Labada hindise sharciyeed ee ay Golaha Wasiirada ansixiyeen ayaa kala ah:-

1 – Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowladda Galmudug.

2 – Shirciga ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Dowladda Galmudug.

DAAWO:WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA GALMUDUG AYAA SHIRKAAN FAAH-FAAHINAYA.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...