Ciidanka Kumaandooska Danab oo gobolka Shabeelada Hoose ku qabtay Argagixiso katiran Al-shabaab.

Date:

MUQDISHO-JUUN-6-6-2022-:Ururka 4aad Guutada16aad  ee Kumaandooska Danab Ee XDS Ayaa Howlgal Qorsheeysan Oo Lagu Baacsanayo Maleeyshiyada Naflacaariga Ah Ee Al-Shabaab Ka sameeyay Deegaano katirsan Gobolka Shabeelada Hoose .

 

 

Ciidamada Danab ayaa howlgaladaan waxa ay si gaar ah uga sameeyen Deeganada kala ah Tooratoorow & caliyoow baaroow Oo kawada tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

 

 

Ujeedka Hawlgalka ayaa ahaa burburinta  baro contorol oo ay ku lahaayeen Argagaxisada Al-shabaab halkaas  taa oo ay  ku dhibaateen jireen shacabka Soomaaliyeed iyagoo ka qaadi jiray lacago baad ah, Ciidanka Kumaandooska Danab oo ka warhelay dhibatadaas ayaa si deg deg ah  uga jawaabay .

 

 

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay lix Xubnood oo katirsan Al-Shabaab kuna sugnaa degaananda Tooratoorow & Caliyoow Baaroow, isla markaana ay la wareegeen Barta-koontorool oo ay lacagaha ku qaadayeen.

 

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ay kaga sugan yihiin ay uga saaraan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...