Home Blog Page 668

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MARTIGALINAYA MUNAASABADDA LAGU DHAMMESTIRAYO ARRIMAHA DOORASHOOYINKA

0

 

Muqdisho, Maarso 01, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray amaro looga hortagayo COVID-19+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta waxa uu amar ku bixiyey in bulshada caasimadda ay xirtaan Afsaarka (Face mask) si looga gaashaanto xanunka COVID19.

Kaddib kulan ay isugu yimaadeen maamulka Gobolka Banaadir uuna shir guddoominayay duqa caasimadda ayna ka qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud,  Guddoomiyasha Degmooyinka, Saraakiisha Aminga iyo Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose ee Xamar ayaa looga hadlay soo labo kacleynta cudurka safmarka ah ee COVID-19, kaasi oo dhibaato ba’an ku haya bulshadeena, waxaana uu maamulka soo saaray go’aamo lagu badbaadinayo bulshada ku nool caasimadda.

Go’aanada waxaa ka mid ah in meelkasta oo ganacsi ah oo lagu iibiyo waxyaabaha kala duwan ama ha noqoto goobaha lacagaha la isugu xawilo in qof aan wadan Afxirasho (face mask) aan loo ogolaan inay gudaha u galaan oo ay ka ganacsadaan.

Milkiilayaasha goobaha ganacsiga ayaa la faray inay dhaqan geliyaan awaamiirta ka soo baxday Maamulka gobolka  ee ah in la qaato afxirashada (Face mask), si looga hortago cudurka COVID-19.

Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir lagu wargeliyay inay la socdaan dhaqan gelinta amarada ka soo baxay Maamulka Gobolka ee la xiriirta ka hortagidda faafidda cudurka COVID-19, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Cabdullaahi Wiish. Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Gobolka Banaadir.

Kulanka Ra’isul Wasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta oo socda+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hadda kula uga bilowday Hotel Decale ee magaalada Muqdisho xubnaha Midowga Murashaxiinta, kulanka waxaa looga hadlayaa dhameystirka isfahamkii dhowaan labada dhinac ku gaareen halkaas.

Kulanka ayaa hadda socda, iyadoo dhinacyada diiradda saari doonaan sii wadista isfahamkii 25 bisha Febraayo wada gaareen labada dhinac, waxaana la filayaa in marka uu kulanka soo idlaado ay Warbaahinta la wadaagaan waxyaabaha la isku afgartay.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyina Heer Federaal oo ku baaqay in shir deg deg ah la isugu yimaado.

0

Guddig Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa golaha wadatashiga qaran ugu baaqay in si deg deg ah u kulmaan si loo xaliyo tabashooyinka ka soo laabtay heshiiskii 17 September 2020.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in guddigu soo dhaweynayo isfahamkii dhowaan wada gaareen xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta, waxayna ku baaqeen in la sii wado wadahadaladda si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga ayaa sheegay in sida keliya marxaladda xasaasiga ah looga gudbi karo ah tahay qabashada doorasho loo dhan yahay, taas oo ay sheegeen in ay diyaar u yihiin qabashadeeda.

Ra’isul wasaare Rooble oo la kulamaya maanta Midowga Murashaxiinta.

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galabta magaalada Muqdisho kula yeelanaya shirkii labaad xubnaha Midowga Murashaxiinta madaxtinimada dalka, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda.

Maxamed Ibraahim Macalimu, ayaa qoraal lagu daabacay Twitter ku xaqiijiyay in kulanka galabta oo looga wadahadli doono dhameystirka heshiiskii labada dhinac ku dhexmaray magaalada Muqdisho 25 bishii Febraayo.

“Si loo sii dhameystiro heshiiskii 25kii Febraayo, Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kula kulmaya Hotel Decale Midowga Musharraxiinta. Xukuumaddu wax ay dadaal dheeri ah ku bixinaysaa sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u galo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo gaaray Baladweyne+(SAWIRRO).

0

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi saraakiil ciidan ah oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow oo maanta ah gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya saraakiil sare oo AMISOM ka tirsan, waxaana soo dhoweyn loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Taliye Odawaa ayaa inta uu ku sugan yahay Baladweyne wuxuu kormeer kala duwan ku sameyn doonaa Xerooyinka Ciidamada Dowladda deegaanadaas, gaar ahaan xarunta Baladweyne,wuxuuna xog-wareysi la yeelan doonaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Hiiraan la howlgala.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa si gaar ah xoogga u saari doono dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab iyo sidii looga ciribtiri lahaa guud ahaan gobolka Hiiraan.

Olole Bulshada looga wacyi-gelinayo Cudurka Covid-19 oo ka bilowday Gaalkacyo

0

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Kaashaneeysa Maamulka Dagmada Galkacyo ayaa Ka Bilaabay Dugsiyada Waxbaarshada Olole Bulshada Looga Wacyi Galinayo Khatarta Xanuunka Covid-19, Kaas oo Saameeyn Muuqata Xilligaan Ku Haya Soomaaliya iyo Dalal Kale Oo Caalamka Ka tirsan

Ololahaan oo qeyb ka ah Xoojinta ilaalinta Caafimaadka iyo Ka hortaga Xanuunka Covid-19 ayaa waxaa maanta si rasmi Looga uga biloowday Xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyadoona ay goobjoog auhaayeen Masuliyiin Ka socatay Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Dagmada iyo Wasaaradda Waxbarashada

Madaxa Xafiiska Waxbarshada Maamulka Dagmada Gaalkacyo Liibaan Macalin Saalax ayaa Ugu horeyn ka hadlay ujeedka Ololaha wacyi gelintaa ee maanta Laga bilaabay Dugsiyada Waxbarashada Gaalkacyo

Dr Cabdi Mahad Maxamuud Diiriye oo ka Mid ahaa howlwadeenadii Ka Socday Wasaaradda Caafimaadka Galmdug ayaa isna ku Dheeraaday ka Hadalka Heerarkii Kala Duwanaa ee Uu Soo Maray Xanunka Maanta Loo Yaqaano Karoona Feyrus Laga Soo Bilaabo Sanadkii 2003

Ugu Danbeyna, Isku Duwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmdug ee Gobalka Mudug Dr.Liibaan Cabdulqaadir Macalin ayaa Ku Booriyay Ardaydu In Kaalintooda Ka Qaataan Sidii Bulshada Loogu Wacyi gelin Lahaa Qaadashada Talooyinka Caafimaadka Iyo Ilaalinta Nadaafada Si Looga Hortago Khatarta Xanuunka Faafaha Daran Ee Karoona Feyrus.

Iran oo shuruud ku xirtay in wadahadal ka gasho heshiiska Nugliyeerka.

0

Iran ayaa meesha ka saartay in wadahadal aan caadi aheyn la yeelato Mareykankaa iyo Midowga Yurub kaas oo ku saabsan dib u soo nooleynta heshiiskii Nugliyeerka ee 2015 la galeen dalalka reer galbeed dowladda Iran, waxayna ku adkeysteen in marka hore Washington ay qaato cunaqabateyntii dhinac laha aheyd oo la saaray Tehran.

“Anagoo tixraacayna talaabooyinkii dhowaan la qaaday iyo bayaanadii ka soo baxay Mareykanka iyo sadex kamid ah dalalka waa weyn ee reer Yurub, Iran uma aragto xilligan in ay wadahadal la yeelato dalalkaas ,” sidaa waxaa yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Saciid Khatibzadeh.

Mareykanka oo hadalkaas ka jawaabaya ayaa sheegay in uu ka xun yahay balse ay wali raadin doonaan wadiiqo diplomaasiyadeed oo micno leh oo labada dhinac ugu soo laaban karaan heshiis, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad.

Saraakiisha Iraaniyiinta ah ayaa sheegaya in ay darsanayaan codsiga uga yimid madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell, hase ahaatee ay doonayaan in la qaado xayiraaddii dhaqaale ee Mareykanku saaray Iran 2018.

Dowladda Iran iyo Maamulka cusub ee Mareykanka ee Joe Biden ayaa isku tuur tuuraya in uu midba mid kale bilaabay talaabada dib loogu soo nooleynayo heshiiskaas. Iran waxay doonaysaa in Washington marka hore qaaddo xayiraadda halka Mareykanku ku doodayo in Iran ay u hogaansanto qodobada heshiiska.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Xuuthiyiinta ay ku qaadeen Sacuudiga.

0

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar gentaalo ah oo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen Axaddii ku qaadeen magaalooyin ka tirsan Sacuudiga.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa gentaalo ballistic ah ku tuureen jihada caasimadda Sacuudiga Carabiya ee Riyadh iyo magaalooyin ka tirsan gobolka Jiizaan oo ay kamid tahay Khamiis Mushayti.

“Soomaaliya waxay u aragtaa in weerarkan uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo kan bani’aadamnimada isla markaana ah dambi argagixiso oo ka dhan ah meelaha la degan yahay, wuxuuna carqalad ku yahay dadaallada Qaramada Midoobay ku doonayso in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen” ayaa lagu yiri bayaanka soo  baxay wasaaradda.

Dowladda Soomaalia ayaa sidoo kale, sheegtay Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka muwaadiniinteeda.

Ardayda Xudur oo dalbaday in laga caawiyo qalabka looga hortago Cudurka Covid-19.

0

Goobaha Waxbarashada waxay ka mid ah yihiin goobaha ugu sahlan ee Cudurka safmarka ah ee Corono Virus uu ku faafi karo, iyadoo taas laga duulayo ayaa ardayda wax ka barata Iskuulada ku yaalo degmada Xudur ee gobolka Bakool waxaa loo sameeyay wacyigelin ku saabsan covid-19.

Fasalada qaar ee iskuulada ayaa la soo sheegayaa in ay dhigtaan in ka badan 70-arday, mana lahan Af-saabka (Af-xir) iyo Agabyada kale ee lagaga hortago Cudurka dilaaga ah ee Covid-19 oo dunida hadda si weyn ugu soo laba kacleeyay.

Macalin Xuseen Cali Abdi ayaa ardayda wacyi gelinaya ka hor intaan la gelin Fasalada.

“ Banaanka imow gacmaha iska nadiifi ka dibna Fasalka ku noqo,” ayuu ku yiri Ardayda Macalin Xuseen Cali Cabdi.

Macalinka ayaa ka hadlay baahiyaha ay u qabaan in lagu caawiyo qalabka loo adeegsado ka hortaga Cudurka Corono Virus, wuxuuna ardayda ku diira geliyay in markasta gacmaha ay iska dhaqaan si ay kaga nabad galaan cudurkan dilaaga ah.

Coronavirus ayaa ku baahay inta badan caalamka, sida ay dhaqaatiirta caafimaad ay sheegeen, Coronavirus wuxuu ku dhacaa sambabbada. Calaamadaha waxay ku bilowdaan qandho, waxaa soo xiga qufac qallalan, kaas oo horseeda dhibaato dhanka neefsashada ah.