Home Blog Page 668

Madaxweyne Qoor-Qor oo hambalyo u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay lagu doortay Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee  xalay kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay.

 

Madaxweyne Kaariye ayaa u rajeeyay madaxweynaha JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud, in uu Eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo doortay, isagoona ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho taas oo soo af jartay marxaladihii kala guurka ahaa ee uu dalka soo maray.

 

Madaxweyne Axmed ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay gudigii labada aqal ee lahaa qaban qaabada doorashada madaxweynaha dalka, iyo xildhibaanada labada aqal ee gutay waajibkooda dastuuriga ah, soona doortay madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in aysan jiri doonin wax aar-goosi siyaasadeed ah.

  1. Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad kooban jeediyay kadib markii uu ku guulaystay xalay xilka madaxweynaha Somalia markale ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax aar-goosi siyaasadeed ah.

“Sidii aan habeen dhowayd ka dhawaajiyey, markii aan iclaaminayey musharaxnimadayda, iska aarsi ma jiro, [in la iska aarsado], is-daba-gal siyaasadeed ma jiro” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Madaxweynaha la doortay xalayna ku soo baxay cod aqlabiyad ah ayaa sheegay in uu dhaqan-gelin doono shuruucda iyo qawaaniinta dalka islamarkaana lala tiigsan doono cid kasta oo samaysa wax sharciga baalmarsan.

“Dalkani qawaaniin ku filan ayuu leeyahay, haddii wax isbedello ah iyo wax lagu kala aragti duwan yahay ay yimaadaan, qawaaniinta ayaan la tiigsan doonnaa ilaahay idamkii, ee qof waliba sida la qumman ma yeelayo”

Sidoo kale wuxu tilmaamay in ay jiraan xasuuso adag iyo dhibaatooyin la soo maray oo aan la hilmaami karin balse wuxu soo jeediyay in la is cafiyo.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYEY WALAALKIIS XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO LOO DOORTAY XILKA MADAXWEYNAHA JF

Madaxweynaha Xafiiska jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey walaalkiis Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay xilka Madaxweynaha dalka 4-ta sano ee soo socota.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryey Madaxweyne Xasan Sheekh in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee hortaalla, kana yeelo mid sii amba-qaada horumarka baaxadda leh ee uu ku tallaabsaday dalku.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya biseylka dimuqraadiyadeed iyo dhabar adaygga ay muujiyeen inta ay socotay doorashadu.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah halganka ay u galeen sugidda amniga doorashooyinka dalka, iyagoo habeen iyo maalinba u taagan difaaca sharafta iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba taageerada xooggan ee ay u muujiyeen isbeddel doonka socda ee uu hoggaaminayey, isagoo kula dardaarmay in ay si la mid ah u garab istaagaan Madaxweynaha la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Raisulwasaare Rooble oo u Hambalyeeyey Madaxweyne Hassan sheikh maxamuud.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Raisulwasaraha Dalka mudane Mohamed Hussein Rooble ayaa lagu yiri-Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo uu maanta doortay BFS labadiisa aqal.

Madaxweyne Xasan waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waa mahadsan yihiin xildhibaannada Soomaaliyeed oo maanta codkooda dalka uga saaray xaaladdii hubanti la’aanta ahayd.

Maanta oo ku astaysan 15-ka May, Maalinta dhallinyarada iyo gobonimo doonka Soomaaliyeed, waxaan guushan taariikhiga ah ugu hambalyeynayaa dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo aan ka codsanayo in ay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynaha la doortay si uu ugu guuleysto waajibaadka waaweyn ee hor yaalla.

Soomaaliya ha noolaato.

Xildhibaanada BFS oo caawa Doortay Madaxweyne Hassan sheikh maxamuud.

0

Doorasho xiiso badneed oo caawa ka dhacday Teendhada afisyooni  saacado badana qaadatay Ayaa waxaa ku soo baxay loona doortay Madaxweynaha Jamuuriyadda federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh maxamuud Afarta Sano Ee soo socta kaas oo dalka xukumi doona.

Madaxweyne Hassan ayaa cod aqlabiyad leh uga guulaystay madaxweynaha haatan waqtiga ka dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo, kaas oo sidaan oo kale isna xilka ugala wareegay sanadkii 2017dii.

Madaxweyne Hassan sheikh ayaa helay codad gaaraya 214 cod,halka madaxweyne hore Farmaajo uu helay isna 110 cod,Sadax cod ayaa halowday ,sida uu sheegay gudoomiyaha Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.

Hasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo u gudbay wareeg sadaxaad.

0

Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa wareega 3-aad u soo baxay laba musharrax oo kale ah.
1-Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 110
2-Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo helay 83

Tirinta codadka wareegga labaad ayaa bilaabatay

Waxaa hadda soo idlaaday wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS, asiga oo codeeyay Xildhibaankii ugu dambeeyay oo ah Hassan Sheikh Mohamud oo ka mid ah 4 musharax ee ku baratameysa wareega labaad.

Tirinta codadka wareegga labaad ayaa bilaabatay.

Ciidamada xooga dalka oo maleeshiyaadka Argagixisada al-Shabaab ka xoreeyey deegaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidanka Kumaandooska ururka 8 Aad ee guutada 18 Aad GOR GOR ee XDS ayaa Howlgal lagu baacsanayo Nabadiidka Al-shabaab ka Fuliyey Tuulooyin Hoostaga degaanka Ceelgaal ee Gobolka Hiiraan  ee maamulka Hiirdhabelle.

 

Taliyaha Guutada 18Aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor Gor XDS Gashaanle Bashiir Cabdullahi Cumar ayaa sheegay in Nabadiidka Al-shabaab laga saaray tuuloyin dhowr ah oo Hoostaga Gobolka Hiiraan kuwaas oo ay dadka shacabka ah ku dhibaateenayeen.

Ciidamada xooga dalka ayaa deeganadii ay tageen waxa ay kawadaan howlgalo ay ku baacsanayaan Argagixisada  al-Shabaab.

Musharixiinta u gudbay Wareeggii labaad ee doorashada  madaxweynaha dalka oo la shaaciyey.

Waaxaa soo gabagabowday wareeggii kobaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxaana wareegga labaad u gudbaya musharixiinta kala ah.

  • Maxamed abdullaahi farmaajo
  • Saciid Abdulahi dani
  • Hassan Ali kheire
  • Hassan sheikh Maxamuud
  • Aad ayaa loo adkeeyay amaanka , waxaana gabi ahaanba la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka,dadkuna waxa ay dhagta ku hayaan Warbaahinta maqalka iyo mida muuqaalka.

 

 

wareeggii kobaad ee doorashada oo soo gabagaboobday iyo tirinta codadka oo socta.

Waxaa lasoo gabagabeeyey wareegga Koowaad ee doorashada madaxweynaha, kadib markii ay codeeyeen 328 mudane.

Waxaa goor dhow bilaabanaya tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaannada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyaga oo u codeynaye 35 mudane.

Waxaa la tirin doonaa codadka, haddii ay dhacdo in musharrax uu keensado 219 cod isaga ayaa madaxweyne ah, haddii aaney taasi dhicinna waxaa loo gudbi doonaa wareegga Labaad ee doorashada.