Dowladda UK oo sheegtay in ay hub u diri doonto Ukraine.

Date:

MUQDISHO-JUUN-6-6-2022:-Xoghayaha gaashaandhigga ee waddanka Britain, Ben Wallace, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in UK ay tiro aan badneyd oo ah hubka laga rido gantaallada ridada dheer iyo rasaasba u diri doonto Ukraine.

 

Mr Wallace ayaa sheegay in hubkaasi uu Ukraine ka caawin doono inay iska caabbiso gardarrada Ruushka.

 

Go’aan midkaasi oo kale ah ayaa waxaa qaadatay dowladda Mareykanka, Hasayeeshee madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa wacad ku maray inuu ballaarin doono weerrarka ay ciidammadiisa ka wadaan gudaha waddanka Ukraine haddii dalalka reer Galbeedku ay Kyiv u soo diraan hubka ridada dheer.

 

Xigasho-BBC

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...