Home Blog Page 670

Ciidanka Ukraine oo weerar celis ka bilaabay goobaha qaarkood.

0

Ciidamada Ukraine ayaa Sabtidii shalay  bilaabay weerar celis, meel u dhow magaalada ay ciidanka Ruushku haystaan ee Izium ee Woqooyibari Ukraine, sida laga soo xigtay guddoomiye gobol. Ukraine ayaa doonayasa in Ruushka ay dib uga riixdo goobaha istaraatiijiga ah, ciidamadaas oo hareereeyey kuwa Ukraine ee aagga bari ee gobolka Donbas.

Ciidanka Ruushka ayaa culeyska saaraya gobolka Donbas, ka dib markii ay ku guul-darreysteen inay qabsadaan magaalada xarunta dalka ah ee Kyiv markii uu dagaalku bilowga ahaa. Hase yeeshee, Ukraine ayaa dib ula wareegtay goobo deegaankaas ku yaalla oo ay ku jirto magaalada labaad ee ugu weyn dalka ee Kharkiv.

Machadka Institutue for the Study of War oo ku yaalla magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in Ukraine “ay u muuqato inay ku guuleysatay dagaalkii Kharkiv. Waxa machadku intaas ku daray in “ciidanka Ukraine ay ka horjoogsadeen in Ruushku uu Kharkiv hareereeyo iska daaye uu iyada la wareego, ka dibna uu ciidanaka Ukraine kuwa Ruushka ka eryey magaalada, si la mid ah sidii ay uga horjoogsadeen magaalada Kyiv.”

Dagaal qaraar ayaa sidoo kale ka dhacay wabiga Seiversky Donets oo u dhow magaalada Severodonestk. Guddoomiyaha gobolka eastern Luhansk, Serhiy, Gaidai ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ayaa dib u celiyeen kuwa Ruushka ee isku dayey in ay wabiga ka soo gudbaan, magaaladana ay hareereeyaan. Hase yeehee, Oleh Zhdanov oo ah falanqeeye madaxbanaan ee arrimaha Ukraine ayaa sheegayin Ukraine ay ku guul-darreysatay in horjoogsato horumarkii uu Ruushku sameynayey.

Labadadhinac ayaa u muuqda in midkoodna aanu horumar weyn ka sameyneyn dagaalka hadda socda

Dad badan oo lagu dilay magaalada Buffalo ee Gobolka New York

0

Nin ku hubaysan qori ayaa Axada maanta ah xabbad ku furay dad ku jiray dukaan ku yaalla magaalada Buffalo, gobolka New York ee dalka Maraykanka. Ninka ayaa dilay ugu yaraan 10 qof, ka hor intii aan saldhigga loo xakayn, sida saraakiil ciidanka ka tirsani ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Associated Press.

Faahfaahinta tirada inta qof ee dukaankan oo lagu magacaabo Tops Friendly Market ku jirtay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin ayaanan wali la haynin.

Dambi-baarayaasha ayaa aaminsan in ninka dilka geystay, laga yaabo, uu si toos ah weerarka u duubayey. Dambi-baarayaasha ayaa eegaya in qorshaha weerarkiisa uu baraha bulshada ku sii shaaciyey iyo in kale. Saraakiisha ayaa sheegay in baaristu ay marxaladihii u horeeyey ku jirto, ciidankuna aanu wali caddeyn karin wixii ninka weerarka ku riixay. Hase yeeshee, ay eegayaan in toogashadu ay dhinaca isirka la xiriirto.

Dukaanka ayaa ku yaalla xaafad ay dadka madowga ahi u badan yihiin, taas oo 5km ka fog faras magaalaha Buffalo. Goobaha ku wareegsan ayaa ah goobo la deggan yahay.

 

Doorashada xilka Madaxweynaha Somalia oo Maanta dhaceysa iyo Bandow xalay ka dhaqan galay Muqdisho.

0

Waxaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda ee Maanta ah in Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho inay ka dhacdo doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartani doonaan musharrixiin dhowr ah.

Waxaa aad loo adkeeyay Amniga Guud ee Caasimadda, waxaana dhaqan galay Bandow ay kusoo rogeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyada oo Ciidamada dowladda ay hakiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo ay kujirto Mooto Bajaajt

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codeyn doona, waxaana sidoo kale Goobjoog ka noqon doona Goobta doorashada korjoogto lagu casuumay oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, waxaana Musharrixiinta Maanta ku tartami doona xilka Madaxwrynaha Soomaaliya oo gaaraya 36 lagu xusin karaa

Madaxweynaha haatan talada dalka haya,labadii maadxweyne ee isaga ka horeysay sheikh shariif sheikh ahmed iyo Hasasn sheikh masharixiin kale,

Waxaa horay isku diiwaangeliyay oo tartanka ka haray musharrixiinta kala ahaa Daahir Maxamuud Geelle, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdinaasir Cabdulle Maxamed.

Maanta aya lagu wadaa in la soo afmeero khilaaf iyo rabashado hareeyey dorashada dalka oo muddo so jiitamaysay.

Dhinaca kale musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha dalka  ayaa maanta wada qaban qabadii ugu danbeeysay doorashada.

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo caawa ka dhacay Magalaada Kismaayo.

0

Taliye kuxigeenkii Gutada 11 qaybta 43 xaad ee cidanka xoogga dalka ismaaciil sheikh isaaq ayaa u geriyooday dhawac ka soo gaaray Qarax miino oo gurigiisa ay ku xireen Argagixisada Al Shabaab waxaana lageeriyoday labo Gabdhood oo uu Awoowe u ahaa.

Waxaa sidoo kale Qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray 3 qof oo hadda xaladooda cafimaad lagula tacaalayo isbitaalka wayn ee magalada kismaayo.

Ciidamada amaanka ayaa baritaano ka wado aaga uu qaraxa uu ka dhacay ee xafada Guul wade magalada Kismaayo ee gobolka jubbada hoose.

Booliska Soomaaliya ayaa sheeciyay in la kordhiyay waqtiga uu dhaqangalayo Bandoowga.

0

Booliska Soomaaliya ayaa sheeciyay in la kordhiyay waqtiga uu dhaqangalayo Bandoowga, dadweynuhuna ay adeegan karaan Caawa illaa 1:00Am.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Xijaar oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegay in iyadoo loo damqanayo Bulshada la kordhiyay saacadda si howlahooda muhiimka ah u dhameysaan.

Sidoo kale taliyaha wuxuu xusay in aan la celin doonin Xildhibaanada heysta ID card Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka xaaladaha Caafimaad ee dagdagga ah u baahan kadib marka ay hubiyaan Ciidamada amniga.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa ku boorriyay qeybaha bulshada in ciidamada amnigu ay ku gacansiiyaan gudashada wajibaadka qaran ee loo Admaday.

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo muqdisho kawada kulamo looga hadlaayo doorashada dalka.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Magaalada Muqdisho ka wado kulamada uu la qaadanayo Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya .

Madaxweynaha KGS ayaa Caawa qaabilay Musharax Madaxweyne Mudane Saciid Cabdulaahi Dani iyo masuuliyin kale.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay Xaalada guud ee Dalka iyo Arimaha Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Qof shacab ah oo caawa lagu dilay Magalaada Baladweyn ee gobolka Hiiraan.

0

Maleeshiyaad katirsan Argagixisada Al-Shabaab Ayaa caawa xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Baledweyne ee caasimada gobolka Hiiraan waxaa ay ku dileen Nin lagu magacaabo Cabdirashiid Muxumed oo la sheegay in uu ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanadii dhawaan lagu doortay Baladweyne.

Kooxda weerarkaan fulisay oo ku hubeesnaa Bastoolado ayaa goobta iskaga baxsaday dilka kadib ,waxaana socda baritaano Arxan laa wayaashaan lagu baadi goobayo oo ay wadaan ciidamada Amniga.

DEG-DEG:Saaxiibada beesha caalamka oo baaq u diray baarlamaanka Soomaaliya .

0

Muqdisho, 14 Maajo 2022 – Iyadoo la joogo habeenka ka horreeya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa, Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka.

Waxaan ku boorinaynaa Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

DEG DEG : Dahir Geele oo tartantka doorashada Ka haray .

0

Qoraal gowrdhaw ka soo baxay mudane Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu iska haray tartanka xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

SHAACIN KA HARITAANKA TARTANKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA 10-AAD EE JFS.

Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha olohayga murashaxnimo.

Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.

Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo

Qofkii badali lahaa madaxweynaha geeriyooday ee Sheikh Khalifa oo la magacaabay.

0

Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo muddo soo ahaa dhaxal-sugaha Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Sabtida maanta ah loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dalkaasi, sida ay warisay wakaaladda wararka ee dowladda, waxaana xilkan loo dhiibay maalin ka dib markii uu dhintay madaxweynihii dalkaasi Sheikh Khalifa.

Wakaaladda wararka ee WAM ayaa warisay in Sheikh Mohamed ay doorteen Golaha Sare ee Federaalka, waxaana uu noqon doonaa hoggaamiyaha dalkan hodanka ku ah saliidda ee sanadkii 1971-kii uu aabihiis aas-aasay.

Sheikh Mohamed, oo ku magac dheer ‘MBZ’ ayaa la kulmay xubnaha Golaha Sare ee Federaalka oo ka kooban madaxda toddobada imaaradood ee dalkaasi, xilli uu dalkaasi galay baroordiiq loo sameynayo walaalkii ay isku aabaha yihiin ee Sheikh Khalifa.

Magacaabistiisa oo ahayd mid si weyn loo filayay ayaa rasmi ka dhigeysa in uu hoggaamiyo dalkan saxaraha ah ee ay ku nool yihiin toban milyan oo qof, ka dib sanado badan oo uu talinayay sababo la xiriiraa xaalad caafimaad darro uu haysay madaxweynaha geeriyooday ee Sheikh Khalifa.