Home Blog Page 670

Bulshada Xudur oo kacabanaysa ciriiriga ka jira helidda biyaha xareedda War-caday+(SAWIRRO).

0

Mootooyin iyo gaaridareemo ayaa saf ugu jira in biyo xareed ah ay ka dhaamiyaan War-caday oo ah isha keliya ee bulshada magaalada Xudur biyaha xareedda ay ka helaan.

Warta waxa biyaha banaanka uga soo saara nidaamka soolarka cadceedda ku shaqeeya iyo qalab kale ee loogu talagalay oo saacado kooban shaqeeya, mana dabooli karo baahiyaha looqabo biyaha xareedda, waana hal tubo oo ciriiri ah oo safaf dhaadheer loogu jiro sidii biyaha looga dhaansan lahaa.

Waa abaare tobanka barqanimo dadka iyo duuyada goobta taagan waxay saf dheer soo galeen lixdii aroornimo sida ay sheegeen ilaa hadana lama siideynin, sababtuna waxay tahay waxa la sugayaa inta cadceeda ka kululaanayso oo soolarada biyaha ugu shubayaan haanta.

Xuseen Xasan iyo Cabdulaahi Warsame Cali oo ah shaqaalaha gacanta ku haya maamulka  warta weyn ee War-cadey ayaa waxa ay ii cadeeyeen in ciriiri badan uu ka jiro, waxayna sabab uga dhigeen in dadka sida joogtada ah u dhaansada ay barkado ku kedsanayaan, wartana ay u baahan tahay in loo helo matoor weyn oo biyaha haanta qeybteeda sare gaarsiin kara.

Magaada Xudur waxay leedahay ceelal farabadan oo isugu jira ceel gacmeedyo iyo ceel matoor haseyeshee biyaha ceelashaan macaan ma ahan ee dhanaanka ayaa ku badan, sidaa darteed biyaha macaan ee ku jira War-caday waxa loo isticmaalaa cabdidad, cunto karinta iyo dhaqidda dharka, waxaana gudaheeda la dhigay baca biyaha keydiya, wasakhdana ka ilaalisa.

Safiirka Talyaaniga u joogay DRC oo la dilay.

0

Safiirkii Talyaaniga u joogay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Koongo ayaa lagu dilay bariga dalkaasi sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Talyaaniga.

Dilka ayaa yimid kadib markii weerar lagu qaaday kolonyo gaadiidka Qaramada Midoobay ay leedahay oo marayay magaalada Kanyamahoro.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay bariga dalka Jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Koongo, taas oo loo soo gaabiyo DRC.

Sida laga soo xigta Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Talyaaniga Danjire Luca Attanasio, ayaa markii hore dowladda Talyaaniga u qaabilsanaa madaxa howlgallada Kinshasa tan iyo 2017 balse snaadkii 2019 ayaa laga dhigay safiirka Talyaaniga u qaabilsan dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Koongo.

Wafdi ka socda Galmudug oo kormeeray dekadda magaalada Hobyo+(SAWIRRO).

0

Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Dekadda Degmada Hobyo, halkaasi oo ay ku soo xiratay Dooni Ganacsi muddo bil gudiheed ah, iyagoo kormeer indha indhayn ah ku sameeyey dhismaha dekadda Hobyo iyo qaabka wax uga dagayaan halkaasi.

Wafdigaan ayaa waxaa hor kacayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug oo ay wehlinayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, mas’uuliyiin kale iyo maamulka Degmada Hobyo.

Maareeyaha Dekadda Habyo Cabdirisaaq Maxamed Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Hobyo ayaa ku soo dhaweeyey dekadda wafdiga ka socday Galmudug, iyagoo warbixin ka siiyay howlaha ka socda dekadda magaalada Hobyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Muqtaar Cali Cismaan iyo Wasiiru dowlaha Wasiiradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka Abshir Cabdi Sheekhow ayaa sheegay in dowlad Goboleedka Galmudug ay ganacsatada u samaynayso canshuur dhaaf, si loogu dhiiri geliyo in degaankooda maalgashtaan.

Magaalada Hobyo ayaa waxaa ka socda howlo ganacsi oo maalinba maalinka ka dambeeya sii xoogaysanaysa, isla markaana ay ganacsatada Galmudug ku sii dhiiranayaan maalgashiga deegaankooda.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo ka hadashay dardar gelinta howlaha la tacaalidda COVID-19+(SAWIRRO).

0

Kulanka todobaadlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo ay maanta wadajir u shir-guddoominayeen Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Axmed Mire Cali “Faafaale” iyo Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Caafimaadka Dr. Mahad Caabi Ciise ayna ka qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiweli Maxamed Axmed, Agaasime waaxeedyada, madax qaybeedyada iyo Isku-duwayaasha Degmooyinka ayaa lagu gorfeeyay xaaladaha Caafimaad ee deegaannada Galmudug, marxaladda dib usoo laabashada COVID-19 iyo in lasii labo jibaaro howlaha Wasaaraddu ay bulshada u heyso.

Kulankan ayaa warbixinno looga dhageystay shaqaalaha kala duwan iyo madax qaybeedyada, kuwaa oo soo bandhigey warbixinada iyo xogaha la uruuriyey todobaadkan ee la xiriira bukaanada laga helay xanuunka COVID-19, tirada baaritaanada la sameeyay iyo xaaladaha rasmiga ah ee ka jira xarumaha waaweyn ee hore loogu qorsheeyay in ay qaabilaan dadka uu soo rito Xanuunka sida dhaqsida leh ku faafa ee COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sidoo kale shaacisay in 48-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan galiyey labo qof oo uu soo ritay xanuunka COVID-19, kuwaa oo baaritaanka ku marey magaalada Samareeb ee xarunta Galmudug.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu baaqday Puntland iyo Jubaland in ay kusoo biiraan shirka wadatashiga

0

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas.

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo qabatay kulan Wacyi gelinta Covid-19.

0

Kulunka Waciyigalinta Cudurka dilaaga ah ee Corona Virus ayaa maanta ka dhacey Magaalada Baydhabo waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Baydhabo.

Waxaana Kulunka Waciigalin laxariirta Covid-19 lagu siinaayey Gudoomiyaasha 10ka Xaafadood ee Magaalada Baydhabo si iyaguna ay ugaarsiiyaan Bulshada Ku nool xaafadaha ay maamulaan.

kulunka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka , Gudoomiyaha Gobolka , Saraakiil caafimaad , Gudoomiyaasha Xaafadaha iyo ururada Dhalinyarada ayaa ugu horeen Waxaa ka hadley Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Degmada Baydhabo Isxaaq Maxamed Ali (TEEGAAB) iyo Gudoomiyaha Gobolka Baay Ali Wardheere Dooyow.

Wasiirka Caafimaadka Koonfur Galbeed Maxamed Usmaan Jiidow ayaa ka qeyb_galiyaasha Kulinka Waciigalinta ah kula dar-daarmey in ay ku dadaalaan sidii Bulshada Ay ugu waciyigalin lahaayeen Yareenta iyo Ka hortaga Cudurka Covid-19.

Bishan fabuary aynu kujirno 84 baritaan oo la xariira Cudurka Coroona virus wasaaradu ay ka sameysey Magaalada Baydhabo waxaa laga heley 11 ruux.

7 xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ee Niger ayaa ku dhintay qarax.

0

Toddobo xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ee Niger ayaa ku dhintay qarax ka dhacay dalkaas sidoo kalena waxaa dhaawacmay 3 kale.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Niger, qaraxa ayaa lagula beegsaday xubnahaan gobalka Tillabri ee galbeedka dalkaas , Gobolka Tillabri oo ku yaal xadka uu Niger la wadaago dalka Maali, waxaa inta badan ka dhaca weeraro argagiso.

Weeraradii ka dhacay gobolkaas sanadkii dhamaaday waxay galaafteen nolosha in kabadan 80 ruux waxaana ku barakacay in 80,000 oo qof.

Dalka Niger shalay waxaa loo dareeray wajiga labaad ee doorashada madaxtinimada oo ay isagu soo hareen wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed Bazoum iyo madaxweynihii hore ee dalkaas Mahmaan Cismaan.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la leh Madaxda M/goboleedyada Hirshabeelle K/galbeed, Galmudug iyo QM

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo Ra’iisal wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda kulan la leh Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha Doorashooyinka dalka.

Faadumo Cali Nakruma oo Muqdisho ku geeriyootay

0

Allah u naxariistee, waxaa maanta isbitaalka De Martini ee magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanadda weyn Faadumo Cali Nakruma, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka isbitaalkaa.

Nakruma waxay kamid aheyd hoboladda qaranka ee Waaberi, waxayna u geeriyootay xanuunka COVID-19, sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta isbitaalka.

Fanaanadda qaranka Nakruma waxay muddo 20 sano ka badan ku nooleyd qurbaha dhowaan ayay go’aansatay in ay dalkeeda ku soo laabatay. Waxaa geerideeda ka tacsiyeeyay madaxda, Fanaaniin iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Allah u naxariistee, Nakruma waxay kamid aheyd gabdhaha udub dhexaadka u ahaa fanka Soomaaliyeed, iyadoo muddo dheer ku jirtay fanka.

Wasaarada caafimaadka JFS oo soo saartay xogta Karoona 48-saac ee ugu danbeysay

0

Wasaaradda Caafimaadka xukumada federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay xogta ku saabsan Karoonaha ee ugu danbeysay guud ahaan dalka

Xogtaan oo soo baxday 20th February ayaa muujineysa kiisaska cudurka ay kordheen

Tirada 48 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 1,338

o Laga Helay: 257

o Banadir:       255

o Galmudug:     1

o Hirshabelle:    1

o Lab:               183

o Dhedig:           74

o Dhimasho:      15

o Bogsashada:    0

Tirada Guud ee Laga Helay: 5,889

Bogsashada Guud: 3,757

Dhimashada Guud: 194