Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha oo caawa kulan la qaatay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaliya.

Date:

Muqdisho June, 06, 2022 – Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaliya,  Ambassador FEI Shengchao.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida dowladda China qeyb kaga qaadan lahayd gurmadka ay sida degdegga ah ugu baahan yihiin malaayiinta Soomaaliyeed ee abaaraha daran aafeeyeen iyo ka wada-shaqeynta sidii looga hor tagi lahaa in xaaladdu isku baddeshu macluul.

Danjire FEI Shengchao, ayaa Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda iyo in dowladdiisu u istaagi doonto, dardar galinta wax ka qabashada abaaraha, si loo samatabixiyo, dadka gargaarka u baahan ee abaaruhu waxyeelleeyeen.

Ugu danbeyn, Ergayga ayaa ka mahad celiyay xiriirka qaddiimiga ah ee ka dheexa labada waddan, kaasoo ah midka ugu waqtiga dheer ee dal ku yaalla Afrikada Bari la leeyahay Shiinaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...