SAWIRRO:Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo maanta la kulmay safiirka Wadanka Libya.

Date:

MUQDISHO-JUUN-6-6-2022-:Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaliya Abdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay safiirka wadanka Libya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna uqaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya.

 

 

 

Masuuliyiintaan ayaa kawada hadlay arrimaha dhaqaalaha iyo Deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Carabta ee nagu leh deynta.

 

sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Libya iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa arrimaha Gobolka .

 

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiyay labada mas’uul kulankooda, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay dalalka Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...