Home Blog Page 667

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo u hambalyeey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .

0

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu hambalyaynaysaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doorashada loo doortay madaxwaynihii tobnaad ee Soomaaliya, waxayna rajaynayaan in ay kala shaqeeyaan isaga iyo kooxdiisa si loo horumariyo arrimaha mudnaanta qaranka leh, sida nabadda, amniga iyo xasilloonida, sanadaha soo socda.

Sidoo kale waxa ay bogaadinaysaa Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ sida uu u ixtiraamay dhaqanka Soomaaliyeed ee ah in uu si deg deg ah u aqbalo natiijada doorashada, isla markaana uu u ballan qaado in uu garab istaagi doono Madaxweynaha bedelaya.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxa ay ku ammaanaysaa guddoomiyeyaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo ku-xigeennadooda, guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha iyo hawl-wadeennada xirfadlayaasha ah ee baarlamaanka, iyo sidoo kale ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (ATMIS), sida ay u xaqiijiyeen in doorashadii Axadda ay u dhacdo si habsami leh, nabad iyo ammaan ah, taas oo natiijadeeda si buuxda loo aqbalay.

DAAWO:Bulshada ku nool magaalada jowhar oo soodhaweeyey dib udoorashada Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

0

Bulshada ku nool magaalada jowhar ee caasimada gobolka  shabeelada dhexe oo soo dhaweysi dib udoorashada Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

TOOS:DAAWO Guddi loo saaray khasaaraha ka dhashay dagaalkii Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha degmada Dhuusa-mareeb Ee Caasimada oo guddiga u saaray qiimeynta khasaarahii ka dhashay dagaal dhawaan ka dhacay magaaladaasi kaas oo dhawaan.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la baaro khasaaraha dhimasho & midka dhaawac iyo midka hanTiyadeed ee ka dhashay dagaalka, isaga oo u saaray Guddi ka kooban 9 Xubnood oo laga soo kala xulay Maamulka degmada iyo Ururada Bulshada rayidka, waxaana ay kala yihiin Xubnahaas ee inta bal ka Daawo.

Madaxweynaha Jubbland iyo safiirka Kenya ee soomaaliya oo kawada hadlay dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.

0

Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoygiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowlada Kenya ee Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay tageerada Dowlada Kenya ee Soomaaliya oo ay ciidamadeedu kamid yihiin howlgalka ATMIS ee tageerada Soomaaliya iyo iskaashiga labada bulsho.

Dowladda Kenya waxaa dalkeena ka jooga ciidamo badan oo ku howlgalo magaca ATMIS kuwaas oo deeganada jubbland kawada dagaalo culus oo ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab.

 

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka soomali iyo madaxweyne Hassan sheikh maxamuud oo maanta kulmay.

Muqdisho, May 16, 2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal.

Gudoomiyaha iyo madaxweynaha ayaa ahaa kulankooda is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo maanta magaalada Nairobi ka furtay shir u dhaxeeya Wasaaraddaas iyo Bankiga aduunka.

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka H.E. Drs Fowziya Abiikar Nuur, ayaa maanta magaalada Nairobi ka furtay shir u dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka kaas oo socon doona muddo labo todobaad ah.

Ujeedada kulanka ayaa ah sidii looga wada hadli lahaa mashaariicda Caafimaadka ee uu Bankiga Aduunka ka taageerayo Soomaaliya,

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya waxay gundhigtay dhowr mashruuc oo Bangiga Aduunku taageero kuwaas oo Caafimaadka dalka muhiim ah.

Mashaariicdan ayaa gacanweyn ka geysan doonta xoojinta Nidaamka Caafimaadka iyo bixinta adeegyada caafimaadka oo ay heli doonaan malaayiin qof oo ku nool dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Wasaaradaha Caafimaadka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasinka Caafimaadka Gobolka Benadir (BRA), Qaar kamida Agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka iyo koox ka socota Bangiga Adduunka.

Maamulka degmada Gaalkacyo ee galmudug oo qabtay Dibad bax balaaran Oo Lugu Taageerayay Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Somalia Xasan Sheikh.

0

Maamulka Dowlada Hoose Ee degmada Gaalkacyo ayaa qabtay Dibad bax balaaran Oo Lugu Taageerayay Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,

Dibad baxan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobalka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo ahna Kusimaha Gudoomiyaha Eng: Maxamed Cabdi Cilmi , xildhibaano ka tirsan golaha deegaan Odayasha dhaqanka, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada,Maamulada xaafadaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,

Dhamaan kasoo qeyb galayaasha dibada baxa oo ay Masuuliyiintu ugu horeeyaan ayaa si diiran usoo dhaweeyay Madaxweyne Xasan shiikh oo soomaaliya hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Dulimaadyadii iyo dagitaanka Diyaaradaha ee Garoonka Aden cade oo saakay la fasaxay.

0

Maareeyaha Garoonka Diyaradaha Muqdisho Cabdinasir Maxamud gurey ayaa sheegay in dhamaan la lafasaxay Dulimaadka iyo dagitaanka Diyaaradaha ee Garoonka Aden cade international Airport Ee Muqdisho .

Mareeyaha garoonka ayaa sheegay maxaa yeeelay way dhamaatay Doorashadii awalba loo hakiyey iyo bandowgii muqdisho shalay saarnaa.

Waxa si caadiya u socota shaqada Iyo Dulimaadyada Garoonka Aden cade international Airport Maanta oo isniin ah.

Dowladda Ingiriiska oo hambalyo u dirtay mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

0

Dowladda Ingiriiska ayaa hambalyo u dirtay mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

“Hambalyo Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya” ayay tiri wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dowladda UK Vicky Ford.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageeridda xasiloonida Soomaaliya gaar ahaanna la-dagaallanka Al-shabaab.

“UK waxay rajeyneyaa inay sii waddo shaqada wada shaqeynta dhow ee ay Soomaalida uga taageereyso dhismaha xasilloonida iyo la dagaallanka Al-shabaab” ayay tiri wasiir Vicky Ford.

Banaanbax Lagu Taageerayo Guusha Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamuud oo Xaafada Islii Ka Dhacay.

0

Waxaa Xaafada ay Soomaalidu ku badantahay ee islii ee Magaalaada Nairobi  ee dalka Kenya ka dhacay banaanbaxyo lagu soo dhaweynayey Madaxweynaha cusub ee Somaliya Hassan Sheikh Maxamuud oo Ku Guuleystay Doorashadii Ka Dhacday xalay  Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan ayaa waxa dhigayey  Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Xaafada islii ee Magaalada Nairobi .

Dadka Banaanbaxa dhigayey ayaa u badnaa Dhalinyaro waxayna socod ku mareen wadooyinka waa weyn ee ku yaal Xaafada Islii waxayna banaanbaxayasha ay ku qeylinayeen Erayo ay ku taageerayaan Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Xassan Sheikh Maxamuud.