Home Blog Page 667

Madaxweynihii Tanzania oo geeriyooday

0

Sida uu baahiyay telefishinka qaranka Tanzania Madaxweynihii dalkaasi John Magufuli, ayaa geeriyooday.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa telefishinka ka sheegay in uu Magufuli u dhintay wadno xanuun

Madaxweynaha geeriyooday ee Tanzania ayaa mudo afar isbuuc ah la arag waxaana jiray warar soo baxay oo sheegayay in xanuunka Karoona uu la liitay taas oo ay dowladu beenisay.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN TACSI AH LA QAATAY UBADKA IYO EHELADA MADAXWEYNIHII HORE EE DALKA MARXUUM CALI MAHDI MAXAMED

0

Muqdisho, Maarso 12, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ubadka, qoyska iyo qaraabada Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo maanta aas qaran loogu sameeyey Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay ubadka, qoyska iyo qaraabada Marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo hoggaaminta Dalka.

“Geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, ma’ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimadeenna, waxa aynu weligeen ku xasuusan doonnaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.”

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo wiilasha Marxuumka Liibaan Cali Mahdi iyo Mahdi Cali Mahdi ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo Aaska Qaran ee loo sameeyey Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

MADAXWEYNIHII HORE EE DALKA MARXUUM CALI MAHDI MAXAMED OO AAS-QARAN LOOGU SAMEEYEY MUQDISHO

0

 

Muqdisho, Maarso 12, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo Aas-Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Diyaaraddii sidday Maydka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Mahdi Maxamed waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Mudaneyaal ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Culimada Soomaaliyeed, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasaaradda haweenka Soomaaliya oo maanta xustay 8 Maarso +Sawirro

0

Xuska maalinta caalamiga ah ee sideedda Maarso ayaa maanta looga dabaal degay meelo badan oo caalamka iyo Soomaaliya kamid ah, munaasabad maalintaas lagu weynaynayay oo Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Insaanka XFS.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka ahna ku simaha wasiirka, wasiir ku xigeenka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ururada haweenka, hal-doorka dumarka ee u ololeeyay xaqiijinta qoonddada dumarka ee 30% iyo marti sharaf kale.

Hal ku dhegga sanadkan ee xuska maalinta 8 Maarso ayaa ah, hogaamiyeyaasha haweenka waa in ay ku guuleystaan mustaqbal loo siman yahay iyadoo dunida la dagaalamayso cudurka COVID-19.

Mas’uuliyiintii ka qeybgashay xuska maalinta caalamiga ah ee sideedda Maarso ayaa waxay u hambalyeeyeen haweenka Soomaaliyeed ayagoo si gaar ah carrabka ugu adkeeyay ilaalinta qoonddada dumarka ee 30% ee baarlamaanka federaalka ku leeyihiin, sidoo kale waxaa laga hadlay wacyigelinta safmarka coronavirus.

Qasaaraha qaraxyadii ka dhacay dalka Equatorial Guinea oo kordhay

0

Madaxweyne ku xigeenka dalka Equatorial Guinea ayaa sheegay in uu kordhay qasaaraha qaraxyo maalinkii Axada ka dhacay magaalada Bata.

Tirada dhimashada ayaa iminka gaartay 98 halka dhaawacana uu yahay 615.

Meydad badan ayaa laga soo hoos bixiyay guryaha dumay halka qaar ka mid ah dhaawacyadii cuslaa ay isbitaalada ku dhinteen.

Qaraxan oo la sheegay in uu ka dhashay baaruud halis badan oo taalay baqaar ciidanku leeyihiin ayaa gilgilay Magaalada Bata.

Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa qaraxyo ka dhacay dalka Equatorial Guinea

0

 

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay 420 kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo culus oo galabtii Axada gilgilay magaalada Bata ee dalka Equatorial Guinea .

Wasaarada caafimaadka ee dalkaasi ayaa sheegtay in qasaaruhu badan karo maadaama ay jiraan dad qaba dhaawacyo halis ah

Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay baaruud halis ah oo la dayacay taas oo taalay xero ciidan oo magaalada ku taalay

Qaraxyada oo cuslaa ayaa geystay bur bur xoog leh oo gaaray guryaha ku yaalay aaga xerada ciidamada.

Isbitaalada magaalada Bata ayaa buuxsamay waxaana soconaya gurmad xoog leh

Qaraxyo qasaaro geystay oo ka dhacay dalka Equatorial Guinea

0

Inta la og yahay 300 qof ayaa ku dhaawacantay dadka kale oo aan wali la cayimin tiradooda waa ay ku dhinteen qaraxyo ka dhacay magaalada Bata

Dadka magaalada ayaa sheegay in qaraxyada oo ahaa afar isxigay ay ka dhaceen meel u dhow xero ciidan oo ku taala magaalada .

Qiic ayaa cirka isku shareeray waxaana la arkayay waxaana aad u burburay guryo badan oo ku yaala halka qaraxu ka dhacay

Sababta qaraxa wali lama sheegin waxaana safaaradaha shisheeye ay muwaadiniintooda u sheegeen in aanay guryaha ka bixin

Gudoomiyaha baarlamaanka Carabta oo canbaareeyay qaraxii argagaxisada ee jimcihii ka dhacay Muqdisho.

0

Gudoomiyaha baarlamaanka jaamacada carabta Adel bin Abdulrahman Al-Asoumi ayaa si kulul u canbaareeyay qaraxii argagaxisadu ku laayeen dad shacab ah oo maqaayad ku sugnaa jimcihii aynu soo dhaafnay kaas oo ka dhacay degmada Xamar jajab ee gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha wuxuu adkeeyay hiilka iyo isgarab taaga buuxa oo baarlamaanka carabtu u hayo jamhuuriyada federaalka ee soomaaliya uuna taageersan yahay dadaalada ay wado ee argagaxisada lagula dagaalamayo.

Gudoomiyaha wuxuu ku nuux nuuxsaday diidmadiisa adag ee ka dhanka ah dhamaan falalka lala beegsanayo rayidka kuwaas oo ka hor imaanaya dhamaan qawaaniinta  caalamiga ah islamarkaana halis ku ah amaanka iyo xasiloonida.

Ugu danbeyntii wuxuu gudoomiyaha uga tacsiyeeyay madaxda dowlada Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa wuxuuna soo ka basho dhaqso leh u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay

Beesha caalamka oo soo dhoweeyay Wada-hadalka Mira dhalay ee Madaxda Siyaasadda.

0

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF in ay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay Maleeshiyaad Al-Shabaab ka tirsan.

0

Howlgalkani oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ka fuliyeen deegaanka Gamboole oo qiyaastii 48 kiilo mitir ujira magaalada jowhar ee xarunta doowlad goboleed Hirshabeele.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayay kumaandooska ku dileen ku dhowaad 10 maleeshiyaad ah tiro intaasi ka badana weey dhaawaceen, sidoo kale ciidanka waxeey soo qabteen hub iyo saanadkale oo ciidan, Sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Kusimaha Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska xoogga dalka Danab ahna taliyaha ururka 7-aad ee guutada 16-aad Dhamme Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure)

Howlgalka oo ay fuliyeen ururka 7-aad ee guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ayaa yimid kadib markii ay ka war heleen in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay deegaanka as Gamboole ku dhibaateeynayaan.

Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka ayaa maalmihii ugu dambeey gobolka shabeelaha dhexe kawaday howlgalo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.