Hindiya oo cadho diplomaasiyadeed la kulantay ka dib aflagaadadii loo geystay Islaamka

Date:

MUQDISHO-JUUN 7-6-2022-:Dawladda Hindiya ayaa la baaxaa degaysa sidii ay u xakameyn lahayd cadhada diplomaasiyadeed ee ka imanaysa dalalka Islaamka taas oo ka dhalatay hadallo aflagaado xambaarsanaa oo laga sheegay diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, taas oo ay ku kaceen laba sarkaan oo ka tirsan xisbiga talada dalkaas haya ee Hindu nationalist Bharatiya Janata Party ee loosoo gaabiyo BJP.

Sucuudi Careebiya, Kuwait, Qatar, Cumaan, Isutagga Imaaraadka Carabta, Iran iyo Pakistan ayaa diiwaangeliyay mudaaharaadyo looga soo horjeedo hadaladii deel-qaafka ahaa ee ka soo yeedhay afhayeenka xisbiga qaran ee BJP intii lagu guda jiray dood si toosa loogala socday telefishanada dalkaas.

Dhawr ka mid ah wadamadan ayaa u yeedhay safiirrada Hindiya u fadhiya dalalkooda, si ay u cambaareeyaan hadalada deelqaafka ah ee ka soo yeedhay masuuliyiinta dalka Hindiya. Wadamada Islaamka ayaa hadalladaas deelqaafka ah ku tilmaamay inay salka ku hayaan Islaam nacayb. Dalka Qatar ayaa Hindiya ka dalbaday inuu raalligelin buuxda bixiyo.

Dhacdadan ayaa weji gabax ku noqotay, wefti ka socda dawladda Hindiya oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyo ganacsato kala duwan oo safar ku jooga dalka Qatar.

Sucuudiga ayaa isaguna si adag arrintan uga horyimi, isaga oo ku tilmaamay inuu si adag u diidayo nooc kasta oo nacayb ah oo ka dhan ah diinta Islaamka. Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ee loosoo gaabiyo OIC ayaa isna sheegay in dhacdadani ay ku soo beegmayso, xilli ay dalkaas ka jiraan nacayb iyo falal xadgudub ah oo lagula kaco diinta Islaamka iyo muslimiinta ku nool dalka Hindiya. Waxaana ururku uu tusaale u soo qaatay in gobollo badan oo dalkaas ka mid ahi inay mamnuuceen xijaabka iyo khimaarka ay haweenku madaxa ku asturtaan, halka marar kala duwanna falal gacan ka hadal ah lala beegsaday muslimiinta dalkaas.

Dawladda Hindiya ayaa si adag uga hortimi bayaanka ka soo baxay ururka Iskaashiga wadamada Islaamka, iyaga oo warbixintiisa ku sheegay inay tahay marin-habaabin. Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Hindiya ayaa sheegtay in dawladdoodu ay ixtiraamka ugu sarreeya ay siiso dhammaan diimaha dalkaas laga aaminsan yahay.

 

Qoraalka ay soo saareen dawladda Hindiya ayay ku sheegeen in faallooyinka ay bixiyeen shakhsiyaad gaar ahi oo lagu weerarayo diinta Islaamka iyo wararka lagu baahiyo barta Twitterku inaanay marna ka tarjumaynin mowqifka dhabta ah ee dawladda Hindiya.

 

Dawladda Hindiya ayaa sheegtay inay shaqada ka joojisay Nupur Sharma oo ahaa afhayeenka xisbiga talada haya, halka Naveen Jindal oo ahaa madaxa warbaahinta ee xisbigaas shaqada laga eryey. Labadan masuul ayaa ahaa kuwa bixiyey faallooyinka lagu aflagaadeeyey diinta Islaamka iyo nebi Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

XIGASHO VOA:

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...