Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa Xafiiskiisa Aqalka Sare ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta anisxiyey Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo loo magacaabay Mahad Maxamed Salaad.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka kaas oo loo magacaabay Mudane Mahad Maxamed Salaad.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.
Allaha u naxariistee Ex Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo maanta ku geeriyootay dalka Hindiya
Allaha u naxariistee Ex Senator Jawaahir Axmed Cilmi ayaa maanta ku geeriyootay dalka Hindiya, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku xanuunsaneed, sida ay ehelladeedu u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka.
Taliska ciidanka Booliiska Magaalada Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay Kooxo burcad ah.
Taliska ciidanka booliiska dagmada Gaalkacyo ayaa faah- faahin ka bixiyay howlgalo lagu sugayay amniga oo ay ka sameeyeen Magaladaas sadaxdii maalmood ee u danbeysay.
Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha ee Soomaaliya oo la kulmay Isu-duwaha Koonfurta Soomaaliya ee dalladda isku tagga hay’addaha aan dowliga aheyn iyo Guddoomiyaha Hay’adda Tadaamun ee arrimaha samafalka.
Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha ee Soomaaliya ayaa la kulmay Isu-duwaha Koonfurta Soomaaliya ee dalladda isku tagga hay’addaha aan dowliga aheyn iyo Guddoomiyaha Hay’adda Tadaamun ee arrimaha samafalka.
Xubnahaan ayaa Ergayga gaarka la wadaagay warbixinno la xariira xaaladda abaaraha ee dalka, iyagoo dhinaca kale sheegay in ay muhiim tahay wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn.
Ugu dambeyn, Ergayga ayaa u mahadceliyay xubnahaan, isagoo dhinaca kale boorriyay in ay wadashaqeyn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha.

SAWIRRO:Ra’iisulWasaare Rooble oo maanta goobjoog ka noqday munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar.
Ergayga Gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada iyo gurmadka abaaraha oo sheegay in abaarta dalka ka jirta ay saameysay 6.9 milyan oo Ruux.
Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada iyo gurmadka abaaraha Mudane Xildhibaan Abdiraxmaan Abdi Shakuur ayaa soo saaray warbixinta guud ee waxyeellada abaaraha iyo tirada dadka la saadaaliyay inay saameyn ku yeelato Abaaraha dalka jira qeybo badan oo kamid ah.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo sheegtay inay magaalada Muqdisho geysay 286,650 tallaalka Pfizer ee loogu talo galay xanuunka COVID-19.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho geysay 286,650 tallaalka Pfizer ee loogu talo galay xanuunka COVID-19.
SAWIRRO:Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal oo laamaha Amniga ugu Baaqay Adkeynta Amnig Magaalada garoowe.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal Ee Maamulka Puntland Hussein Cali Maxamuud Ayaa maanta Shir Gudoomiyay Shirka Sarakiisha Amniga Gobolka Nugaal.
