Home Blog Page 653

Xeer illaalinta Qaranka oo soo geba gabeysay baarista Gal dac-wadeedka Hay’adda SAHAN RESEARCH.

0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo gabo-gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka Hay’adda SAHAN RESEARCH oo dowladda Soomaaliya horay uga mamnuucday inay Dalka ka shaqayso.

Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in ay dacwadda hay’addaan dhawaan ay u gudbin-doonan Maxkamadda gobolka Banaadir si ay u qaado tallaabooyinka ku habboon ee sharciga ah.

SAHAN oo dowladda Soomaaliya ay horay  ugu eedaysay fal danbiyeedyada liddi ku ah qaranimadda Soomaaliya, faragalinta siyaasadda dolwadda Curyaaminta haylkalka dowladdnimo, faafinta siraha amniga dalka iyo qodobo kale waxaa iska leh Matt Bryden oo mar madax ka so noqday kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Gudiga xaaladaha deg dega ee dalka UK ee Cobra oo maanta yeelanayo kulan gaar ah oo diirada lagu saarayo nooc cusub oo ka mid ah karoonaha oo dalkaasi laga helay..

0

Gudiga xaaladaha deg dega ee dalka UK kaas oo loo yaqaan Cobra oo uu hogaamiyo ra’isulwasaaraha ayaa yeelanaya maanta oo isniin ah kulan gaar ah oo diirada lagu saarayo nooc cusub oo ka mid ah karoonaha oo UK laga helay.

Feyraskan oo si lixaad leh ku faafaya ayaa sababay in la soo saaro xayiraado kale oo hor leh

Gudiga Cobra ayaa waxaa horyaala arimo ay mid yihiin qaabka faafida cudurka looga hortagayo iyo sida loo wajahayo wadamo badan oo mamnuucay duulimaadka UK ka imaanaya.

Dalka faransiiska ayaa xiray surinka biyaha English Chanel oo ay isaga gooshaan maraakiibta iyo doonyaha sida gaadiidka xamuulka .

Faransiisku waxay sheegeen in ay hakiyeen gaadiidka UK ka imaanaya 48 saac

Sidoo kale waxaa joogsaday tareenka dheereeya ee bada gunteeda hoose mara ee Eurostar kaas oo isku xira Yurub iyo UK.

Weerar gantaalo loo adeegsaday oo lagu qaaday safaarada Mareykanka ee Ciraaq

0

Weerar gantaalo ah ayaa lagu qaaday safaarada mareykanka ee ku taala magaalada Baqdad ee xarunta dalka Ciraaq.

Warbixin ay soo saareen ciidanka ciraaq ayaa lagu sheegay in sideed gantaal lagu riday safaarada oo ku taala aaga cagaaran ee sida aadka ah loo ilaaliyo .

Safaarada mareykanka ee ciraaq ayaa xaqiijisay iyaduna weerarka waxay sheegtay in la howl galiyay hanaanka difaaca ee gantaalada hawada ku burburiya kaas oo safaarada ku yaal.

Majiraan wax qasaaro ah marka laga reebo bubur yar oo gaaray qeybo ka mid ah dhismaha sida safaaradu sheegtay.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo bisha soo socota iraaniyiinta iyo qolyaha la jaalka ah ee ciraaq ku sugan ay xusayaan sanad guurada koowaad ee dilka sarkaalkii reer Iran Qassem Soleimani kaas oo 3 Janaayo ee sanadkan lagu dilay Ciraaq

Belgium iyo Holand oo COVID-19 dartiis u mamnuucay duulimaadka ka imaanaya UK

0

Tiro kamid ah dalalka Midowga Yurub ayaa ka fekireya sidii xariyaad u saari lahaayeen dadka uga imaanaya dalka UK si looga hor tago faafitaanka cudurka coronavirus.

Dalalka Holand iyo Belgium waxay joojiyeen duulimaadyada uga imaanaya dalka UK, sidoo kale Belgium waxaa laga xayiray tareenada.

Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Luigi Di Maio ayaa sheegay in xukuumaddiisu joojisay duulimaadyada, iyadoo dalalka France, Jarmalka iyo Ireland talaabo  taas lamid ah qaadeen si loo xakameeyo mowjadaha cusub ee safmarka corona.

Cudurka ayaa si deg deg ah ugu baahaya magaalada London iyo koofur bari gobolka England, ra’iisul wasaare Boris Johnson ayaa sabtidii soo saaray xayiraad affar heer ah taas oo loogu hor tagayo faafitaanka cudurka inta lagu jiro ciidda Masiixiga.

Ciyaartii furitaanka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo lagu kala adkaan waayay+(SAWIRRO).

0

Ciyaaraha kubadda cagta dowlad goboleedyada ee gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmiya uga furmay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana lagu daah furay cayaartooyda u kala ciyaaraya  Galmudug iyo Banaadir.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaraha Soomaaliya, mudane Xamse Saciid Xamse, ayaa daah furay tartanka waxaana ku wehliyay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta, Cabdiqani Siciid Carab iyo qaar ka mida wasiirada maamul goboleedyada ee ciyaaraha.

Ciyaartii galabta dhex martay labada maamul goboleed ayaa waxay ku soo idlaatay bar-baro 2-2 ah.

Dhalinyaro araga naafo ka ah oo qalab soo saartay+(SAWIRRO).

0

Dhalinyarada araga naafada ka ah ee wax ka barta  jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay xafiis wax loogu qabanayo  baahiyaha haysta dhalinyarada arag  la’aanta ah  iyo qalab loogu tala galay in uu u fududeeyo  dhalinyaradaasi baahiyaha gaarka qaba waxbarashada ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho

Dhalinyaradan oo si iskood ah isu xilqaamay ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan horumarinta iyo dhiira galinta dadka araga naafada ka ah ee iyo sidii ay ugu maarmi lahaayeen dawirsiga ayna u heli lahaayeen  Shaqooyinka ay helaan dhalinyada kale ee asaagooda ah wxa ayna ka codsadeen ganacsatada iyo dowladda federaalka Soomaaliya in la caawiyo .

Qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa  usoo jeediyay dadka araga naafada ka ah ee ku jira guryaha in la geeyo goobaha waxbarashada

Gudoomiyaha Uruka dhalinyarada araga naafada Soomalaiyeed Ibrahim Maxamed Cali ayaa ka warbixiyay baahiyaha ay qabaan dadka arag la,aanta ah.

Agaasimaha waaxda naafada maamulka Gobolka Banaadir Axmed  Xasan Warsame  ayaa sheegay in waaxda naafada Gobolka Banaadir ay wado dadaalo lagu hormarinayo naafada Soomalaiyeed.

Ciidanka Itoobiya oo helay shidaal badan oo TPLF ay ka carartay.

0

Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in ay heleen keyd shidaal oo gaaraya200,000 oo liitar kaas oo yaalay duleedka magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.

Haamaha keydka oo dhulka lagu aasay ayaa ciidanka Itoobiya sheegeen in ay la haayeen kooxda TPLF.

Captain Yohannes Matewos  oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in 13 haan la helay kuwaas oo uu sheegay in ay horseeday xog dadka deegaanka ay ciidanka siiyeen.

Haamaha ayuu sheegay in laga buuxiyay shidaal ay TPLF ka qaadatay xeryaha ciidanka iyo mid ay xadeen.

Qarax bam gacmeed oo khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay Adis Ababa.

0

Ilaa sadex qof ayaa ku dhimatay, halka shan kale ku dhaawcmeen qarax ka dhacay badhtamaha Addis Ababa, sida lagu faafiyay wakalada wararka ee ENA, Bam lagaga tagay goob kamid ah aagga Lideta ayaa qaraxa sababay.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ahaayeen dad dan-yar ah oo darbi jiif ah

Ciidamada amaanka ayaa bilaabay baarista qaraxa oo cidna ayna masuuliyadiisa sheegan.

Ciidamada amaanka ayaa horay u sheegay in la qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa intii uu socday dagaalkii ka dhanka ahaa TPLF laakiin lama hubo in qaraxa maanta dhacay la xiriiro gulufkii gobolka Tigreega.

Boolisku waxay sheegeen in ay baarayaan sababta qaraxa ka dambeesay .

Dowlada Talyaaniga oo agab iyo daawo u soo dirtay dadkii ay saameesay duufaantii GATI.

0

Diyaarad siday gargaar loogu talo galay dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay duufaantii GATI ayaa maanta gaartay magaalada Boosaaso .

Deeqdan oo ka timi dowlada Talyaaniga ayaa waxaa garoonka Boosaaso geeyay diyaarad xamuul oo weyn.

Shixnadaan ayaa ka kooban, agabka wax lagu cuno, daawo iyo waxyaabo kale oo duruuri ah Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan (Dhabancad) ayaa sheegay in ay dowlada Talyaaniga uga mahadcelinayaan kaalmada ay soo gaarsiisay .

Wasiirku wuxuu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo gaarsiin lahaa dadka mudan ee baahida daran u qaba kaalmadan.

Wasaaradda waxbarashada oo tababar u furtay mcalimiin ka kala socotay Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

0

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Macallimiinta ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta ee XFS, mudane Axmed Muuse Xoosh ayaa Maanta waxa uu  tababar lagu tababarayo, tababarayaal  ka socday Maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Bnaadir ka furay Magaalada Muqdisho.

Tababarkaan ayaa kor loogu qaadayaa tayada aqooneed ee tababarayaasha kaasi oo ku saab-san barashada Phschosocial support wuxuuna socon doonaa  muddo 3 maalmood ah.

Agaasimaha waaxda horumarinta macallimiinta mudane Axmed Muuse Xoosh ayaa soo dhaweeyey ka qeybgalayaasha wuxuuna u rajeyaya inay ka faa’iideystaan tababrkaana islamarkaana wixii ay ka faa’iideystaana ay u gudbiyaan bulshadii ay ka soo tageen.