Ciidanka Booliska Maamul goboleedka Jubbaland qaybta gobolka Jubada Hoose ayaa warbaahinta u soo Bandhigay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur oo Aalada TikTok ka sheegay in magaalada Kismaayo uu ku nool yahay nin gabadhiisa qaba oo waliba Caruur ka dhalay,arintaas oo markii Ciidanka Booliska Jubbaland baaritaan ku sameeyeen noqotay mid aan waxba ka jirin.
Wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga oo 15 sano ka dib, booqasho rasmi ah ku tegey Israel.
QUDUS — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa Arbacadii booqasho ku tegey Israa’iil, taasoo qayb ka ah dadaallada la doonayo in lagu hagaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya dalka Turkiga iyo Israa’iil, kaas oo ay saamayn weyn ku yeelatay, taageerada xooggan ee dalka Turkigu uu u muujiyo qadiyadda Falastiiniyiinta.
Madaxweynaha JFS iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo kawada hadlay iskaashiga labada dal.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony J. Blinken iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wada hadlay khadka isgaadhsiinta, iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanku uu hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo caawa Qaabilay Danjiraha dalka Taliyaaniga Amb Alberto Vecchi.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa waxay kulan muhiim ah la qaateen danjiraha dalka Taliyaaniga Amb. Alberto Vecchi.
SAWIRRO:Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya oo la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha.
Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bin-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya Mudane Xildhibaan Abdirahmaan Abdi Shakuur ayaa la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha.
Gudoomiye Sheikh Aadan madoobe oo maanta la kulmay wafdi ay hoggaaminayso u qaabilsanaha Midowga Yurub arrimaha geeska Africa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaaminayso u qaabilsanaha Midowga Yurub arrimaha geeska Africa (EUSR) marwo Annette Weber oo ay wehlineysay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya marwo Tiina Intelmann.
Ciidanka GORGOR oo gobolka shabeelada hoose deegaano kamid ah ku gubay Doomo ay isticmaali jireen Argagixisada Al-Shabaab .
Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee GORGOR, gaar ahaan ururka 7-aad, guutada 18-aad ayaa tuulooyinka Tawakal iyo Balow oo deegaanka Bariire hoostaga ka fuliyay, Howlgal ka dhan ah Nabad-diidka Argagixisada Al-Shabaab oo ay ku baacsanayeen horjoogaha Tuulooyinkaas ugu magacaaban Kooxda Argagixisada.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QAABILAY ERGEYGA GAARKA AH EE MIDOWGA YURUB U QAABILLASAN GEESKA AFRIKA.
Muqdisho, May 25, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.
Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida oo waaran soo qabasho ah u jartey Saraakiil ka qayb qaatay weerarkii Dhuusamareeb ay kusoo qaaday kooxda Ahlusunna.
Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybtayda Galmudug ayaa waaran soo qabasho ah u jartey Saraakiisha hoos ku xusan oo ka qayb qaatay weerarkii Dhuusamareeb ay kusoo qaaday kooxda Ahlusunna tudabaadyo ka hor.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabilsanaha Midowga Yurub arrimaha geeska Africa.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabilsanaha Midowga Yurub arrimaha geeska (EUSR) Marwo Annette Wamber oo ay wehlinaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann iyo xubno kale.
