Wariyaal ku dhaawacmay qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Baladweyne

Date:

MUQDISHO-JUUN-27-6-2022-:Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah agaasimaha Idaacadda maamulka HirShabeelle ee Gobolka Hiiraan iyo Weriye Cabdikariin Shabeelow oo ka mid shaqaalaha Telefishinka HirShabeelle ayaa saakay lagu dhaawacay qarax miino oo ay la beegsatay argagixisada Al-Shabaab.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, ayaa haleelay gaari ay la socdeen weriyaashaan, xilli uu marayey deegaan lagu magacaabo Qabno oo hoos tagta degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale weriyashaan waxay la socdeen kolonyo gaadiid ah oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, waxaana dhawaacyadooda loo qaaday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, si loo saaro diyaarad Muqdisho u qaada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...