Xarunta gobolka Mudug ee galmudug oo dib u dayactir lagu sameeyey

Date:

Muqdisho-Juun-26-6-2022:Munaasabadan oo Daah fur u ahayd Dayactirka iyo Dib u hagaajinta Xarunta Maamulka Gobolka Mudug Ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha labada Golle dowladda Galmudug, Maamulka Gobolka, Kan Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha laamaha amiga, iskuduwayaasha Wasaaradaha ee Gobolkaan, madaxda ururada Bulshada iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Axmed Maxamed Shire Qoodaar oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegey in xarunta Maamulka Gobolka ay noqon doonto mid si toos ah u furan isla markaana loogu adeego bulshada.

Odoyaal, Qaar ka mida Madaxda ururada Bulshada iyo xubno matalayaal ah ayaa Soo dhaweeyey Dib u habaynta Xarunta iyo Qorshaha u adeegisga Bulshada ee uu balan qaaday Maamulka Gobolku.

Sidoo kale munaasabadda waxaa Hadalo kala duwan ka Jeediyay duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Sheikh Xassan, Xildhibaan Maxamed Calool-geel iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda maxamuud Gure Guleed.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Hussein Shire bukhaari ayaa tilmaamay in abaar baahsan ay ka jirto degaanada Gobolka gaar ahaan dhinacyada bariga, Koonfur iyo waqooyi bari isla markaana loo baahan yahay in loo gurmado dadkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...