Xarunta gobolka Mudug ee galmudug oo dib u dayactir lagu sameeyey

Date:

Muqdisho-Juun-26-6-2022:Munaasabadan oo Daah fur u ahayd Dayactirka iyo Dib u hagaajinta Xarunta Maamulka Gobolka Mudug Ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha labada Golle dowladda Galmudug, Maamulka Gobolka, Kan Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha laamaha amiga, iskuduwayaasha Wasaaradaha ee Gobolkaan, madaxda ururada Bulshada iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Axmed Maxamed Shire Qoodaar oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegey in xarunta Maamulka Gobolka ay noqon doonto mid si toos ah u furan isla markaana loogu adeego bulshada.

Odoyaal, Qaar ka mida Madaxda ururada Bulshada iyo xubno matalayaal ah ayaa Soo dhaweeyey Dib u habaynta Xarunta iyo Qorshaha u adeegisga Bulshada ee uu balan qaaday Maamulka Gobolku.

Sidoo kale munaasabadda waxaa Hadalo kala duwan ka Jeediyay duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Sheikh Xassan, Xildhibaan Maxamed Calool-geel iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda maxamuud Gure Guleed.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Hussein Shire bukhaari ayaa tilmaamay in abaar baahsan ay ka jirto degaanada Gobolka gaar ahaan dhinacyada bariga, Koonfur iyo waqooyi bari isla markaana loo baahan yahay in loo gurmado dadkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....