Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo dhaweeyay wafdi ka scoday xafsiika WHO ee Bariga iyo Bartamaha (EMRO)

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasimayasha waaxaha Wasaaradda ayaa soo dhaweeyay wafdi ka scoday xafsiika WHO ee Bariga iyo Bartamaha (EMRO).

Wafdiga yaa u yimid Iskaashi labada dhinac ay ka yeelanayaan Arimaha Horumarinta hanaanka Isticmaalka Xogta Caafimaadka qaranka iyadoo lagu salaynayo u isticmaalka cilmi baarista iyo xoojinta dadaaladda lagu horumarinayo siyaasaddaha iyo Nidaamka Macluumaadka Caafimaadka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim ayaa warbixin kooban ka jeediyay kulanka taasoo la xariirta heerka Adeega Caafimaadka dalka ka jira iyo qorshayaasha Wasaaradda horyaala ee u baahan in la iska kaashado si loo hormariyo Nidaamka Xogta Caafimaadka Dalka, isagoo dhanka kalana ka warbixiyay dhibaatooyinka Caafimaad ee ka dhalan kara abaaraha ka jira dalka kuwaas oo saamayn xoogan ku yeeshay bulshada ku nool meelaha ay ka jiraan abaaraha xoogan kuwaas oo u nugul in ay loo soo daristo xaalado Caafimaad xumo.

Dhanka kale, Wafdiga ayaa kulamo wadatashi iyo xog-wadaag ah oo ku aadan heerka horumarineed ee siyaasadda iyo tayada Nidaamka Xogta Caafimaadka laqaatay qaar kamida farsamayaqaanada Xogta Caafimaadka, Sidoo kalana tala ka kabixindoona xoojinta nidaamka & maamulida xogta Caafimaadka guud ee Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...