Madaxweynaha Hiirshabelle oo amray in dhawacyada wariyaasha qaraxii Hiiraan ka dhacay loo soo qaado Muqdisho.

Date:

Muqdisho-Juun-27-20222-:Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa qadka telefanka kula xiriiray wariyeyaashii ku dhaawacmay qarixii saakay ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa mid mid ula hadlay labada Wariye ee kala ah Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeelow waxa uu u muujiyay sida uu ula dareemaayo xanuunka dhaawacyada soogaaray.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha amray in la soo qaado Saxafiyiinta ku dhaawacmay qaraxaasi madaama maanta lagu sii dabiibayay cusbitaalka Istarliin ee Degmada Guriceel.

Mudane Cali Cabdullahi Xuseen ayaa u balan qaaday labada Saxafi in uu si dhaw ula socan doono Xaaladooda Caafimaad oo hada soo hagaageyso.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ilaah ugu baryay in rabi caafimaad deg deg ah siiyo .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray...