Home Blog Page 651

Saddex ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay  degmada Waaberi

0

Xaafadda Buundo 1-aad ee degmada Waaberi saddex qof ayaa ku nafwaayay qofkalana waa ku dhaawacmay kaddib markii uu xakamaha (fariin) goostay Gaari nuuca daabulaha Ardayda ah.

Gaariga oo kasoo fariin goostay dalcadda dhanka wadada dabka ayaa dulmaray qaar kamid ah dadkii ku sugnaa wadada hareeraheeda waxa uuna ugu dambeyn gudaha u galay guri ay ku noolaayeen dad shacab ah.

Dad ku sugnaa goobta shilka ka dhacay ayaa noosheegay in ay arkeen dhimashada ilaa saddex ruux iyo dhaawaca qof kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo kulan layeeshay Madaxda Hya’adda Save the Children “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr. Abdinasir Mukhtar Ibrahim ayaa maantay kulan isgu jira Isbarasho iyo Xog-isweydaarsi layeeshay Madaxda Hya’adda Save the Children.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay Arrimaha iskaashiga iyo xoojinta adeegyada Caafimaad ee ay taageerto Hay’adda Save the Children, gaar ahaan adeega caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka kaasoo ay in mudda ah kawda shqeynayeen labada dhinac. Hay’adda save the Children ayaa Balanqaaday inay xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay Wasaaradda Caafimaadka.

Agaasimahaa Guud ayaa ugu dambeyntii uga mahadceliyay Hay’adda Save the Children wada shaqeynta dhaw ee ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka.

 

Guddigii loo saaray baaritaanka dhacdadii Golweyn oo la kulmay Taliska ciidamada AMISOM

0

Guddigii Wasiirada ee uu Ra’iisul Wasaaraha XFS u xilsaaray baarista falkii ciidamo ka tirsan AMISOM ay ku dileen 7 ruux oo shacan deegaanka Golweyn ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Uganda uqaabilsan Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Guddigaan oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Gashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Amniga Guddaha Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale iyo wasiirka cadaalada Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa waxa ay kulamo hor dhac ah la qaateen saraakiisha Ciidmaada AMISON iyo safiirka si loo gudda galo barista dil wadareedka ciidamo ka tirsan ay ugeysteen dad shacab ah.

Kulanka sidoo kale waxaa qeyb-ka ahaa xoghaya joogtada xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale.

Ciidamada ka tirsan kuwa howl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxa ay 10-kii Ogosto ee bishaan deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen ilaa iyo todobo ruux oo shacab ah waxaana ehelada dadkaasi ay dowladda Federaalka ka codsadeen in cadaalada la horkeeno askartii ka dambeysay falkaasi

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyay qodobadii maanta ay kala hadleen .

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo arrinkaasi ka jawaabaya ayaa waxa uu shalay kulan ku saabsanaa falkaasi xafiiska kula yeeshay Safiirka dowladda Uganda ufadhiya waxaana intaasi kadib Ra’iisul wasaare Rooble umagacaabay guddi Wasiiro ah oo ariinkaan si dhab ah ubaara si ehelada Marxuumiinta ay cadaalad uhelaan.

Cayaar kubadda cagta ah oo lagu kala yaacay kadib markii garsoorihii la soo baxay bastoolad

0

Cayaartaan oo ka dhaceysay wadanka Honduras, ayaa garsoorihii ciyaartu la soo baxay bastoolad, markii taageeroyaal ka carooday rigoore uu diiday ay ku soo yaaceen garoonka.

Sida ay soo xigatay Jariidadda The Sun, goobjoogayaal ayaa sheegaya in la arkayey garsooraha oo ay ku hareereysanyihiin taageerayaal careysan iyo  asaga oo bastoolada hadba koox kula jeesanaya bartamaha garoonka dhexdiisa.

Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa waxaa laga arki karayey, taageerayaasha oo qeylinaya iyo wax u muuqday in ay ahaayeen dhawaqa rasaas, qeybta hore ee muuqaalka.

Garsooraha ayaa la arkayey asaga oo dhowr xabadood dhulka ugu dhufanaya taageerayaasha careysan, si ay uu isaga kala eryo, ilaa ugu dambeyntii ay ka kala carareen.

Bastoolada ayaa la sheegay in nin qaraabo la ahaa garsooraha uu u dhiibay markii ay ciyaartu dhammaatay si uu isugu difaaco hadii taageerayaashu soo weeraraan.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa la arkayey asaga oo ku leh garsooraha “ wacal baad tahay” inkasta oo uu dadka ku gambanayey.

Ilaa iyo hada lama oga in garsoorahaas loo cuskan doono qodobo ku saabsan anshaxa kubadda. Balse waxa la wada ogsoonyahay in Honduras ay caan ku tahay xasaradaha ka dhasha kubadda cagta. Waxana ugu caansanaa ‘dagaalkii kubadda cagta’ 1969 Honduras iyo El selvador, kaas oo ka dhashay  kulamo kubadda cagta ah oo ay koobkii aduunka sanadkaas wada yeesheen labada dal. Waxa ayna arintaasi sababtay in 3usbuuc kadib labada dal iclaamiyaan dagaal.

Laatiin America ayaa caan ku ah rabshadaha banooniga ka dhasha, waxana bishan horaanteedii 3dex qof lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay, ciyaar ka dhaceysay dalka Mexico, halkaas oo nin ku hubeysan qori AK47 uu rasaas ooda uga qaaday taageerayaal kubadeed, isaga oo ku baxsaday gaari uu watay, walow aan la caddeyn ilaa iyo hada sababta toogashadaas.

Wasiirka Gaadiidka iyo Garoomaga Koonfur Galbeed oo qalab dhismo gaarsiiyay dhismaha terminaalka garoonka diyaaradaha Xuddur “SAWIRRO”

0

Waa markii labaad oo diyaarad sida agabka dhismaha garoonka soo gaarta magaalada xuddur tan iyo bilowgii aasaaska terminaalka garoonka degmada xuddur oo hada meel gebo gebo ah maraya.

Agabka lasoo gaarsiiyay waxay isugu jiraan Jiingad Alwaaxyo iyo Mutileel waxana dadaal badan geliyey oo kirada diyaaradaha iyo qalabka bixiyay wasiirka gaadiidka iyo garoomada dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eeley maadaama bakhaarada magaalada xuddur laga heleynin qalabka dhismaha wado aan ahayn tan hawada oo lasoo marsiiyana aysan jirin.

Wasiir Xasan Eeley ayaa horey diyaarad ugu keeney shamiintada lagu dhisay madaarka garoonka oo noqonaysa dhismihii ugu horeysey ee ay yeelato garoonka diyaaradaha degmada xuddur, dhismaha waxa gacanta ku haya guddi isxilqaan ah oo wasaarada kala shaqeeyo howlaha guud ahaan garoonka ka socda.

Guddoomiyaha guddiga isxilqaan dhismaha garoonka ayaa wasiir Xasan Eeley uga mahadceliyey dadaalkiisa ku aadan agabka dhismaha garoonka diyaaradaha xuddur.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qaabishay wafdi ka socda Hay’adda WHO

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Isbitaalka Martini ku qaabishay Wafdi ka socda Hay’adda WHO.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa booqasho ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalka, sida Goobaha Talaalka lagu qaadanayo, dhismayaal Cusub ee Isbitaalka loo dhisayo iyo goobaha kale ee Bukaanada lagula tacaalo.

Wasiirka ayaa wafdigaan ku wargalisay inay muhiim tahay in Isbitaalka laga taageero adeegyada Caafimaadka ee Muhiimka ah si loo laba jibaaro shaqada adag ee Isbitaalku sida lacag la’aanta iyo hagar la’aanta ah Bulshada ugu hayo.

Wasiirka iyo wafdigaan ayaa sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan dhismaha iyo Rakibaada warshada Oxygeen oo laga hirgalinaayo Isbitaalka Martiini gudahiisa.

Wasiir Fowsiya waxay la dardaarantay shaqaalaha caafmaaadka Isbitaalka Martiini ayadoo ku boorisay in looga baahan yahay xilligaan adag inay u dhabar adaygaan shaqada una gutaan sida ugu hufan.

Maamulka Isbitaalka, shaqaalaha ayaa har iyo habeen dadaal adag ugu jira Bukaanada COVID-19 ee saacad saacada loo keenayo Isbitaalka ayagoo ugu shaqeeya si bilaash ah.

Rabshado ka dhacay Garoonka diyaaradaha Kabul oo sababay dhimasho

Rabshado ka dhacay garoonka diyaaradaha caasimadda dalka Afgaanistaan ayaa waxa ku dhintay toddoba qof sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Ingiriiska, Afayeen u hadlay wasaaradda difaaca ayaa yiri “Fikirkeenna runta ah wuxuu la jiraa qoysaska toddobada qof ee rayidka ah ee Afgaanistaan ​​oo si murugo leh ugu dhintay Kabul,”

Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Ben Wallace ayaa u sheegay wargeyska UK Daily Mail in aanay jirin ummad awood u leh inay qof walba banaanka u saarto ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee Mareykanka oo ah 31 -ka Ogosto.

Dhinaca kale Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la halgamayay sidii ay ula tacaali lahaayeen tirada dadka badan ee  isku dayaya inay raacaan duullimaadyada daad -gureynta toddobaadka dhexdiisa tan iyo markii ay Taliban dib ula wareegtay awoodda dalkaas.

Uganda oo Maanta qaabishay Qaxootigii ugu horreeyay ee Reer Afghanistan ah

Saraakiisha Uganda ayaa xaqiijiyay in dalkoodu uu maanta oo Axad ah qaabilayo 145 qof oo ka mid ah qaxootiga laga soo daadgureynayo dalka Afghanistan, waxaana wadahadal maalmo qaatay kadib, Uganda ay oggolaatay marti-galinta qaxootiga Afghanistan.

Arrintan ayaa imaaneysa maalin kadib markii si kumeel gaar ah loo hakiyay daadgureynta Kabul, sababo la xiriira xarunta qaabbilaadda dadka qaxaya ee dalka Qatar oo buux dhaaftay.

Esther Anyakun oo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda U-diyaargarowga Musiibooyinka iyo Qaxootiga, ayaa VOA u sheegtay in hay’adda Laanqeybta Cas ee Caalamiga iyo hay’adaha kale ee iskaashiga la leh ay dowladda Mareykanka kala shaqeynayaan sidii maanta dalka Uganda loo keeni lahaa 145 qof oo horudhac u ah dadka la soo daadgureynayo.

Horraantii toddobaadkan, ayay Anyakun sheegtay in Uganda ay aqbali doonto illaa 2,000 oo qaxooti Afghanistan ah, inkasta oo mas’uuliyiin kale ay sheegeen in arrintu weli tahay mid laga doodayo.

Wasiirka Gargaarka, U -diyaargarowga Musiibooyinka iyo Qaxootiga ee Uganda, Hillary Onek, ayaa subaxnimadii Sabtida u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ah ee dalkaas in qaxootiga Afghanistan ka imaanaya ay u badan yihiin haween iyo carruur, wuxuuna intaas ku daray in magaalada Entebbe looga diyaariyay hoteeladii ay degi lahaayeen.

Wasaaradda warfaafinta XFS waxay ku war-gelineysaa warbaahinta gaarka loo leeyahay inay qaadato Liisamada sanad-laha ah

Wasaaradda Warfaafinta XFS waxaa ay Saxaafadda madaxa banaan ku war-galineysaa in ay iska soo diiwaangaliyaan isla markaana ay liisamada sannadlaha ah ka qaataan xarunta wasaaradda warfaafinta.

Wargalintaan ayaa waxaa ay ku socotaa warbaahinta gaarka loo leeyahay ,sida (Idaacadaha,Telefishinada, Cable-lada,wargeysyada,website-yada, iyo studio-yaasha wax soo saarka(Media production campanies)

Waxaa sidoo kale wargalinta ay ku socotaa madbacadaha wax daabaca.

Isdiiwaangalinta ayaa ka bilaabaneysa xarunta wasaaradda warfaafinta XFS taariikh-da marka ay tahay 22/08/2021waxaana ay ku egtahay taariikh-da marka ay tahay 02/09/2021.

Shirka madaxda golaha wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmaya Muqdisho

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Sabti ah si rasmi uga furmo magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horay loogu socon lahaa dhamaanba hawlaha Doorashooyinka dalka.

Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa soo gaaray Muqdisho, markii laga reebo madaxweynaha Puntland oo lagu wado in saacadaha soo socda uu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb galo shirka madaxda golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban R/Wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.