Home Blog Page 641

Banaanbax lagu dalbaday wax ka qabashada go’doominta saaran wadooyinka soo gala Xuddur oo ka dhacay degmada “SAWIRRO”

0

Boqolaal dadweyne oo u badan  ardayda wax ku barata dugsiyada magaalada Xuddur iyo maamulka Iskuulada  ayaa ka qeyb galay baanaanbaxaan oo lagu dalbaday in si deg deg ah wax looga qabto wadooyinka AIshabaab marwalba ay ku gubaan hantida shacabka iyo in gargaar bani’aadanimo lala soo gaaro barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee xaaladooda nololeed aad uliidato.

Qeybaha kala duwan ee banaanbaxa ka qeyb galay ayaa waxa ay socod dheer ku mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada, waxana ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku dal-banayeen in jidadka xiran loo furo.

Banaanbaxa oo si nabad gelyo ah ku dhamaaday ayaa waxa ugu dambeyn warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah bulshada magaalada Xuddur.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda ADRA ee Soomaaliya “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Caabbi Xasan ayaa maanta xarunta Wasaaradda Waxbarashada kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda ADRA ee Soomaaliya Ahmed Santur Guled.

Kulanka uu qeyb ka ahaa injineerka guud ee Wasaaraadda Waxbarashada Eng.Bashiir Axmed Maxamed ayaa intii uu socday looga hadlay dardargalinta dhismaha iskuullo hab casri ah looga dhisi doono dhammaan gobollada dalka si ardayda Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho dhameystiran.

Wasiirka caafimaadka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka wada hadlay adeegayada caafimaadka ee caasimada “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa xubno ka socdey wasaaradda caafimaadka xukumadda federaalka Soomaaliya oo ay hogaamineysey wasiirka caafimaadka.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo daa-dejin lahaa adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo ay bixiso wasaaradda caafimaadka.

Kulanka kadib ayaa waxay maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda caafimaadku gudi 2 geesood ah u saareen ka shaqeynta sidii gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa maamulida xarumaha caafimaadka ee ku yaala gobolka Banaadir.

Guddiyadaas ayaa waxaa laga doonayaa iney warbixin soo gudbiyaan dhamaadka bishaan si ay aakhirka u saxiixaan guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasiirka caafimaadka.

Imaaraadka oo ugu baaqay Suudaan iyo Itoobiya in ay dejiyaan xiisadda ka taagan xadka labada dal.

0

Dowaladda Imaaraatka ayaa ugu baaqday  labada dal ee Suudaan iyo Itoobiya inay ka fogaadaan wax kasta oo ku sii kordhin kara  xiisadda militari ee ka taagan xuduudaha labadaas dal.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee imaaraataka ayaa lagu yiri: “ dowladda imaaraatku waxay rajeyneysaa in laga fogaado xiisad colaadeed oo ka dhax dhalata dowladaha Suudaan iyo Itoobiya, waxayna ugu baaqeysa labad dal inay ka wada shaqeeyaan xasiloonada gobalka”.

Dowladda Imaraatka ayaa sheegtay inay xiriir wanaasgan la leedahay labada dal iyadoo ugu yeertay inay khilaafka jira ku wada xalliyaan miiska wada hadalka.

Suudaan ayaa sheegtay in ciidamo Itoobiyaan ah ay weerar kusoo qaadeen degaanka Al-Fashaqa ee ku yaala xuduudaha Suudan iyo Itoobiya,  halkaas oo ay ku dileen 6 qof.

Itoobiya ayaa iyaduna  ku eedeysay Suudaan inay jabisay heshiiskii ay labada dal kala saxiixdeen 1972-dii ee ku saabsanaa arrimaha xuduudaha.

Ra’iisul wasaaraha Kuwayt oo is-casilaadda xukuumaddiisa u gudbiyay Amiirka dalkaas.

0

Ra’iisal wasaaraha dalka Kuwayt Shiikh Sabaax Al-Khalid Al-Sabaax ayaa iscasilaadda xukuumaddiisa u gudbiyay Amiirka dalka  Shiikh Nawaaf Al-Axmad maanta oo Arbaca ah sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalka Kuwayt.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii wasiirro ka tirsan xukuumadda ay shalay is casilaadooda u gudbiyeen ra’iisal wasaaraha.

Xubno ka tirsan  baarlamaanka dalkaas ayaa hore u codsaday in ra’iisal wasaaruhu hor yimaado baarlamaanka si wax looga waydiiyo qaab dhismeedka xukuumadda.

Shirka sannad laha ah ee Garsoorka dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho

0

Shirka sannadlaha ah ee Garsoorka dalka oo ay ka qeyb galayaan hay’adaha cadaaladda heer federaal iyo heer maamul goboleed ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka, Sheekh Saalax Ibraahim Dhiblwaale oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa sheegay in shirkaan diirada lagu saari doono qodobo ay ka mid yihiin xal u helida Musuq maasuqa, Fulinta xukunada, Been abuurka iyo qodobo kale oo muhiim u ah arimaha Garsoorka.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ah  Hay’adaha Garsoorka Masuuliyiinta qeybta ka ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha maxkamadda sare,Guddiga Cadaaaladda iyo Garsoorka ee Baarlamaanka,  Maxkamadaha gobolka Banaadir, Xafriiska Garyaqaanka, iyo Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah waxaa sidoo kale ka qeyb gelaya in ka badan 300 oo u badan sharci yaqaano iyo khubaro.

Dalka Malawi labo wasiir oo COVID-19 ugu geeriyootay.

0

Laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Malaawi ayaa u dhintay xanuunka Karoona Fayras, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaas.

Wasiirka gaadiidaka Sidiiq Miyaa iyo wasiirka dowladaha hoose Lingson Percanyama ayaa u geeriyooday cudurka karoona Fayras.

Madaxweynaha dalkaas Lazarus Chakwira ayaa ku tilmaamay dhimashada labada wasiir mid khasaaro ugu filan dalka.

Madaxwaynaha ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen laba wasiir iyo dhamaan shacabka, isagoo ku sifeeyay labadooda wadaniyiin qaali ku ah shacabka iyo dowladda Malaawi.

Madaxwaynaha ayaa ugu baaqay shacabka inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah oo ku saabsan u hogaansanaanta tallaabooyinka looga hortegaayo cudurka karoona fayras.
In ka badan 9 kun oo kiis ayaa laga diiwaan geliyay dalka Malaawi, waxaana u dhintay Karoona 235 qof.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka wasiirka Warfaafinta uu la qaatay Danjire Qin Jian waxaa ku wehliyay agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka ee (SONNA) Cali C/qaadir Cali iyo lataliye Cabdiraxmaan Mubaara,waxaana mudadii uu socday diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga warbaahinta labada dal,iskuxirka Wakaaladaha Wararka SONNA iyo Xinhua ee Shiinaha iyo Soomaaliya,Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Kan Dalkaasi ee CCTV iyo Radio Muqdisho,iyo sidii ay uga geysan lahaayeen tayenta warbaahinta.

Mudane Cismaan Abuukar Dubbe Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Safiirka Shiinaha wada shaqeynta kala dhexeyso Warbaahinta Dowladda,isagoo xusay in loo baahan yahay in la kordhiyo fursadaha sare loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha warbaahinta Qaranak,si loo tayeeyo adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale isla garteen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah kaasi oo u dhexeeya labada dowladood,lagana fogaado waxkasta oo xiriirkaasi wax u dhimi kara.

Danjire Qin Jian ayaa soo dhaweeyey hadalka wasiirka Warfaafinta,isagoo balanqaaday in warbaahinta labada dal ay si dhow uga wada shaqeeyaan horumarinta iyo ilaalinta danahal labada Dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha,wuxuuna balanqaaday in uu kordhinayo deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan wasaaradda Warfaafinta gaar ahana shaqaalaha warbaahinta.

Dawladda oo beenisay inay jiraan maleeshiyaad abaabulan oo doorashada ka soo horjeeda.

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-cadaala) ayaa sheegay inay been abuur yihiin muuqaallo maalmahan lagu baahiyey baraha bulshada iyo saxaafadda qaarkeed, kuwaas oo lagu sheegay inay yihiin maleeshiyaad doorashada ka soo horjeeda oo duleedka Muqdisho isku abaabulaya.

Al-cadaala ayaa xusay in muuqaalka la baahiyey uu yahay mid hore oo loo duubay ujeedda ka duwan tan lagu sheegay, ciidamada ka muuqdana aysan ahayn fallaago u abaabulan inay amni darro abuuraan.

Waxa uu u jeediyey warbaahinta iyo dadka sida ka fiirsi la’aanta ah muuqaaladaas la marin habaabiyey iyo kuwa la mid ka ah baahinaya, inay ka dhawrsadaan macluumaad aysan hubin inay faafiyaan, kaas oo si sahal ah ku abuuri kara amni darro, taas oo dhaawacaysa amniga Qaranka, sharafta ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad, been sheegistuna maaha madaxbanaan” ayuu yiri mudane Al-cadaala.

Muuqaalada lagu baahiyey Telefeshinada maxaliga ah qaarkood iyo baraha bulshada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay aad ugu faafay bulshada dhexdeeda, kuwaas oo ay ka muuqdeen ciidamo aan isku dhar ahayn oo wata gaadiid dagaal.

Shirka madasha iskaashiga Ganacsiga Beeralayda Dalka oo berri ka furmayo Muqdisho.

0

Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya , waxay qabanaysaa Shirka madasha iskaashiga ganacsiga beeralayda Soomaaliya kaasi oo loogga hadlaayo siddii ganacsatada iyo beeralaydu ba iskaga kaashan lahaayeen xoojinta wax-soo-saarka dalka iyo weliba in suuqyo ganacsi oo gudaha iyo kuwo caalami ah loo raadiyo wax-soo-saarka Soomaaliya.

Shirkan oo la filaya maalinta berri ah oo ku beegan 13-ka Janaayo 2021 ka qabsoomi doona Muqdisho, ayaa waxa ka soo qeyb-gali doona madaxda Wasaaraddaha ganacsiga iyo beeraha dowladda Soomaaliya, masuuliyiin ka socoto wasaaradaha ganacsiga iyo beeraha dawladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe,iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socda hay’adda DRC, ganacsato, Beeralay iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Shirkaan qaban qaabadiisa waxaa isla leh wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliya waxaana loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka dalka iyo in la dhiirigaliyo beeraaleyda Soomaaliyeed.