Guddiga Gurmadka Qaraxii Shalay ka dhacay Magaalada Jowhar oo maanta booqday goobihii qaraxa uu ka dhacay
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo maanta xukun ku riday Dhagarqabe katirsan Argagixisada Al-shabaab
Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan “CabdiNaasir” ayaa u dhaawacmay August sanadkii tegay Rasaas ay ku fureen Ciidamada Amniga kadib Bam uu ku tuuray waaxda Taleex.
Ra’iisul Wasaare Hamse Abdi Barre oo maanta la kulmay xubno katirsan dowladda Finland
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Suldaan Saciid Axmed, oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Finland, ahna Ergayga cusub ee Finland u qaabilsan nabaddeynta Geeska Afrika.
Madaxweyne Dani oo la kulmay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan
Muqdisho,18, Luulyo, 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafti ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador, James Swan oo ay weheliyaan Madaxa ugu sareeya ee hay’adda UNFPA Soomaaliya Niyi Obuolape iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland, Guy Griffin.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Abaaraha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaa si qoto-dheer loo dul-istaagey sidii Beesha Caalamku door muuqda uga qaadan lahayd ka jawaabidda xaaladda abaarta iyo u gargaaridda shacabka abaartu saamaysay, Amaanka, dardargelinta Dimuqraadiyeynta iyo mashaariicda horumarineed ee hay’addaha caalamiga ah ka wadaan Puntland.
Waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey kulanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Jamaal Carab Yuusuf, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta masiibooyinka, Cabdullaahi Cali Xirsi iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay
Muqdisho, Luulyo 18. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ku joogay dalkaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo maanta kormeeray xarunta ay ka socoto saxista Imtixaanka fasalka 12,aad ee dugsiga Sare
Muqdisho-18-7-2022:Wasiirka waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Hon.Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji, oo uu wehliyo Wasiiro dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda, Hon. Abdirahman Mohamud Abdulle Jaabir, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Mohamed Abbi Hassan, iyo tiro kamida agaasima-yaasha Waaxyaha ayaa kormeeray xarunta ay ka socoto saxista Imtixaanka fasalka 12,aad ee dugsiga Sare kaasi oo natiijadiisa lagu dhawaaqi doono dhowaan.
Wasiirka Waxbarashadda oo la hadlay macalimiinta Saxaysay Imtixaanka, ayaa kula dar-daarmay in ay masuuliyad buuxda iska saaraan u cadaalad falista ardayda Soomaaliyeed maadama natiijada imtixaanku ay qeyb wayn ka tahay mustaqbalka dalka, kan ardayga.
Wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay qaado imtixaanka mideysan ee dugsiga sare sanadkii 8’aad oo xariir, ayada oo mudooyinkaas dalku sameeyay horumaro Waxbarasho sidoo kalana la meel mariyay sharciyo lagu hormarinaayo tayada Waxbarashadda dalka.

(DAAWO)Shil Diyaarad oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Muqdisho-18-7-2022-:Shil Diyaarad ayaa haatan ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde
Ra’iisul Wasaare Hamse Cabdi Barre oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti
MUQDISHO-18-7-2022-:Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Mohamed-Rashid Ibrahim Yuusuf.
Suudaan oo Maanta dib u furtay xudduudka ay la wadaagto Dalka Itoobiya
MUQDISHO-18-7-2022-:Suudaan ayaa dib u furtay marinka xudduuda ah ay la wadaagto Itoobiya kadib markii ay xirtay bishii lasoo dhaafay iyadoo Itoobiya ku eedeysay inay dishay 7 kamid ah ciidamada dalkaas.
Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky oo shaqada ka ceyriyey madaxii amniga iyo dacwad oogaha guud ee dalkaas
MUQDISHO-18-7-2022-:Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa shaqada ka ceyriyay madaxii amniga iyo dacwad oogaha guud ee dalkaas kadib eedeymaha loo soo jeedeeyay ee ah in qaar ka mid ah waaxyadooda ay gacan saar la leeyihiin Ruushka.
