MUQDISHO, Luulyo 16. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalkaas iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.
Ra’iisul Wasaare Hamse Abdi Bare oo la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, iyo saraakiil ka tirsan hawlgalka ATMIS
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Fiona Lortan iyo saraakiil ka tirsan hawlgalka ATMIS.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta qaabilay Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya, Kate Foster
Taliska Booliska Puntland oo Taliyaal cusub u magacaaabay qaar kamid ah Saldhigyada Degmooyinka Puntland
MUQDISHO-16-7-2022-:Taliyaha Ciidanka Booliiska Maamul goboleedka Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Taliyaal cusub u magacaabay qaar kamid ah Saldhigyada degmooyinka Puntland.
Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta
MUQDISHO-16-7-2022-:Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta mudane Abdel bin Abdulrahman Al-Assumi, ayaa waxaa uu la wadaagay dalalka Carabta iyo hay’adaha deeqaha bixiya ee caalamiga ah inay Soomaaliya ku garab istaagaan sidii ay uga bixi lahayd dhibaatada abaareed ee ka jirta dalka.
Ciidamada Israa’iil oo duqeeymo ka geeystay marinka Gaza
MUQDISHO-16-7-2022-Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeymo ka geeystay subaxnimadii hore ee saakay qeybo kamid ah maga marinka Qaza, kadib markii ay shegeen inay ogaadeen in goobaha ay duqeyeen laga soo tuuray labo Gantaal.
Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen goob ku yaallo Qaza, oo ay ku sugnaayeen dhaq dhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas.
Goob joogayaal ku sugan Qaza ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo waaweyn oo ka dhacay qeybo kamid ah magaalada, kuwaasi oo aan la la sheegin waxyeelada ay geysteen.
Geesta kale, afhayeen u hadlay dhaqdhaqaaqa wax iska caabbinta Xamaas ayaa sheegay in duqaynta ciidanka Yahuudda ay ka geeysteen marinka Gaza uu ka mid yahay dambiyada argagixisanimo ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Dab ba’an oo ka kacay keymo ku yaalla Mediterranean-ka
MUQDISHO-16-7-2022-:Dabka ayaa ku faafay waqooyiga BortuqiiskaImage caption: Dabka ayaa ku faafay waqooyiga Bortuqiiska.
Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamuud oo booqasho labo maalmood ah ku tagay dalka Kenya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Muqdisho, Luulyo 16, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku tagay dalka aan dariska nahay ee Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
[AKHRISO]Puntland oo guddi Baaris ah umagacaawday Maxaabiistii Argagixisada Al-shabaab kuwas oo ka baxsaday saldhig ku yaal Magaalada Gaalkacyo
Muqdisho-16-7-2022-:Ku simaha Guddoomiyaha ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Gobolka Mudug dhanka maamulka puntland Xasan Cabdulaahi Warsame ayaa Guddi Baaris ah umagacaabay dhacdadii dhawaan ka dhacday Saldhiga Cirka oo ay ku xirnaayeen qaar kamida Maxaabiista Argagixisada Al-shabaab kuwas oo ka baxsaday halkaas.
Agaasime Waxeedyada dowladda hoose iyo Guddoomiyayaasha xafadaha Magaalada Galkacyo dhanka Galmudug oo Tababar maanta loo furay
Muqdisho-16-7-2022:Tababar lagu baranayo maamulka iyo maareynta xafiisyada dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta uga furmay Magaaladas Agaasime waxeedyada dowladda hoose iyo gudoomiyayaasha xafadaha Magaalada Galkacyo.
