Raisulwasaare Hamse Abdi Bare oo maanta qaabilay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Date:

Muqdisho-17-7-2022:Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Alberto Vecchi, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay taageerada dowladda Talyaaniga, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal.

Danjiraha ayaa dhankiisa balan-qaaday sii xoojinta xiriirka labada waddan, gaar ahaan mashaariicda ay ku taageeraan Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...