(SAWIRO)Ciidamada DANAB oo gobolka Jubbada hoose ku dilay Horjogayaal katirsan Al-Shabaab kuwa kalana nolasha ku qabtay

Date:

Ciidanka Kumaandooska Danab XDS Gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab ayaa Hawlgal Qorshaysan oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab ka sameeyey degaanka labakuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Degaankan ayey Aragagixisadu ku lahayeen bar kantarool oo ay lacag baad ah uga qaadan shacabka & gadiidka mara degankan waxana sidoo kale goobta ku taalay meel lagu kaydiyo waxay ugu yeedhan sakawad oo dhaca xooloha shacabka Somaliyeed.

Hawlgalkan ayaa intii u socday waxa lagu dilay 5 dhagar qabe oo uu ka mid yahay Horjoogihii Argagixisada u qaabilsana sanaa dhinaca maaliyada ee degaankan oo magaciisa lagu soo koobay ismaciil halka lagu soo qabtay mid ka mida Argagixisada isla markaana waxa laga soo qaatay hubkii ay isticmaalayeen oo kala ah 4 qori oo nooca Ak47 iyo Hal qori oo BKM ah, Sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida U Xaqiijiyey Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...