Home Blog Page 627

Ra,isul wadaare ku xigeenka dalka oo maanta xilalka ukala wareejiyay wasiirka gadiidka iyo duulista hawada iyo wasiirka dekedaha iyo gadiidka badda

0

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore Gaadiidka Hawada iyo Duulista, Mudane Duraan Axmed Faarax iyo Wasiirka cusub Marwo Fardowso Cismaan Cigaal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo soo baara dhacdadii Fowdada aheed ee 7 bishan ka dhacday Xarunta Golaha

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Mohamed Nuur Madoobe  ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo soo baara dhacdadii Fowdada aheed ee 7 bishan ka dhacday Xarunta Golaha, halkaasoo dhowr Xildhibaan ay fowdo ka sameeyeen fadhiga.

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, oo xilalka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Salah Jama iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilalka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Salah Jama  iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane Mahdi M. Gulaid.

Qaraxyo qasaaro uu Dad rayid ah kasoo gaaray oo ka dhacay Deegaanka Cabdala Biroole ee Duleedka Kismaayo

0

Wararka naga soo gaaraya Galbeedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Maanta ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo fara badan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Laamaha Amniga Mudug oo gacanta ku dhigay agab ka kooban Walxaha Qarxa iyo gaarigii waday

0

Gudoomiya Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa ka qayb galay kulan Deg Deg ahaa oo lagu soo bandhigayey Laamaha Amniga Gobolka Mudug oo ku guulaystay soo qabashada Agab ka kooban Walxaha Qarxa iyo gaarigii waday oo la rabay in lagu khal-khal galiyo Amniga iyo Horumarka Bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Ahmed Xuseen shire Bukhaari ayaa Xarunta Gobolka Mudug ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR ayna hugaaminaysay Madaxa Cusub( HEAD SUB OFFICE) MONIOUE RUDACOGORA Laguna sagootinayay Madaxii hore Mohamed Shekinweri.

Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

0

Cod bixiyeyaasha dalka Kenya ayaa u dareeray goobaha ay yaallaan sanduuqyada doorashada si ay u doortaan Madaxweyne cusub oo baddala Uhuru Kenyatta.

Allaha u naxariisto waxaa goor dhow Muqdisho ku geeriyooday taageerihii caanka ahaa ee degmada Dharkenley Saalax Faarax Jaamac Geelle.

0

MUQDISHO-9-8-2022-:Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ku geeriyooday taageerihii weynaa ee dhanka kubada cagta  ee Degmada Dharkinleey ee gobolka Banaadir  Allaah Hauna xariistee Saalax Faarax Jaamac Geelle kaas uu dhaawac  ay u geysteen  Ciyaal Weeero muddo 15 berri ah ugu jiray isbitaalka digfeer Balse maanta ayuu dhawaacas ugu geriyooday isbitaalkaas oo lagu baxnaaninayey.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo dhigiisa Dalka uganda oo kala saxiixday heshiis

0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibriil Abdirashid Hagi Abdi oo qeyb ka ahaa weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Uganda, ayaa isaga iyo dhiggiisa dalkaas Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Iskaashatooyinka, Hon. Mwebesa Francis, waxay si rasmi ah u saxiixdeen heshiis is-af-garad oo u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Uganda kaas oo ku saabsan iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Ku dhawaad 500 oo arday oo jaamacadda ACCORD ee Muqdisho ka diyaarisay shahaadda heerka 2aad ee jaamacadda

0

Xafladaan oo aheyd mid si her sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ku qalin-jabinayay dufcadii 2aad ee ardayda jaamacadda Accord ee magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda oo lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir,masuuliyiin hore xilal kala duwan usoo qabtay, xilldhibaano ka tirsan golaha shacabka BJFS oo qaar kood ka mid ahaa ardayda qalin jabineysay, iyo waliba guddoomiyaha guud ee jaamacadda Accord oo safar shaqo ku timid magaaladda Muqdisho inta munaasabadda Socotay.

Guddoomiyayaasha Degmooyinka Waaberi iyo Warta Nabadda, Sugal Cali Ayaanle iyo Saynab Xaabseey ayaa ka hadlay muhimada ay leedahay waxbarashada.

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka BJFS iyo sido kale Agaasimaha guud ee Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cisman ayaa bogaadiyay ardayda ka qalin jabineysa Jaamacadda Accord.

Prof. Florence Norris oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda ACCORD oo dalka Mareykanka ka timid ayaa kasoo qeybgashay xafladda qalin jabinta dufcada 2aad ee ardayda, waxaana ay ku bogaadisay in ay sii wadaan waxbarashada.

Inta ay socotay munaasabadda waxaa sido kale farriimo kusoo bandhigay macalimiinta ajaanibta ah ee wax ka dhiga jaamacadda maadaama ay nasiib u yeelan waayeen in ay yimaadaan goobta xaflada lagu qabanayay.

Barbaarta gaashaaman, fanaaniinta iyo afmaalo kale ayaa inta ay xafladda socotay kusoo bandhigay suugaan ka turjumeysa qiimaha ay leedahay waxbarashada jaamacadda Accordka.