Home Blog Page 627

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho soo gaaray

0

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe, Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan cade Airport kusoo dhoweeyay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, qaar kamid ah Senatorada cusub ee dhowaan lagu doortay Magaalada Jowhar, Xildhibaano Golaha Shacabka,  Xubno isugu jira labada gole ee Dowlada Hirshabeelle, Siyaasiyiin, Bahda fanka iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweeyntii diiraneyd ee loo sameeyay isagoo u mahadceliyay dhamaan dadkii soo dhoweeyay.

Ku dhawaad 30 ruux oo ku geeriyootay Shil ka dhacay Nepal

0

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay in ka badan toban kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii bas rakaab oo aad u buuxay uu ka dhacay waddo ku taalla gobolka buuraleyda ah ee waqooyi galbeed ee Nepal, sida ay saraakiishu sheegeen.

Shilka oo ka dhacay gobolka fog ee Mugu ayaa dhacay yimid ka dib markii uu Banjaray mid ka mid ah taayirrada hore ee Gaariga, sida uu sarkaal ka tirsan degmada Rom Bahadur Mahat u sheegay Wakaaladda Wararka AFP.

Gaariga Baska ee Shilka gala ayaa ka yimid degmada Banke ee koonfurta kuna sii jeeday aagga Mugu waxaana la rumeysan yahay inay saarnaayeen ugu yaraan 45 qof, oo badankood u safrayay si ay ugu dabaaldegaan xuska Hinduuska .

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dhaawacyada u qaaday isbitaallada si loogu daweeyo, iyadoo samatabbixiyeyaashu ay sii wadeen baadi -goobka dadkii ka badbaaday iyo dhibbaneyaashii goobta shilku ka dhacay .

Shilalka gaadiidka ee aadka u dhimashada badan ayaa ku batay dalka Nepal sababo la xiriira waddooyinka oo liita, baabuurta oo si xun loo dayactiray iyo Darawalada qaar oo gaadiidka u wada si xowli ah.

Mahdi Guuleed “Dhammaan Go’aanada Maxkamadda waxay ku waafaqday Doodii Soomaaliya”

0

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ka sheegay in ay guul ku soo dhamaatay kiis qaatay in kabadan 10 Sano ayna maanta Soomaaliya ku Guulleesatay Baddeeda

Lifaaqaan ka aqriso go.aankii maxkamadda ICJ.

ICJ Judgement (2)

Wasiirka Beeraha oo la kulmay Wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya “SAWIRRO”

0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Cusub ee hay’adda cunada Adduunka WFP u qaabilsan Soomaaliya Mr. Elkhidir Dalu

Soomaaliya oo Kenya kaga guuleysatay kiiskii dacwadda badda ee ICJ

0

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa maanta go’aamisa in kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya ay ku guuleysatay Soomaaliya, waxayna Meesha ka saartay doodda ugu weyn ee Kenya oo aheyd inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Mowqifka Soomaaliya ayaa ahaa in xadeynta lagu saleeyo diilinta toosan ee ku asteysan xududda badda, iyadoo Kenya doonaysay in la raaco diilinta loolka ee dhanka waqooyi, doodaas oo maxkamaddu waxba kama jiraan ka soo qaaday.

Soomaaliya ayaa kiisan geysay maxkamadda ICJ 2014, muddo todobo sano ah oo dadka Soomaaliyeed sugayeen go’aanka maxkamadda ayaa maanta guul ku soo dhammaaday.

Dhul badeedka Kenya doonaysay in ay Soomaaliya ka qaadato ayaa lagu qiyaasaa 100, 000 KM oo isku wareeg ah oo kheyraad badan ka buuxo.

Wefdi sare oo ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta goob joog ka ahaa ku dhawaaqista xukunkan.

 

Sawirro: Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta oo tababar u soo xiray 10 Weriye

Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle ayaa soo xiray tababar maalmahaan u socday qaar ka mid ah howlwadeena warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Tababarkaas oo ku saabsanaa barashada habeynta iyo naqshadeynta muuqaallada warbaahinta Qaranka ayaa socday mudo shan maalmood ah waxaana ka faa’iideystay 10 ka mid ah shaqaalaha warbaahinta Qaranka, gaan ahaan waaxyaha warbaahin Danabeedka (Social Media).

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Wasaaradda Warfaafinta oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyey dhalinyaradaas waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxiin Ciise Cadow, Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika), Agaasimaha Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame.

Madasha munaasabada ayaa lagu gudoonsiiyay ka qeyb galayaasha tababarka shahaadooyin ay ku muteysteen qaadashada tababarkan.

 

Wasiirro, saraakiil ciidan iyo guddiga doorashada Puntland oo ka shiray amniga doorashada

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta shir gudoomiyay kulan diiradda lagu saaray amniga doorashooyinka dawladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, kuwaas oo loo balansan in dhawaan la qabto.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gudiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha maamulka Puntland.

Sidoo kale shirka waxaa qeyb ka ahaa saraakiil sare oo amni, kuwaas oo ay ka mid yihiin la-taliyaha dhanka ammaanka ee Madaxweyne Deni, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Agaasimaha Waaxda Amniga, Hay’adda Sirdoonka Puntland iyo saraakiil kale.

Qoraal ay wasaaradda amniga Puntland kasoo saartay shirkaas ayaa lagu sheegay in is-faham iyo guul uu ku soo dhamaaday, isla markaana lagu gaaray go’aamo lagu sugayo amni doorashooyinka dowladaha hoose ee dhawaan la qabanayo.

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Pakistan oo tacsi udirtay shacabka reer Pakistan

0

Safaaradda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee dalka Pakistan waxa ay murugada iyo tiiraanyada la qeybsanaysaa dowladda iyo shacabka aan walalaha nahay ee reer Pakistan geeridii ku timid Allaha u naraxiisto marxuum Dr. Abdul Qadir Khan, oo maantay ku geeriyooday dalka Pakistan . Dr Abdul Qadir waxuu ahaa aas aasihii quwada nuclear-ka ay maanta haysato dowladda Islaamiga ah ee Pakistan. Ahna qof dalkaan aad looga ciseeyo. Waxaan leenahay Allah u naxariisto ehelkii iyo dhamaan dadkii uu ka baxayna samir iyo iman Allaha ka siiyo ameen.

Madaxweyne Qoor Qoor oo lakulmay Taliyaha ciidanka AMISOM

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha ciidanka AMISOM iyo saraakiil uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga.

Kulanka kadib, Saraakiisha ayaa Kormeer ku tagay goobaha loo asteeyey iney ka dhacdo Dorashooyinka xildhibaannada ee Magaalada Caasimadda ah ee Dhusamareeb.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo kormeeray wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood “SAWIRRO”

0

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo uu ka socdo dib-dayactir lagu sameynayno.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u kuurgalay sida shaqadu u socoto waxaana uu warbixin ka dhegaystay Injineerada iyo maamulka shirkada gacanta ku haysa wadada, wuxuu boggaadiyay shaqada socota isagoo kula dar-daarmay in lasii dardargeliyo.

Kormeerka waxaa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame,  Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada DGPL, Labada Guddoomiye ee Gobollada Sool iyo Nugaal, Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal iyo Saraakiil Madaxtooyo.