Ra,isul wadaare ku xigeenka dalka oo maanta xilalka ukala wareejiyay wasiirka gadiidka iyo duulista hawada iyo wasiirka dekedaha iyo gadiidka badda

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore Gaadiidka Hawada iyo Duulista, Mudane Duraan Axmed Faarax iyo Wasiirka cusub Marwo Fardowso Cismaan Cigaal.

 

Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac iyo Wasiirka cusub Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa xilka la kala wareegay.

 

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa uga mahadceliyey Wasiirradii hore sida ay ugu soo shaqeeyeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa uuna u rajeeyey Wasiirrada xilka la wareegay in Alle uu u fududeeyo gudashada waajibaadka Qaran ee loo xil saaray.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...