Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, oo xilalka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Salah Jama iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilalka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Salah Jama  iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane Mahdi M. Gulaid.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee xilka wareejiyey, sidii howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo xusay shaqadii adkayd ee mudadaas uu u soo qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac in allaha u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla, waxuuna ku tilmaamay nin shaqo yaqaan ah, lehna xirfad hoggaamineed oo ay ka faa’iideysan doonaan.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore, ayaa ku wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub, dukumiintiyo iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...